SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Wafti Reer Denmark ah oo Booqday Kulliyada Tababarka Macalimiinta iyo maktabada Garoowe, lana kulmay madaxweynaha Puntland

Waxaa (sabtidii) booqday kuliyada tababarka macalimiinta iyo xarunta maktabada ee Garoowe wafdi ka socdo Denmark oo kala ahaa Saalax Siciid Diiriye iyo Allan Vokstrup.

Sawirada Halkan ka daawo....

Wafdigu wuxuu u kuurgalay heerka waxbarasho ee puntland guud ahaan iyo magaalada Garoowe gaar ahaan. Waxaa heerarkii kala duwanaa ee waxbarashada Garoowe soo martay wafdi warbixin faahfaahsan ka siiyay mudane Abdirisaq Ahmed Sh. Shoole madaxa kuliyada tababarka macalimiinta ee Garoowe. Mudane Abdirisaaq waxaa wafdiga ku wargaliyay ineey baahida asaasida kuliyaad ka danbeysay kadib markii lo ogaaday in wixii burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya kadib aan wax macalin ah qalin jabin sidaa daraadeedna baahi weyn loo qabay hirgalinta xaruntaa. Ugu danbeytii waxaa wafdigu indha indheeyay qeybaha kala duwan ee kuliyada. Isla maanta wafdigu wuxuu sidoo kale booqday maktabada weyn ee magaalada Garoowe.

Waxaa halkaa wafdiga kusoo dhaweeyay masuuliinta maktabada oo si faahfaahsan ugu waramay wafdiga. Maktabada Garoowe ayaa wax kusoo kordhisay bilicda magaalada sidoo kale waxeey xarun u noqotay dhalinta magaalada ee doonayo ineey daalacdaan culuunta kala duwan. Waxa kale oo ay booqdeen kuliyada GAROWE TEACHER EDUCATION CENTER.

Waxaa wafdigu maalinta Axadii la kulmeen madaxweynaha Puntland Dr. Abdirahman Maxamed Maxamuud Faroole..

M.WEYNAHA PUNTLAND OO LA KULMAY 2 HEYADOOD OO DEENISH AH

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxmed Faroole ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi ka socdo 2 heyadood oo deenish ah. Wafdigu wuxuu ka koobnaa Mudane: Saalax Siciid Diiriye iyo Mudane: Allan Vokstrup oo kala matala Puntland Aid Service (PAS) iyo Danish People Aid (DPA). Mudane Saalax oo ku hadlayay magaca ururku uu madaxda ka yahay iyo midka jaaliyada reer Puntland ayaa madaxweynaha wuxuu xogwaran waafi ah kasiiyay xaalada jaaliyada Soomaaliyeed si guud ahaan iyo mida reer Puntland si gaar ahaaneed. Saalax waxaa u madaxweynaha u gudbiyay salaan iyo bogaadin uu ka sido jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Denmark.

Kulankaa waxaa la isla meel dhigay in la kor loo qaado isla markaana la joogteeyo xiriir maamulka Puntland iyo jaaliyada reer Puntland ee qurbaha kunool. Madaxweynuhu wuxuu xusay doorka qurba joogtu ka ciyaari karaa dib u dajinta, dib u dhiska iyo waliba hormarka dalka hooyo, wuxuu kaloo ku bogaadiyo in jaaliyada dibada dadaal dheer ah sameeyaan isla markaana si karti leh isku muujiyaan.Mudane Allan ayaa madaxweynaha wuxuu sharaxaad dheeraad ah ka siiyay ujeedada socdaalka iyo mashaariicda heyaduusu qabato, iyo waliba sida eey ugu dhiiran yihiin in wixii hada ka danbeeyo Puntland xafiis ka furan doonaan. wada shaqeyn wanaagsan iminka la leeyihiin heyadaha wadaniga sida KAALO. Mudane Saalax ayaa madaxweynaha gudoonsiiyay hadiyad taasoo aheyd calanka soomaaliya oo lagu xardhay map-kii

Wafdiga ayaa madaxweynaha u muujiyay taageerada ee u hayaan dadaalka Dr. Faroole ugu jiro dhisid dowlad u dhan yihiin dhamaan waaxyaheeda isla markaana u heelan u adeegida shacabka doortay si dimoqoraadi ah. Kulankaa waxaa wafdiga ku weheliyay Dr. Abdi Hassan Jimcaale Wasiirka dimoqoraadiyada iyo arimaha federaalka iyo madaxa heyada wadaniga ee kaalo mudane Maxamuud Sh. Haamud. Labada masuulba waxeey wafdigu xog waran ka siiyeen marxaladihii Puntland soo martay si guud iyo hanaanka isbadal doonka ah ee dhawaan Puntland ka curtay. Wafdiga ayaa ugu danbeytii madaxweynaha u jeediyay codsi ah in madaxweynaha socdaal ku yimaado Denmark iyo qaarada yurub. madaxweynuhuna waa ogalaaday in socdaalka ku yimaado dhawaan qaarada Yurub.

Sawirada Halkan ka daawo....

Faafin : SomaliTalk.com | June 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version