SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

4047 ARDAYDA JAAMACADDA MUQDISHO OO U FARIISTAY IMTAXAANKII FINALKA EE SANNAD WAXBARASHADEEDKA 2008/2009.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/5/2009, si rasmi ah uga bilowday dhamaan xarumaha Jaamacadda Muqdisho Imtaxaankii ugu danbeeyey ee simistarka 2aad sannad waxbarashadeedka 2008/2009, ayna ka qeyb qaadanayaan dhamaan ardayda kala duwan ee ka diinwaangashan kulliyadaha iyo qeybaha ay Jaamacadda Muqdisho ka koobantahay.

Imtaxaanka oo socon doona mudo 10 maalmood ah, ayaa waxaa uu ku bilowday Jawi wanaagsan, isla markaana waxaa ardayda ka muuqatay farxad aad u heer sareeya.

“Mahad Alle kadib, waxaan maanta aan aad ugu faraxsanahay hadaanu nahay Ardayda kala duwan ee dhigata Jaamacadda Muqdisho bilaabashada Imtaxaankii Finalka ee Simister 2aad, Sannad waxbarashadeedka 2008/2009. Waxaanu si weyn ugu mahadcelinaynaa Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Muqdisho oo had iyo jeer nala garab taagan dhiirigalin iyo sidii aan u kobcin laheyn aqoonteena”, sidaas waxaa yiri arday ka mid ah ardayda Kulliyada Dhaqaalaha iyo Maamulka, Qeybta Dhaqaalaha oo markaasi Imtaxaanka galayay.

Sidoo kale, bilaabashada Imtaxaanka waxaa iyadana garab socday soo gudbinta Buugaagtii takharujka (Thesis) ee ardayda sannadka 4aad oo iyagoo koox koox u socda golanka ku sita buugaagtii ay qoreen oo ah mirihii ka soo baxay dadaalkii dheeraa ee cilmi raadinta. Waxayna halkaasi ku galeen Doodii (Niqaashka) lagala yeeshay, su’aalana lagu waydiinayayay Cilmi baaritaankii ay sameeyeen.

“Kumanaanka arday ee ka diiwaangashan Kulliyadaha iyo qeybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa manta si rasmi ah ugu fariistay Imataxaanka Simisterka 2aad ee 2008/2009, kasoo socon doona Mudo 10 cisho ah, ardayduna ayn maalin walba gali doonaan hal maado”, Sidaas waxaa warbaahinta ugu warbixiyay Dr. Maxamed Xassan Nuur oo ah Madaxa Xafiiska Imtaxaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho.

Munaasabadda bilaabashada Imtaxaanka, ayaa waxaa isana ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho ee Arimaha Akaadeemiyada Dr. Cali Xasan Maxamed waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa maanta dhamaan Kulliyadaha iyo Qeybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho uga bilowday Imtaxaankii gabagabada, Sannad waxbarasheedka 2008/2009, Simisterkiisa 2aad. Waxaana Alle SW ka baryaynaa inuu guul noogu dhameeyo. Waxaana ardayda kula dardaarmaynaa inay muujiyaan dadaal dheeri ah”.

Gabagabadii, hadal Warsaxaafadeed oo uu siiyay Qeybaha Warbaahinta Gudoomiye Ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho ee Arimaha Akaademiyada, Dr. Cali Xasan Maxamed ayaa ugu dambeystii mahad ballaaran u celiyay Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda, Walidiinta iyo dhamaan Shacab weynaha Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka siisay Jaamacadda xiligan adag ee uu wadanka marayo inay gudato waajibaadkan baaxada leh ee waxbarasho ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayso.

Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay Sannadkii 1997 ayna ka qalin jabiyay 8 dufcadood ayaa waxay ka mid noqotay 40 ugu horeeya ee Jaamacaddaha ka jira Qaaradda Afrika. Sidoo kale waxay xubinta buuxda ka tahay Golaha fulinta ee midowga Jaamcaddaha Carabta

c/naasir yuusuf macalin(ganeey)
cnaasir114@yahoo.com
muqdisho Somalia .


Hadalkii Prof. Ibbi ee November 25, 2007 xilli uu booqday Minneapolis

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: