SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MAP: WARSAXAAFADEED

Cambaarayn Weerarada Loo gaysto Weriyaasha

Agaasime Warbaahineed ayaa la dilay, weriyena waa lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Muqdisho

7 June 2007 2009

Ururka warbaahinta Puntland ee Macaciisa loo soo gaabiyo (MAP) waxaa uu aad uga niyadxunyahay weerarrada isasoo taraya ee warfidiyeenka lala beegsanayo Soomaaliya, weerarradaasi oo koodii u dambeeyay lagu shirqoolay agaasime idaacadeed, weriye kalana lagu dhaawacay.

Ururka warbaahinta Puntland (MAP) ayaa si xoogleh uga naxay dilkii agaasimihii Raadiyo Shabeelle ee mgaalada Muqdisho. Mukhtaar Maxamed Hiraabe, agaasimhii Raadiyo waxaa subaxnimadii Axadda abbaarihii 10:35 AM (waqtiga dalka), 7 Juun 2009, ayaa rag hubaysan oon la garan ay ku dileen gudaha suuqa bakaaraha, degmada hawlwadaag ee magaalada muqdisho isla weerarkaasi waxaa dhaawac halis ah loogu geystay Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir), oo tafaftire dhanka wararka ah ka ahaa Raadiyow Shabeelle.

Laba nin oo bastoolado ku hubaysan ayaa si badheedh ah u weeraray Mukhtaar Moxamed Hiraabe iyo Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir), kuwaas oo islagoobta ku dilay Mukhtaar Maxamed Hiraabe ka dib kolkii madaxa dhowr xabbadood ay kaga dhaceen madaxa, halka Axmed cumar Xaashi xabbado caloosha kaga dhacay dhaawacweyni kasoo gaadhay. Allaha u naxariistee Muktaar oo 48 jir ahaa iyo Axmed oo 41 jir ah, waxa ay iyaga oo wada socday ka soo baxay shir shaqaalaha idaacaddu ku lahaayeen xaruntooda taaso oo wax kayar laba kilo mitir u jirtay halka weerarku ka dhacay.

Hoggaanka shabakadda warbaahinta ee Shabeelle ayaa xaqiijiyay dilka agaasimaha. Guddoomiyaha ahna milkiilaha Shabakadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf oo jooga Manchester, dalka Ingiriiska ayaa cambaareeyay dilkaas. Dilka agaasimahooda ka dib Idaacaddu waxay si ku meel gaar ah u hakisay barnaamijyadii caadiga ahaa kuna beddshay tebinta aayado qur’aan ah si loogu murugoodo geerida agaasimahooda, sidaa ay xaqiijiyeen maamulka idaacaddu.

Ururka warbaahinta Puntland (MAP) ayaa ka hadlay cambaareeyayna weerarka lagu dilay Mukhtaar Maxamed Hiraabe laguna dhaawacay weriyaha kale. Ururku waxaa uu weerarkaasi ku tilmaamay arrin aad looga walaaco.

"Weerarkani lagu dilay mukhtaar Maxamed Hiraabe waa mid farriin cad u gudbinaya weriyayaasha noloshooda halista ku jirto ee u dhimanaya waajibkooda dartiis," ayuu yidhi Burhaan Axmed Daahir, xoghayaha guud ee ee Ururka MAP "Kani waa dil qorshaysan oo ujeeddo xumi ka dambayso. Waa halgal lagu aammusinayo codka weriyayaasha iyo xorriyadda fikirka," ayuu raaciyay xoghayaha MAP. "waa arrin laga murugoodo oo aan laqaadan karin in la daawado warfidiyeenka sida joogtada ah loo laynayo. Marar badan ayaa ugu yeernay ururrada siyaasadeed in ay joojiyaan dilalka warfidiyeenka balse baaqaasi cidina ma dhegeysan," ayuu yidhi xoghayaha MAP.

"Ma jiri karto sabab siyaasadeed iyo mid diimeed toona oo loo laayo warfidiyeenka. Dilka warfidiyeenkuna waa dhagar masiibo ah, maxaayeelay weriyaashu waa dad rayid ah oo kaalin muhiim ah ka ciyaara wargelinta dadweynaha waqtigan xasaasiga ah," ayuu caddeeyay Xoghayaha Guud MAP.

Uurka MAP waxaa uu u baaqay in la qaado taallaabo caalami ah oo degdeg ah si loo joojiyo dilalka qorshaysan ee warfidiyeenka ee Somaliya ka dhaca. " waa waqtigii beesha caalamku ay mar kale indhaha ku qaban lahayd xaaladda khatarta leh ee maanta ay warfidiyeenku ku sugan yihiin Somaaliya. Waa waqtigii tallaabo degdeg ah la qaadan lahaa intii lagu ekaan lahaa oo keliya qoraallo lagu muujiyo murugada iyo cadhada la qabo," ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee MAP, Burhaan Axmed Daahir

Shirqoolka Mukhtaar Maxamed Hiraabe waxaa uu u muuqdaa dhagar abaabulan, sida ay qabaan joobjoogayaashii dhacdada dilka, waana mid aka mid ah mawjado dilal taxan ah oo lagu beegsaday warfidiyeenka Soomaaliya ka hawlgala. Mukhtaar waa weriyihii shanaad ee Soomaaliya lagu dilo tan iyo bilowgii sannadka 2009.

Shabakadda warbaahinta Shabeelle waxay soo martay weerarro naxdin leh oo loo geystay shaqaalahooda iyo dhismayaashooda muddooyinkii la soo dhaafay, mukhtarna waa weriyihii saddexaad ee laga dilo Warbaahinta Shabeelle tan iyo bilowgii sannadkan. Wariyaal badan oo waayo-aragnimo leh nayaa dalka saga cararay.

27kii May 2009, weriye ruugcaddaa ahaa Nuur Muuse Xuseen, oo ku magac dheraa "Nuur Inji" kana tirsanaa Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toogasho bareer ah oo loogu geystay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiran ee badhatamaha Soomaliya 20 April 2009.

22kii May 2009,

Cabdirisaq Warsame Maxamuud (Gaadaco) oo u shaqaynayay Raadiyow Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu toogtay agagaarka xaafadda Xamar-Bile ee Muqdisho goosubax ah waqti dagaallo qadhaadhi ka qarxeen subaxdaasi muqdisho kuwaas oo u dhaxeeyay xoogagga Dowladda Kumeel-gaarka ah iyo kuwa Dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam. Cabdirisaaq ayaa dhinta markii xabbadi ay kaga dhacday madaxa isagoo ka gudbaya waddada xaafadda Xamar-Bile ee Muqdisho. Wali ma cadda xabbadda uu dhinta Cabdirisaaq ay ahayd toogasho ula-kac ah iyo in ay ahayd rasaas habow ah (wiifto).

4tii February 2009,

saddex nin oo bastoolado ku hubaysan dilay weriye si weyn loo shuxmayn jiray Saciid Tahliil Axmed, agaasimihii of raadiyaha iyo taleefishanka HornAfrik.

1dii January 2009, Hasan Mayow Hasan, oo ahaa weriye u shaqeeya Radio Shabeelle, ayaa askari ka tirsan dowladda Ku-meelgaar ahi ku toogtay Afgooye oo 30 kilomitir skoonfur ka xigta Muqdisho. Hasan waxaa uu ahaa wariyihii u horreeyay ee sannadkan 2009 ku dhinta adduunka.

Ururka MAP waxaa isagoo ka murugaysan tacsi udirayaa qoyskii, iyo asaxaabtii Mukhtaar Maxamed Hiraabe. MAP waxaa sidoo kale uu caafimaad degdeg ah u rajaynayaa weriye Axmed Cumar Xaashi oo isna dhaawaca uu qabo dartiis la dhigay Cisbitalka Madiina ee Muqdisho.

Ururka warbaahinta Puntland (MAP) waxaa uu u quuddarraynayaa weriyaasha Soomaaliyeed in nafhurnimadooda iyo shaqadooda geesinimada leh aanay ku niyad jabin xaaladaha adag ee soo wajahay. Waxaan rajaynaynaa dedaalkoodu in uu horseedi doono nabad waarta iyo mustaqbal wacan oo Somaaliya yeelato.

Xoghayaha Guud ee Map:-Burhaan Axmed Daahir.

Waxaa Faafiyey:-Wariye Cabdiqani xayir cali (Cabdiqani Yare),

Faahfaahin dheeraada kala xidhidh +252 90 75 1975
cqxayir@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | June 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version