SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 Jun 2009.

Gudoomiyaha jwxo oo dhambaal warbixin iyo mahadnaq hawada uga diray shacabka Ogadenya.

Jwxo oo bayaan digniin ah kasoo saartay shirkadaha shidaal ka ka qodaya Ogadenya iyo xaalufinta dhirta iyo deegaanka

Dagaal culus oo dhex maray ciidamada Xoreynta Ogadenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Hogaanka Arimaha gudaha iyo Amniga ee jwxo oo digniin iyo dardaaran kasoo saaray gumaysiga sii gabalsaday.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo xabsiga dhigtay 46 ruux oo ay kujiraan qaar kamid ahaan jiray ciidanka Itoobiya.

Maxadwenyaha America Brack Obama oo booqday Bariga dhexe.

======================

Gudoomiyaha jwxo oo dhambaal warbixin iyo mahadnaq hawada uga diray shacabka Ogadenya.


Guddoomiyaha JWXO Adm.Max,ed C.Cismaan ayaa dhambaal xambaarsan warbixinada xaalada guud,mida halgan iyo weliba mahadnaq hawada umarina shacabka Ogadenya gude iyo dibadba wuxuu gudoomiyuhu uga mahad celinayaa sida geesinimada leh ee uu shacabka Ogadenya isaga caabiyey cadowgii ku talo galay inuu gumaado.

Gudoomiyaha jwxo ayaa Shacabka geesiga ah, CWXO, G/Dhexe iyo hawlwadeenada Jabhadda hawada ka salaamay, wuxuuna gudoomiyuhu ku bogaadinayaa sida kartida iyo hufnantu ku jirto ee ay u fashiliyeen qorsheyaalkii cadowtinimo ee gumeysiga Itoobiya.

"Ciidankii rasmiga ahaa ee dawladda Itobiya ay soo dagaal galisay 5tii bilood ee u dambaysay markii la jabiyay waxay sababtay in ciidankii joogay Ogadenya gadoodo, qaar badan oo kamid ahna gadoodkaas kadib dib loo celiyo, lana soo uruuriyo maleesiyaadkii daba-qoodhiga ahaa. Kuwaasna CWXO ayaa cagta mariyey badankood" .

Waxaa kaloo uu sheegay Guddoomiyuhu in markay arimahaasi dhaceen ay xukuumadda dhiigyacabka ah bilowday inay soo dagaal geliso ciidan maxaysata ah oo calooshood u shaqaystayaal ah oon u bixinay –Hawaarin- shacabkana dhibaato badan ku haya ". Wuxuu sheegay Gud. in aad loo naafeeyey maxaysatada "Hawaarin" oo aan wax tabar iyo akhlaaq toona lahayn.

Mar uu tilmaamay gudoomiyuhu Tayada dagaal ee CWXO iyo taageerada dadweynaha ayuu sabab uga dhigay guulaha la gaadhay wuxuuna yidhi: "Guuluha is dabajooga ah waxay sare u qaadday mooralka dadweynaha iyo CWXO oo maraya heerkii ugu sareeyey" ayuu yidhi Guddomiyuhu. "Markay aragtay gumeysatada Itoobiya halgankii oo ku fiday dhamaan bari iyo galbeedka dalka Ogadenya ayuu khal-khalay, wuxuuna bilaabay inuu saraakiishii Ciidanka naf la caariga ah aamini waayo wixii aan Wayaanaha ahayn" wuxuuna intaa raaciyey in badankood Itoobiya loo qaaday waxay ku sugan yihiina aan la ogayn maanta.

"Markii uu ku guul daraystay dhinaca Ciidanka iyo maxaysatadii waxuu isku deyey inuu adeegsado maamulada Somaliyeed ee dariska la ah Ogadenya, qaar ayaana u dhego nuglaaday oo intay dad shacab ah qabqabtaan u gacan geliya cadawga si joogta ah". Wuxuu sheegay arrintaana ay ujeedada ka dambaysaa tahay inay dagaal sokeeye ka dhex abuuraan labada bulsho.

Ugu dambayntii wuxuu gudoomiyaha JWXO Adm. Maxmad C. Cismaan ku soo gunaanaday dhambaalkiisa baaq uu ugu baaqay dadweynaha Somalida Ogadenya inay sii kordhiyaan dadaalkooda gobanimadoon una dulqaataan dhibka halganku uu leeyahay Ilaahayna ay tala saartaan. Wuxuu kaloo ugu baaqay inay ka digtoonadaan shirqoolada cadawga iyo kuwa u adeegaya gumaysiga ee ku xiray masiirkoodii midka gumaysiga sii jabaya. Wuxuu Gudoomiyuhu hambalyo u dirayaa jaaliyadaha Ogadenya oo sidaan kala socono warbaahinta buu yidhi sameeyay abaabulo farabadan iyo banaanbaxyo si ay u muujiyaan dhibaatada cadowga uu ku hayo shacabkooda.

Wuxuuna ugu baaqay gudoomiyaha inay marwalba ogaadaan dhibaatada gumaysiga uu ku hayo walalahooda gudaha jooga. Maanta waa maalintii lagu kala bixi jiray wax-qabadka iyo kartida iyo daacadnimada ayuu hoosta ka xariiqay Gudoomiyaha.


Dagaal culus oo dhex maray ciidamada Xoreynta Ogadenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Weerarada ay ciidamada xoreynta ogadenya ku hayaan xeryaha iyo saldhigyada ciidamada gumaysiga itoobiya ee ku sugan Ogadenya ayaa si xowli ah u socday todobaadyadii u dambeeyey

20-05-09 Deegaanka Qar-jajabo oo ka tirsan degmada Dhuxun ee gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 23 askari waxaana lagaga dhaawacy 25 kale.

21-05-09 Magaalada Nusdariiq ee gobolka Qorahay Dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 11 askari waxaana lagaga dhaawacay 12 kale.

23-05-09 Magaalada Jarrati ee gobolka Afdheer dagaal ku dhex maray ciidanka xoreynta Ogadenya iyo ciidamada saamala-lldka ah ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 15 askari waxaana lagaga dhaawacay 8 kale.

23-05-09 Meesha la yidhaahdo Carbadhis oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar Dagaal kadhacay waxaa ciidamada naflacaariga lagaga dilay 5 askari halka lagaga dhaawacay 3 kale
22-05-09 Deegaanka Qoob-dameer oo ka tirsan Abbaa-Qorroow Dagaal ka dhacay waxaa ciidamada isukeenkeenka ah ee gumaysiga itoobiya lagaga dilay 5 askari waxana lagu dhaawcay Tiro kale oo aanaan faahfaahinteeda weli helin.

23-05-09 Meesha lagu magic-aabo Dhanqa oo ka tirsan degmada Fiiq ee gobolka Nogob dagaal ka dhacay Waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay15 askari waxaana lagaga dhaawcay 20 kale .

26-05-09 Degmada Sagag ee gobolka Nogob dagaal ka dhacay Waxaa ciidamada gumaysigas Itoobiya lagaga dilay 3 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

31-05-09 Tuulada Dhadhame oo ka tirsan degmada Baabili ee gobolka Jigjiga dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 5 wayaane halka uu dhaawucuna tiro belay,waxaa sidoo kale halkaa lagaga furtay saanad milatari oo aad u badan oo kor u dhaafay 30 qori.

01-06-09 Tuulada Dalaad ee gobolka Qorahay dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 24 askari oo uu Ku jiro Sargaal Sare oo Sirdoonka Woyaana ka Tirsanaa waxaana lagu gubay Hal Gaadhi oo Ural ah waxaa Sidoo kale lagaga furtay hub iyo saanad kale oo aan faahfaahin buuxda laga haynin.


Jwxo oo bayaan digniin ah kasoo saartay shirkadaha shidaal ka ka qodaya Ogadenya iyo xaalufinta dhirta iyo deegaanka


JWXO ayaa bayaan digniin ah soosaartay 3-06-09 oo ay uga digayso shirkadaha weli ku maman inay shidaal ka qodaan Ogadenya,waxayna bayaankaas jabhadu ku cadaysay inay shirkadahan dhul aad u balaadhan ka jarayaan dhirtii ku tiilay say u sugaan nabadda shirkadahaas;

“ Waqtigan xaadirka ah waxay shirkadahan ka xaalufinayaan dhirtii ka baxaysay dhul baladhkiisu gaarayo 1600 sq. Km. oo u dhexeeya Cagarweyne iyo Miir-Khalif oo u dhow Wardheer, iyagoo ka raray aagaas kumanaan reer guuraagii daganaa ah iyagoo baabi’iyay isu-dheeli tirkii dabeecada gobolka oo ah mid xasaasi ah.”

Waxay jabhaddu cadaysay inay ku taageerayaan shirkadahan maaliyad xukuumad dambiya dagaal ka galaysa shacabkii lahaa wadanka;

“ Arinta baabi’inta noloshii dadweynaha reerguuraaga ah ee goboladaa la dhibaateeyay daganaa waxaa u dheer inay jeebka xukuumadan falal dambiyeedka ka wada dalka Ogadenya oo ay gumaysato ku shubayaan maalkii u fududayn lahaa fal dambiyeedkaa. Taasoo ku sii dhiiri galinayasa xukuumadda Meles Zenawi inuu kula dhaqmo Ogadenya siyaasadda loo yaqaano –Scorched earth policy- ee ah guba waxaad aragtaan. “

Waxay jabhadda sheegtay inay meelaha ay shirkadahan ka hawl-galayaan lagu ilaaliyo ciidan Itoobiyaan ah oo deegaankaas dhan lagu weegaaro iyagoo si qasab ah kaga rara dadka deegaanka kana dhiga waxay dilaan waxay kufsadaan iyo waxay xabsiga dhigaan.

“Taasi waxay ka dhigaysaa shirkadaha inay la wadaagsadaan xukuumadda Itobiya dambiyada dagaal ee laga galayo Ogadenya.”

Waxay sheegtay jabhadda ONLF;“ Itobiya waxay ku xadgudabtay cahdiga caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda madaniga ah iyo midda siyaasiga ah. Xuquuqdaas oo ku xusan sharciga u dajisan Qaramada Midoobay iyo Hishiiska Caalamiga ah ee Xuquuqul-Insaanka Universal Declaration of Human Rights. “

Xuquuqdan caalamiga ah ee lagu xardhay sharciyada QM iyo dhamaan kuwa caalamiga ah oy ku xoroobeen dagaalkii 2aad ka dib shucuub farabadan oo gumaysi ku hoos jiray;

“ayaa si badheedh ah looga hor-joogsaday shacabka Ogadenya. Waxay maanta u diidan tahay Itobiya shacabka Ogadenya xuquuqdooda ah inay noolaadan oy horumaraan, iyadoo ay QM iyo Midowga Afrikaba ay ka indha dadbayaan.”

Ugu dambayntii waxay jabhadda ONLF ku soo gaba-gabaysay;

“Maadaama ay ONLF si joogta ah ugu digtay shirkadahan caalamaiga ah iyo xukuumadaha, waxaa iska cad in aanay ku ekaanin oo kali ah inaysan danaynin dhibaatada haysata shacabka Ogadenyee ay qayb ka qaadanayaan meel ka dhaca lagu hayo xuquuqda aadanaha iyo mida siyaasiga ah ee shacabka Ogadenya. Sidaa darteed, Jabhadda Wadaniga ee Xoreynta Ogadenya uma hadhin xal kale oon ahayn inay difaacdo xuquuqda aan la loodin Karin ee shacabka Ogadenya.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo xabsiga dhigtay 46 ruux oo ay kujiraan qaar kamid ahaan jiray ciidanka Itoobiya.


Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay 46 ruux oo intabadan ay ka tirsnaan jireen ciidamadda Itoobiya. Sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Adis ababa dadkan la xukumay ayaa lagu soo eedeeyey in ay maleegayeen shirqool lagu khaarajinayo madaxda dawladda. Wasiirka isgaarsiinta Bereket Simon ayaa saxaafadda u sheegay in dadkan ay rabeen in ay dilaan saraakiil sarsare iyo in ay dumiyaan haykalka dowladeed ee xukuumada EPRDF.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa maanta u soo gudbiyey maxkamadda danbiyadda loo haysto dadkas oo xabsiga lagu hayey in ka badan hal bil. Tirada maxaabiista ee xabsiga lagu hayo waa 32 qof waxayna aaminsan yihiin in ay inta kale u baxsadeen mareykanka, Yurub, Eritrea iyo sudan.

Dilalka qarsoodiga ah iyo xidhayga ayaa weli si xowli ah uga socda magaalada Addis-Ababa lagasoo bilaabo markuu dhicisoobay afgambigii la doonayay in lagaga takhaluso xukunta EPRDF bishii April ee sanadkan.

Maxadwenyaha America Brack Obama oo booqday Bariga dhexe.


Madaxweynaha dowlada Maraykanka Brack Obama ayaa booqasho ku kala bixinaya wadamada carabta tan iyo markii loo caleemo saaray madaxnimada wadanka Maraykanka 20-01-09.

Booqashadan Obama oo muhiim u ah wadamada carabta iyo wadanka Maraykankaba siina xoojinaya xidhiidhka ka dhaxeeya ayuu ugu horeeyey wadanka Masar halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak ,khudbad dheerna kula hadlay wadama carabta kuna sharaxay siyaasada wadanka maraykanka ee ku aadan bariga dhexe wuxuuna ku baaqay Obama biloow cusub.

Booqashada Masar kadib ayuu u kicitimay wadamada kale sida Qatar iyo sucuudiga halkaas oo uu kula kulmayo madaxda wadamadaas,socdaalka Obama ayaa laga soo dhaweeyey wadamada islaamka ah iyadoo loo arko inuu isbadal ku yimid siyaasadii maraykanka ee ku aadanayd dadka muslimiinta ah ee caalamka.

Hogaanka Arimaha gudaha iyo Amniga ee jwxo oo digniin iyo dardaaran kasoo saaray gumaysiga sii gabalsaday.

Hogaanka Arimaha Gudaha iyo amniga Jwxo oo lasoo xidhiidhay RX ayaa ka warbixiyey qorshayaasha gumaysiga iyo dibindaabyada uu la damacsan yahay shacabka S/Ogadenya,qorshahan uu Hogaanku ku sheegay inuu yahay kii ugu dambeeyey ayuu ku macneeyey( Colka Wadhaf malagu dayay) iyadoo buu yidhi fulinta qorshahan loo xilsaaray labada dambiile ee gumaysiga Itoobiya uga wakiilka Ogadenya Cabdi Ileey iyo Dauud Axmaar. Labadan dambiile ayaa sida ku xusan taariikhaha shucuubta caalamka ee soo halgantay uga naxdin badan gumaysiga wayaanaha guulaha ay gaarayaan naftood-hurayaasha CWXO.

Waxaa jira qoraalo laga sameeyey tawradii shacabka Algeria. Halgankii jabhadii NLF iyo habkay ula dagaalameen gumaysigii Faransiiska iyo siyaabihii naxariisdarada ahaa ee Faransiisku uu uadeegsaday si uu u tirtiro dagaalayahanka iyo taageerasyaasha NLF,taariikhahaas iyo qoraaladaas ayaa duruus ahaan loogu qaataa jaamacadaha.

Sidaan la socono, shacabka Algeria wuxuu gumaysi ku jiray ugu yaraan 130 sano, oo marwalboo uu kacdoon ka hana qaado la baabi’inayay. Ugu dambayn 1950kii ayay isugu tageen jabhadda National Liberation Front (FLN) waxayna go’aansadeen inuusan midna ka hadhin ilaa ay ka xoreynayaan dalkooda gumaysiga.

Waxaa lagu sheegaa inta u dhexeya 250,00 ilaa iyo Hal Malyan oo qof inay ku shihiideen dhawr iyo tobankii sanee ee jabhadaasi waday halganka.

Ciidankii Faransiiska ee joogay Algeria wuxuu gaaray 400,000 oo askari markay taariikhu ahayd 1956 oo ka koobnaa ciidanka cirka, dhulka iyo badaba. Waxaa intaa u dheer oo la socday ciidanka cagta ah 170,000 oo daba-qoodhiga Algeriya ah. Waxaa kaloo uu 1965tii Faransiisku sameeyey maamul hoosaad loogu magacdaray Special Administrative Section SAS oo ka kooban dadkii cadaanka ahaa ee la soo dajiyay beeraha dalkaa oo gaaray 180,000 oo cadaan ah. Hawlaha loo xilsaaray maamulkan SAS waxay ahayd inay dhexgalaan dadweynaha oo ay kala bartaan midka jabhadka ah iyo midka taageersan oo ay soo sheegaan. Saraakiishii maamulka SAS waxay abaabuleen ooy a tababareen ciidamo daba-qoodhi ah oo gaaray markii ugu dambaysay 150,000 kuwaasoo loogu talagalay inay dadweynaha niyadda ka dilaan oo been iyo dacaayad ku furaan jabhadda.

Arimahaasoo idil markay waxba tari waayeen ayuu soo hindisay 1957dii Generaal R. Salan oo abaanduulaha ciidanka ahaa nidaam uu ugu magac daray quadrillage (Kuwaadirilaaje) oo loola jeedo in wadanka loo qaybiyo goobo (sectors) qayb walbana la dajiyo ciidan ka ilaaliyo jabhadda. Waxaa lagu siiyay amar ciidan walba inay si naxariis dara ah u laayaan una baabi’iyaan jabhadda iyo dadweynaha dagan aagaa een u hogaansamin gumaysiga.

Waxay ahayd taatikadii ugu dambaysay ee Faransiiska uu isku dayo inuu ku cabudhiyo kacadoonka gobanimada shacabka Algeria wuxuuna kala kulmay guuldarro iyo in ugu damabayntii dalka kala boxo boqolaalkii kun ee ciidamada ahaa iyo sidoo kale kumanaan dabaqoodhigii dambiyada foosha xun ka galay shacabkooda oo dabada sii qabsaday.

Qorshaha noocaa ah ee goobo-goobaynta ah ayuu Hogaanka Arimaha Gudaha iyo amniga jabhaddu sheegay inuu hindisay gumaysiga Wayaanuhu inuu ka fuliyo Ogadenya, waxaana loo xilsaaray inay fuliyaan labada dambiile een kor ku xusnay iyadoo sidoo sheegay hogaanka loo qoondeeyay inay isticmaalaan gabi-ahaanba miisaaniyadii la siiyay dalka say ugu fuliyaan barnaamijkan. Sidoo kale waxaa la faray dhamaan shaqaalaha inay ka hawlgalaan goobahaa waxaana la joojiyay wax qabadkii yaraa ee awalba lagu cuni jiray hantida umadda.


Hogaanka Arimaha gudaha iyo amniga ayaa intaas ku daray in jabahdda iyo CWXO ay dajiyeen qorshihii lagu fashilin lahaa barnaamijkan naflacaariga ah, ayna muuqato astaamihii uu ku fashilmi lahaa isagoon waliba hanaqaadin, ka dib markii looga digay dadweynaha Ogadenya ee geesiyiinta ah inaysan gacan saar la yeelan gadh-wadeenada gumaysiga.

Waxaa hubaal ah inuusan dhaami doonin qorshan uu gumaysiga wayaanuhu dajiyay midkii lagu tijaabiyay shacabka Algeria.

Radio Xoriyo

05 Jun 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga


Faafin : SomaliTalk.com | June 6, 2009

qareFaarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka... Akhri/Daawo

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: