SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkada Golis ayaa Ka Hadashay Waxqabadkeed.

Janaayo,07,2009- ayaa Shirkada Golis Masuuliyiinteeda ugu saraysaa waxay ka qabteen Kulan Wareed Balaadhan oo ay saxaafada ku Marti Galiyeen, Ujeedka Kulankaasi ayay ku sheegeen inay Uga Gol leeyihiin Waxqabadkooda ay qabteen, iyaga Cadeeyay inay Meelo badan oo aan Isgaarsiintu Joogin ay Gaadhsiiyeen Adeegooda.

C/laahi Cali Cumar Madaxa Hawlgalinta SHirkada Golis ayaa ugu Horayn Halkaasi Hadal dheer ka soo Jeediyay waxana uu sheegay inay SHirkada Golis Gaadhay Hormar Fiican, Masuulka ayaa qiray inay wadaan Barnaamij Balaadhan oo kale kaasi oo ay shirkadu hadii eebe Idmo ay dhawaan daaha ka qaadayso.

Madaxa Hawlgalinta ee Golis ayaa Faah Faahiyay Barnaamijka wax qabad ee Golis ee dhanka Bulshada isaga oo Farta ku Fiiqay inay Golis wado, dibu Hayban Wadooyinka ah iyada oo aan Cidna Gacan ka Helinayn,isla markaana ay Bulshadeeda u Adeegayso, Ninkaasi Golis u hadlay waxa kaloo uu Hididiilo Wanaagsan ma Muujiyay inay Jiraan wali Mashaariic balaadhan oo dhanka Isgaariisnta oo ay soo wado Golis.

Cumar Ciise [Cumar Faruuq] oo ah Madaxa suuq Gaynta Golis ayaa Hadalkii la wareegay isaga oo si Qota dheer uga hadlay Hawlaha Golis ay Wado, ee ku aadan dhanka Is Gaarsiinta, Mr Faaruuq ayaa sheegay in Gobolka Sanaag uu ka mid yahay Gobolada ay SHirkada Golis aadka u Gaadhya, isaga oo Tusaale u soo qaatay Buuraha Sanaag,sida Calmadaw, oo uu sheegay in dhamaan Buuraha Hoostooda iyo Dushooda lagaga Hadlo Tellfoonka Golis.

Faaruuq waxa kaloo uu sheegay in dhanka bada sida bada Casa iyo Bada India ay dhamaan si Toos ah loo Helo Ateenada Golis,waxa uu sheegay in doonyaha ka soo Baxay Dalka Yeman ay Meel aad u Durugsan ugu Yimaadaan Istimaaclka Golis taasi oo ah Buu Yiri wax aad loogu Farxo.

Masuuliyiintii Golis ee shirkaadi Joogtay ayaa si Cad u sheegay inay Golis wax yaabaha ay soo Kordhisay ee loo Bogay ay ka mid yihiin Aalada Enternet-ka oo ah mid laga soo Qaaday Dalka Jabuuti nala soo dhex mariyay Kaybal dhanka Bada ah, Maamulka Golis waxay kaloo sheegeen in Degmooyinka Garoowe, iyo Gaalkacayo, ay Wakhtigaan Isticmaalayaan Khadkaasi.

Shirkada Golis ayaa dhawaan sidoo kale waxay soo Kordhisay Adeeg Cajiib ah kaasi oo loogu Magac daray SMS- International isla markaana ah Fariin dibada loo dirayo si Sahal ah.

Jaamac Feyte
Feyte37@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com |  June 8, 2009

Muxaadaro lagu Qabtay Masjidka Rowda Minneapolis

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: