SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo canbareeyay falkii lagu dilay Agasimihii idaacada iyo TV ga Shabelle

Ardeyda Soomaaliyeed ee tacliinta kabarata dalka Malaysia ayaa canbareen kulul dusha uga tuuray falkii guracnaa ee 07-06-2009 ey qolyo naxariis lawayaal ah ey ku dileen agaasimihii idaacadda iyo TV ga shabelle marxuum Mukhtaar Maxamed Hiraabe eyna ku dhaawaceen madaxa wararka isla cidaacada shabelle Axmed Taajir. kuna til maameen in uu ahaa fal wuxuushnimo ah eyna geesteen dad dhagar qabayaal ah oo dadka gaadmo ku dila had iyo jeer.

"Waxaan aad iyo aad uga naxnay uguna xunahay oo na canbareyneynaa falkii lagu dilay marxuum Mukhtaar Maxamed Hiraabe laguna dhawaacay Axmed Taajir waxaana bulshadda soomaaliyeed u soo jeedineynaa in baritaan rasmi ah la sameeyo oo lagu daba galayo dadka geystay falkaan iyo sidii gacanta loogu soo dhigilahaa si loo soo taago maxkamad". codka ardeyda malaysia

Dhanka kale ardeyda ayaa si farxadle u soo soo dhaweyay xoriyada uu dib u helay agaasimiha bariga iyo bartamaha Africa TV ga caalamiga ee Universal mudane Ibraahim Jekey kadib mudo sadax maalmood ah uu ku jiray gacanta dadkii afduubtay.

Falkaan arxan darada ah ee qolyahaan naxariis lawayaasha ey ku toogteen marxuumMukhaar Maxadad Hiraabi agaasimihii Shabakada Shabelle ahayna wakiilkii Mogadishu ee idaacadda iyo tv dalka Djabuuti kuna dhawaceen madaxa wararka shabelle Ahmed Taajir ayaa rajada saxafiyiinta ka hool gasha gudaha dalka ka dhigeysa mid wajaheysa mugdi iyo walwal taa oo saxafiyiin badan ku kalifeya in ey isaga hayaamaan dalka gabi ahaanba sidii horeba ugu barakaceen suxifiyeen dhowr ah kuwaa oo wali kusugan wadamada dariska soomaaliya, aanan helin cid daryeel iyo wax qabad u fidisay.

Horaantii sanadkaan aan ku jirno ayeey aheed markii dabley hubeysan ey togasho barer ah ugu geesteen degmada afgooye marxuum XASAN MAYOW XASAN wakiilkii isla idacadda shabelle uga soo warabi jiray gobolka shabellaha hoose,sidoo kale waxaa fal noocaan oo kale ah dil loogu geestay isla gudaha suuqa Bakaraha agaasimihii idaacadda iyo TV ga Hornafrik marxuum Saciid Tahliil Ahmed taas oo ka dhigeysa sanadkii ugu gerida badneed wariyaasha iyo agasimayasha xasafadda aan cago fiican aan ku taagneen ee somalia.

Dilalkaan joogta ah ee lagu ugaarsanayo suxufiyiinta soomaaliyeed ee sida geesinimada leh ubareeray in ey ku shaqeeyaan goob ey labo koox ku hardameyso (midkoodana ogoleen in la tabiyo wararka xaqaa'iqa ah). si ey bulshadda soomaaliyeed uga haqab tiraan la socodka iyo ka warqabida xaalka uu marayo dalka, ayaa ah mid ku soo idlada oo kaliya xusidda, sheeg-sheegida, cambaareenta iyo tacsiyeenta ehelkooda oo maalma kooba ka socota qalabka warbaahinta, kadib noqota mid la iska helmaamo mana jirto cid sheegatay ama lagu eedeyay in ey falaalkaan bani aadanimada kabaxsan geysatay taa oo fursad u siineysa qolyahan in ey siwadaan falaalkaan ey ku ugaarsanayan bahda saxaafada.

Ugu dambeyntii dhamaan ardeyda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Malaysia oo ugu horeeyo gudoomiyahooda mudane Maxamed Qadar waxa ey tacsii tiiranyo leh udirayaan ehelka iyo qarabada uu ka geeriyooda marxuum Mukhtar Maxmed Hirabe.sidoo kale waxa ey tacsi udirayaan bahdii ey marxuumka ka dhaxeysay wadashaqeyta sida labadda idaacad iyoTV ee shabelle iyo RTD waxa eyna leeyihii sabar iyo iimaan allah idanka siiyo isagana janada fardowsa ilaah ha ugu bishaareyo.

INAA ILILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Wariye: Sa'eed Hussein Abdi (Macruuf)
Macruuf09@hotmail.com
Kuala Lumpur -Malaysia


Saxafiyiinta Ku sugan Waqooyiga America oo Tacsi iyo canbaarayn u diray dilkii Agaasime hiraabe,iyo dhawaca Ahmed tajir. 

Canbaarayn.Saxafiyiinta Kunool waqooyiga America ayaa si wada jir ah waxay manta u soo sareen qoraal canbaarayn ah oo ay ku canbaaraynayaan dilka waxashnimadaa ee loo gaystay agaasimihii idaacada shabelle Muqtaar Maxed hiraabe oo ay kooxo hubaysan ku dileen suqa bakaraha xili uu ku guda jiray howlihiisa caadigaa. 

Wariyaasha ayaa ku tilmaamay dilkan mid lagu wiiqayo awooda hana qaday ee saxaafada Somalia isla markaana lagu samaynaya tacadiyo ka dhan ah xaquuqada aadanaha,iyo mida islaamka oo dhamaan ka soo horjeeda in ujedo la’aan shaqsi loo dilo. 

Waxay canbaarayn u dusha uga tureen cidwalba oo dilkan wax ka og iyo kuwa soo maleegay ayga oo ku tilamamay dad wax magarataa,oo ugaarsanaya dadka wax galka u ah bulshada dagaladu dashadeen. 

Saxafiyiinta oo kukala sugan dhoowr gobol oo dalka Maraykanka ah ayaa waxa ay manta qadka telfonka ku go’aansadeen in ay xanuunka iyo dhibaatada la qaybsadaan walalahooda kale eek u sugan Magalada Muqdisho,kuwaas cabsi, hanjabaado,iyo dilal daris la noqday. 

TACSI 

Tacsi tiiranyo leh ayay hawada u mariyeen dhamaan ehelada iyo asxabta uu ka geeriyooday  Muqtaar hiraabe,gaar ahaan bahada saxaafada meelkasta oo ay dunida kaga noolyihiin, waxayna ilahay uga baryeen in uu samir ka siiyo asagana janada uu ka warabiyo.

Waxayna sidookale caafimaad ilahay uga baryeen Ahmed Taajir oo dhaawac uu ka soo gaaray xiligii agaasimaha la dilayay iminkana lagu dabiibayo Muqdisho. 

BAAQ 

Saxafiyiintan ayaa waxay baaq u direen dhamaan bahada saxaafada Somaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Somalia in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar ayaga oo ku xisaabtamaya in ay jiraan dad aan dan ka lahayn howlaha ay bulshada u ahayaan. 

Shacabka ayay saxafiyiintu ugu baaqeen in ay is garabtagaan ilaalinta saxaafada oo ah mida ka tarjunta dhibaatadooda,wana in ay bulshadu ogaadan hadii suxuifyiintu dhamaadaan in aysan jiri doonin cid ka warbixsa xaaladaha cajiran ee ay ku jiraan. 

Siyaasiyiinta iyo koxaha ku hardamaya Somalia waxan leeanahay waxaa soo dhow xili lala xisaabtami doono qof walba oo danbi gala islamarakana cadaalada la horkeeni doono. 

Qoraal saxaafadeedkan waxaa si wada jir ah u soo saray saxafiyiinta ku nool Waqooyiga America, ee ka soo cararay dhibaatooyinka dalka ka jira waxana ka mid ah. 

  • Ahmed Ali Sheek (A/Yare)
  • Deeqo Yusuf Shire (SONNA)
  • Husein Qasim Nuur (Sheekha)
  • Abdi Sheekh Hasan Kulmiyr(A/Yare)
  • Falastiin ahmed Haji.
  • Ahmed Sh/Husein (Koj)
  • Ahmed Muuse Abdule (Idaawaqaca) 

La xiriir deeqo yuusuf <deeqoyusuf@hotmail.com>


Hay’adda Somali Advice & Information Centre oo Baaq nabadeed kasoo saartay Dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya. 
 

Dhammaan howlwadeenada iyo mas’uuliyiinta hay’adda Somali Advice & Indormation Centre waxa ay si wadajir ah u cambaaraynayaan dagaalka bilaa ujeedada ah ee lagu gumaadayo dadka maatida ah, kuwaasoo had iyo jeer lagu garaacayo hubka iyo madaafiicda aan loo meel dayin. Dagaaladaas ka socda Koonfurta Soomaaliya oo soo noqnoqday ayaa waxaa ku nafwaayey dad aad iyo aad u tiro baddan, iyagoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen boqolaal qof in ka baddan. Waxaa ku barakacay dad aan cadadooda la qiyaasi karin. 

Haddaba howlwadeenada iyo mas’uuliyiinta hay’addu  waxa ay ugu baaqayaan dhinacyada ku dagaalamayaa Soomaaliya in ay

  • Si shuruud la’aan ah u joojiyaan xabadda.
  • Isugu yimaadaan miiska wadahadalka, oo ay halkii xabada ku badalaan wadahadal.
  • Sidoo kale waxey ugu baaqayaan dhammaan waxgaradka, culumada, aqoonyahanda iyo bulshada rayidkaba in ay si wadajir ah u cambaareeyaan dagaalada foosha xun ee ka socda Soomaaliya, kuna baaqaan nabad iyo sidi leysu soo horfariisin lahaa dhinacyada is haya.
  • Waxey kaloo hay’adu ku baaqeysaa in laga soo saaro qoraalo loo gudbinayo beesha caalamka iyo inta daneynaysa nabadda soomaaliya.
  • Sidoo kale in la abaabulo mudaharaadyo lagu qabanayo dhammaan meel walboo ay Soomaali nadiif ah joogaan, oo lagaga soo horjeedo dagaaladaas lagu la’day.
  • In Gurmad deg deg ah loo fidiyo dhammaan Rugaha caafimaadka iyo isbitaalada ee ay ku jiraan dadka masaakiinta ah ee dagaaladaas ku dhaawacmay.
  • Sidoo kale in lala gaaro Gurmad bani’aadanimo dhammaan dadkii dhibaatooyinkaas kasoo barakacay ee ku baaba’san daafaha magaalada Muqudisho.
  • Sidoo kale hay’addu waxey ugu baaqeysaa maamulada Somaliland iyo Puntland in ay ka qeyb qaataan sidii loo dhex dhexaadin lahaa  dhinacyada ku dagaalamayaa Koonfurta Soomaaliya.  Sidoo kalena ay maamuladaasi u fidiyaan gargaar bani’aadanimo dadka masaakiinta ah ee ku barakacay dagaaladaas ka jira Koonfurta Soomaalia.

Ugu danbeytii hay’addu waxa ay Allaah uga baryeeysaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka dul qaado mushkiladan daba dheeraatay ee ku habsatay, Soomaalina in uu Allaah towfiiqda waafajiyo. 
 

Wabilaahi toofiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Gudoomiyaha Hay’adda Soomaali Advice & Information Centre.

Leicester UK

saicentadv@yahoo.com
 

Faafin : SomaliTalk.com |  June 8, 2009

Agaasimihii Idaacadda Shabeele oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha.  June 7

Muxaadaro lagu Qabtay Masjidka Rowda Minneapolis

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: