SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa ka soo baxay kulankii qurbajoogta soomaliyeed iyo ambassador Walad cabdalla? 

Qore, Abdirashid M.Yusuf, food science engineer 

Isniin, 8 jun 
 

Maalitii isniinta oo taariikhda ku beegnayd 08/06/2009 ayaa kulan ku dhex maray qaar ka mid qurbajoogta soomaliyeed ee ku nool Waddamada yurubta galbeed  iyo wafti uu hogaaminayay wakiilka UNka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Walad Cabdalla. Kullankaa waxaa lagu qabtay magaalada London  ee carriga Ingariiska, waxaana lagu wadda kulmay hoolasha shirarka ee wasaarada arimaha dibada ee wadanka ingariiska. Kulankaa waxaa ka soo qaybgalay oo kale guddi heersare oo ka tirsan wasaaradda  arrimaha dibadda ee ingariiska ee uu hogaaminayay wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan ee waddanka ingariiska Lord Malloch-Brown. 


Sawirada Halkan ka daawo...

Ujeedada kulanka waxa uu ahaa fikraddo isdhaafsi iyo dood wadaag  u dhexeeyo labda qaybood. Kulanka waxa uu ku bilowday Ambassador Wallad Cabdalla oo warbaxin kooban ka siiyay arimaha Soomaaliya iyo sida ay xaaldu tahay , Isagoo soo qaaday arimo kala duwan sida nabadgalayada, siyaasada, horamarinta iyo dhaqaalaha , buracad badeedka iyo in la taageero Dowlada ku meel gaarka ah iyo dowr ay qurbajoogta oga qayb qaadanayaan hormarinta mashruucyada ku wajihan  Waddanka. Waxaa kaloo qubad kooban  ka jeediyay meesha Wasiirka Inagriiska u qaabilsan arimaha Afrika Lord Malloch-Brown oo isagana taageeray holaha ku wajihan Soomaaliya ee uu wadda Ambassador Walad Cabdalla.

Ka dibna Ambassadorka iyo waftigiisii waxay ka jawaabeen su `allo  ay waydiiyeen qaar ka mid qurbajoogta soomaliyeed, waxay kaloo qurbajoogta u soo jeediyeen tallooyin oo ku saabsan sida wax laga yeeli lahaa xaalada qalafsan ee Soomaaliya.

Kulankaa waxuu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad ,waxaana la isku soo qaaday in la sii ambaqaado qodabadii kulanka  looga hadalay, iyo in la xoojiyo waddashaqaynta  qurbajoogta iyo xafiiska Ambassador Walad Cabdalla si loo gaaro xadafka lawada hiigsanayo. 

La Xiriir: anas69@hotmail.com
 

Faafin : SomaliTalk.com | June 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version