SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Obama qudbadiisa Qaahira waxay ahayd heer sare laakiin waxaa waxba kama jiraan ka dhigi doona ugu horeytiiba siyaasadda maamulkiisa iyo xagjirayaal maraykan ah.

Mahamoud Wardere
Green Bay, Wisconsin
mnwardere@yahoo.com


Qudbadii uu Qaahira  ka jeediyey madaxweyne Obama ee loogu magac daray bilow cusub ama new beginning waxay ahayd mid taariikhi ah oo marka dhinacyo badan laga eego baal cusub furtay.  Qudabadan oo ahayd mid dad badan ay wada diyaariyeen oo aad looga soo shaqeeyey waxay ahayd mid aan looga baran madaxweyne maraykan ah ama hogaamiye reer galbeed ah gaar ahaan sida uu uga hadlay Israa’iil iyo falastiin.

Miisaanka Obama iyo qudbadiisa ayaa laga dareemi karaa  sida ay u gilgishay kuwa maraykanka ah oo jeclaa in dagaalka sii socdo ayagoo afka furtay oo leh Obaama cudur daar ayuu bixiyey  ama apology halka kuwa maraykanka ah oo nabadda jecel ay yiraahdeen  waa dabayl caafimaad ama fresh air iyo sumcadeena ayuu isku deyayaa inuu  soo celiyo gaar ahaan da yarta dunida muslimaka..

Sidoo kale dunida muslima kooxda maraykanka iyo reer galbeedka iska caabinaysa ayaa Obama ku tilmaamay cadow caqli badan ama maskiin seefle ayagoo u sii digay dunida muslimka markii ay soo hormariyeen cajalado ay ku leeyihiin waxaa idinku soo socda nin af macaan oo sir wata ee ha aaminina.

Qudbada Obama oo ahayd bandhig masraxeedkii aftahanimada iyo aqoonta iyo maskaxda ilaahay ku beeray adoomihiisa qaarkood ayaa loogu talo galay in lagu qanciyo qolooyin badan oo is diidan, taasoo keentay in qolo walba loogu daro ereyo ay ku farxaan ama ay dhegahooda inay maqlaan jeclaayeen. Bal aan fiirinno qolo walba waxa loo sheegay:

Israa’iil

Obama waxaa uu ku nuux nuuxsaday in Israa’iil tahay saaxiib iyo xulufo maraynkanku leeyahay oo aan marnaba la kala dhexgeli karin.  Waxaa kale oo uu sheegay in Carabta iyo falastiinba aqoonsadaan Israa’iil iyo in la rumeeyo in Lix milyan oo yuhuud ah uu Hitler xasuuqay.  Waxayse dhibsadeen in dhibta falastiin uu xusay ka dib markii uu sheegay tii Hitler u gaystay yuhuudda ayagoo u arkay is barbardhig.  Waxaa kale oo ay dhibsadeen in uu yiri israa’iil ha joojiso dhismaha degmooyinka cusub.

Falastiin

Waxay ay ku farxeen in uu yiri israa’iil iyo maraynkankaba dan ugu ma jirto rafaadka dadka reer falastiin iyo inuu yiri xalku wuxuu ku jiraa labo dal oo xor ah oo deris ah iyo asagoo arrinta falastiin la simay rafaadkii yuhuuda Hitler mariyey iyo tii African Americanka la soo mariyey.  : Waxaa kale oo ay ku farxeen qaarkood inuu yiri Xamaas xaq ayay u leedahay inay ka qayb qaataan nabadeynta 

Iran

Waxaa uu kula hadlay af macaan iyo in ay xaq u leeyihiin in ay samaystaan quwad atoomikada ee shidaalka loo isticmaalo iyo inuu qirtay afgenbigii Iiraan ka dhacay 1953 iyo lugtii ay ku lahaayeen sir doonka maraykanka. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in qudbadda saamayn ku yeelan doonto doorashooyinka Iran iyo Libnaan

Maraykanka:

Wuxuu ku celceliyey inuu danta maraykanka ka hor marin doono danaha kale iyo in waajibkiisu yahay difaaca maraykanka.  Dagaalka Ciraaq waxaa uu ku sheegay dagaal ikhyaari loo galay ama war of choice halka dagaalka Afganistaan iyo Pakistaan uu ku sheegay  dagaal lama huraan ah oo uu ugu jiro difaaca maraykanka.  Waxaa uu faaniyay maraykanka ka dib markii uu yiri waa dad fiican waayo aniga oo madow ah  oo ka soo jeedo qoys dhinac muslima ka ah ayay I doorteen macnaha ku hoos jiraana yahay dal kale kama suurtowdo.

Dunida Muslimka:

Caalamul Islaam oo ah kuwa loo aaday Qaahira qudbaddana loogu talo galay bal aan fiirinno sida uu u jilay markii uu saarnaa masraxa Cairo University iyo ereyada loogu talo galay in lagu soo jiito shucuubta Islaamka. Mararka qaarkood ayaa waxaad moodaa in uu dacwo gaarsiinayey dad aanay dacwada gaarteen ilayn ilaahay adoonkii uu doono ayuu adeegsan karaaye, ereyadiisii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Waxaa uu muujiyey inuu aqoon u leeyahay islaamka iyo ixtiraanka uu mudan yahay
  2. Waxaa uu ku bilaabay qudbaddiisii salaanta Islaamka
  3. Waxaa uu xusay taariikhdii soo martay dunida muslima ee ahaa gumaysigii reer galbeedka iyo xilligii dagaalka qabow socday sida dalal badan oo muslim ah looga dhigtay maqaar saar ama dushooda loogu dagaalay.
  4. Waxaa uu xusay in uu islaamka ku bartay qaarado kale intii uusan iman dhulkii uu ku soo degay quraanka
  5. Waxaa uu sheegay inuu maqli jirey aadaanka markii uu ku noolaa Indonisia asagoo weliba aadaan carabi  ku yiri
  6. Waxaa uu ku celceliyey dunida muslimka taasoo dadka neceb muslimiinta maqalkeedu dhibay
  7. Waxaa uu ku celceliyey quraanka kariim ah ama quraanka barakaysan
  8. Waxaa uu soo daliishaday aayado qur’aan ah oo muujinaya sida diinta islaamku nabadda u dhiiriso
  9. Waxaa uu cadeeyay in xijaabku uusan ahayd dulmi ee uu yahay wax ay haweenka muslimaadka ah ay qaataan laakiin waxaa uu yiri dulmi waxaa ah in haweenka waxbarasho loo diido.  Taasina waa tan ay qabto diinta Islaamka  waayo doonista cilmiga waa ku waajib qofkasta oo muslim ah rag iyo dumarba.  Arrinta difaaca hijaabka waxaa uu ka yiri marlabaad France oo oo ah dalka aadka u diida hijaabka.  Obama waxaa uu uga digay dalalaka reer galbeedka inay faraha la galaan dharka haweenka muslimiintu xirtaan, arrintan waxay sabaabtay in la yiraahdo waxaa uu ku dhego hadlayey Madaxweynaha Frnace weliba asagoo marti u ahaa xuskii D Day.  Arrinta difaaca xijaabka ee Obama waxaa ay ka xanaajisay dad badan oo neceb islaamka.  Obama qudbadiisa waxaa kale oo uu ku yiri waa xil i saaran in aan ka hortago afxumada iyo dacaayadaha. Obama waxaa kale oo uu raali geliyay reer yusub oo hore uu ugu gefay Ramsfield.  Waxaa xusid mudan in uusan Obama isticmaalin intii uu Qaahira ka qudbadaynayay kelmadda argagixiso ama terrorism.
  10. Waxaa uu sheegay in uu ka soo jeedo asaga naftigiisa qoys dhinac muslimiin ka ah.
  11. Mar uu ka hadlayey quraanka soo degitaankiisa waxaa uu isticmaalay kelmed diini ah oo ixtiraam ah oo la yiraahdo “revealed” taasoo dad badan oo islaamka neceb ka caraysiisay.
  12. Waxaa uu si wadajir ah ugu saliiyey Nabi Muxammad, Nabi Ciise iyo Nabi Muuse
  13. Waxaa uu diiday in reer galbeedku nidaamkooda iyo waxa ay doonaan ku qasbaan dalalka kale.
  14. Waxaa uu xusay qaar ka mid ah cilmigii ay dunida muslimka ku soo kordhisay dunida kale  waqtigii ay yurub ku jirtay mugdiga ka hor intii aanay baraarugin. Arrintan waxaa ay ka xanaajisay dad ka neceb muslimka waxayna noqotay cashar taariikhi ah oo aanay dad badan maqal.

Haddaba su’aashu waxay tahay far keliya fool ma dhaqdaa? Jawaabtu waa maya. Obama ma gaari karaa hadafkii uu ka lahaa qudbadii Qaahira oo looga dan lahaa in sumcadii maraykanka ee dunida muslimka la soo celiyo iyo in bog cusub la furo?  Waxay u egtahay in aanay suurtoobi doonin sababtoo ah.

  1. Obama ciidankiisa waxay ka dagaalamayaan Ciraaq iyo Afganistan iyp Pakistan.  Ciidankiisa waxaa kale oo ay degan yihiin dalal badan oo islaam ah waxayna joogaan badaha oo dhan sida badda hindiya, badda cas, gacanka Bershiya, Abuu Garaib, Guantanamo weli waa qoyan yihiin.  Dadkii ka xanaaqay maalintii Sadaan xuseen la dilay ee ahayd faystada ugu weyn dunida muslimka ee ciidul adxa weli lama qancin.  Waxaase ka sii daran afxumada iyo jaahilnimada kuwa xag jirka ah ee maraykanka oo sii wadi doona ixtiraam darrada  sida islaamo fashiismo islaamo nazi, diinta islaamku maahan diin nabadeed.  Qudbaddii Obama waxaa waxba kama jiraan ka dhigi doona ficilkiisa waa sida ay yiraahdeen aqoon yahanno badan. Sidoo kale colka foxnews iyo Rush Limbaugh iwm ma saacidayn doonaan oo lugta ayay jiidi doonaanayagoo sii wadan doona afxumadooda. AF XUMO DADKA AYAY KUGU DIRTAA WAXNA KUUMA TARTO.
  1. Bal fiiri siyaasaddan ama qoraalkan oo qiyaas waxa ay dhalin karto.

Mahamoud Wardere
Green Bay, Wisconsin
mnwardere@yahoo.com

VIDEO: Khudbadii Obama

Faafin : SomaliTalk.com | June 12, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version