Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Saxaabadii nabiga (SCW) Ilaahay raalli
ha ka noqdee oo soo taagan baa Taabiciyiintii iskaga dareeri jireen
dhegeysiga khudbooyinka umuradii iyo waalliyaashii reer Banii Ummayah!
Umuradaas waxay ahaayeen kuwa jihaad xaq ah ku jiray laakiin dhibka iyo
caydii ay ku hayeen Ahlu-Beydka sida Cali Binu Abii-Daalib (RC) baa
dadkii naceen. Waxaa shacabkii gaaray in salaadaha Ciidaha ay ka
dareeraan markay salaadda tukadaan mana sugi jirin khudbadaha ciidaha
iyagoo nacaya inay maqlaan caay la caayayo Ahlu Baytka. Ummawiyiintu
waxay alifeen inay khudbooyinka ka hormariyaan salaadda Ciidaha ilaa
saxaabadii qaarkood ku inkireen dabadeedna Ummuwiyiintu dhaheen: waxaad
taqaanneen waa laga tagay!
Waddankii oo Baadari Bwakira iyo Axmed Ould Cabdalla xukumaan oo Amisom
joogto oo haddeer Tigreegii iyo kuwii u shaqeynayey ay joogaan Dooloow,
Ceelbarde, iyo Kalabayr baad arkaysaa daaci masaajid jooga oo eedeynaya
wiilasha halgamaya? Qaarkood baa iska dhigaya dhexdhexaad! Maxaa
dhexdhexaad laga noqdaa? Mar kasta oo ciidan-ku-sheegga dowladdu goob
qabsadaan waxaa ka khudbeeya Salaad Cali Jeelle, Maxamed-dheere, ina
Shaaweeye ama Cabdi Qeybdiid! Haddii Baladweyne, Baardheere iyo Baydhabo
Tigree qabsadaan, Ilaah kama dhigee, waxaa ka khudbeyn doona Xaabsade,
Dabogeed, iyo Barre-hiiraale!
Shacabkii sida Taabiciyiintii bay u dulqaadan waayeen ducaad intaas qiil
u raadineysa dowladda uu soo dhisay baadari Bwakira iyo Axmed Cabdalla.
Dowlad gaaladii u fasaxday inay dalka gumeystaan. Dowlad suufiyadii
hubeeyey. Dowlad ay horboodayaan dagaalooge. Haddii shacabku qiil u heli
lahaa in salaadda Jimcaha khudbo la’aan la tukan karo waxay sameyn
lahaayeen inay masaajidda qaarkeed isku soo begaan markay khudbooyinka
dhammeeyaan si ay salaadda keliya ula tukadaan!
Siday nabiga (SCW) u dhibi jirtay wax-ka-sheegga saxaabada (RC) sidoo
kalana ugu farxi jiray markii meesha laga saaro wax laga sheegi jiray
sida qisadii markii nin ku dheereeyey hiddaha uu arkay Zayd Binu
Xaaritha iyo wiilkiisii Usaama (RC) oo isku meel hurda oo lugahooda
bannaanka uga soo baxeen waxay huwanaayeen ayaa ninkii yiri: lugaha
labadaas nin waa is leeyihiin. Usaama waa madoobaa laakiin aabbihiis
sidaas maaheyn. Dad badan baa shaki gashay in Zayd aabbe u yahay Usaama
laakiin xitaa ninkaas baa gartay inay is dhaleen. Markuu nabigu (SCW)
hadalka ninkaas maqlay inta wajigiisii shariifka ahaa nuuray buu isagoo
faraxsan u galay hooyadeen Caa’isha (RC) oo u bishaareeyey.
Ducaad badan baa shaki galisay halganka wiilashaas. Waxaan u guurgalnay
waxa laga sheegayo laakiin markay qabsadeen Jubbooyinka, Shabeellooyinka,
Gedo, iyo Baay iyo Bakool ayaa Ilaahay gacantooda ku keenay nabad aan
horay geyigaas looga arag. Waxay ku dhawaaqeen Shareeco Islaam. Wixii
ducaaddaas intaas oo sano af ku keeni waayeen ayey maalmo ku sameeyeen.
Shacabkii gobolladaas ayaa qirtay in nabadda la helay aan horay loo arag.
Sidaan ugu faraxnay maxaa ducaad badan ugu farxi weyday? Marna ma lihin
Halgamayaashu waa Malaa’ig oo khalad ma leh laakiin waa loo jeedaa in
mabda’oodu sax yahay.
Markii saxaabada qaarkeed isku dayeen inay qiil u helaan haweeney
Makhzuumiyad ahayd oo wax xadday waatay u tageen Usaama (RC) si uu
nabiga (SCW) uga dhaadhiciyo inaan haweentaas gacanta la goyn laakiin
nabigu (SCW) waa xaqaanay. Marka waxaad arkaysaa ducaad qiil u raadinaya
dagaaloogayaal iyo gaaloraac. Qofkii qiiro ku jirto waa inuu sida nabiga
(SCW) uga xanaaqaa qiilka loo raadinayo dambiilayaasha waa marka arrintu
maxkamad gaarto ama qaddiyad waddan la isku hayo. Marka sidii arrintaas
nabigu (SCW) u dhibsaday ayaa dadka Soomaaliyeed u dhibsadeen ducaad
qiil u raadineysa niman diinta Islaamka la diriraya. WALLAAHI qofkii
Ashahaado-la-dirirkaas lagu ugaaranayo qiil u raadsha waa qof khaldan.
Ka warran maansoyaqaannada qaarkood sida Timacadde iyo Barkhad-cas (Allaha
labadaba u naxariistee) baa ka dhiifoonaa kuwo ducaad sheeganaya.
Barkhadcas baa oran jiray:
- Ninkaas (Ingiriis) araggiisa uurkaan
ka nacee
- Aan ooyee albaabka ii xira
Halka aad mooddo in
“madaxweynuhu” leeyahay:
- Ninkaas (Bwakira/Ould) araggiisa
uurkaan ka jeclee
- Aan aadee albaabka ii fura
Barkhad-cas wuxuu saas leeyahay waa
wafdi Ingiriis ah oo markaas heystay Waqooyiga Soomaaliya oo Waqooyi
tagay xornimadii ka hor. Haddana “madaxweynihiinna” ayaa baadari
Bwakira inta Xamar u dhuunto ku qaabilaya Madaxtooyada! Sidoo kale C/hi
Suldaan Timocadde baa markii Xabashidu soo gashay qeybo ka mid ah
Waqooyiga Soomaaliya 1964-tii lahaa:
- Hashii gooddankeedii rag badan
goodku ku casheeyey
- Hashaan gaaddo weynoow libaax uga
gabboon waayey
- Inaan goroyo-cawl u tagaa waa wax
soo guraye
Xabashida oo intaas oo sano dowlad
ahayd baa Timo-cadde ku sheegay Goroyo-cawl halka ducaadda Soomaalida in
badan oo ka mid ah dhahaan: Tigreega waxaa casuumaya Shabaabka! Waxay ka
wadaan haddii Shabaabka iyo Xisbi Islaam afkooda ka daayaan jihaad oo
uun dadka wacdiyaan waxaan ma dhaceen! Micnuhu waa: nabi Muxamed (SCW)
xikmad ma lahayn marba haddii huwan ka badan 10 kun ay Madiina
hareereeyeen dagaalkii Khandaq! Waxaad is leedahay miyeysan nimanku
siirada akhrisan? Qaaciddo ay si foorarta u qaateen bay ka hadlaan –
maslaxo iyo mafsado! Yaan dhiig muslim la daadin! Nin dhiiggiisii
Ilaahay dartiis u daadiyey ama diyaar u ah bay saas ula hadlayaan! Meey
gobolladay heystaan dhiig ku daadshaan? Dhiigga Amisom daadiso waxaa ka
mas’uul ah wixii keenay iyo waxa difaacaya. Haddii qaaciddadooda la
qaato waxaa soo baxaysa in wiilkii yaraa ee badbaadiyey magaaladii
gaalada ahayd kaddib markay Islaameen in dhiiggooda loo heysto. Waa
qisadii Asxaabul Ukhduud. Haddii sida gobollada kale Shareeco Islaam
timaaddo, dhiigga shariifka ah ee shacabka ee gaaladu daadiso ama xabbad
aan loo wadin ku dhacdo meel cidla’a ah kuma daadan ee Ilaahay baa
shahiidnimo ku siinaya, innagana Shareeco iyo nabad nagu siinaya.
Aan akhrinno axaadiista nabiga (SCW) oo leh: nabigaa soo baraarugay
isagoo amakaagsan oo leh: Carab hoog baa u sugnaaday, isagoo ka hadlaya
aakhiru zamaanka. Nin daaci sheeganaya baa dhulkii oo Tigree iyo
Tigree-raac weerar ku soo yihiin inta cunto ka dhergo oo caloosha
buuxsado halkii uu dadka dhiirrigelin lahaa wuxuu ku jiraa: baaq loo
kala diro Ashahaado-la-dirirka iyo Ashahaado-ku-dirika! “MAA LAKUM
KEYFA TAXKUMUUN”. WALLAAHI waa qof khaldan qofkii dadkaas sima. Waa in
la taageero Ashahaado-ku-dirirka. Markuu nabigu (SCW) arko dad
dhibaateysan oo faromaran inta wajigiisu guduuto buu dadka wacdin jiray
inay wax la baxaan kaddibna wajigiisu caadi ku soo noqon jiray markay
muslimiintu maqlaan oo wax la baxaan. Marka daaci baa waddankii oo
Tigree soo galay raba isagoo qoslaya inuu kuu muxaadareeyo!
Waxaan Ilaah simin ma simi karno. Ilaahay baa Mujaahidiinta ka fadilay
kuwa iska fariista. Waa sunada Ilaahay qofka mujaahidkaa dadkaa iska
jecel. Soo xasuusto C/hi Binu Mubaarak. Markuu yimaado Xaramka dadku
inta caalimka Xarameynka ka soo tagaan bay iska agfariisan jireen
Mujaahid C/hi Binu Mubaarak. Hadda Paltalk sida qol uga hadlayo daaci ka
mid ah ducaadda ka khudbeysa mu’tamarrada baa waxaa soo galaya wiil
gaalada iyo gaalo-raacyada la dagaalaya dabadeedna qololka Soomaalida
baa inta la is gaarsiiyo waxaad maqleysaa iyagoo leh: mujaahid hebel baa
qol hebla ku jira markaasaa la soo buuxinayaa ilaa qolku qaadi waayo.
Marka arrintaas darteed ducaad badan baa xiqdi iyo colaad u qaadday
wiilashaas halgamaya. Culumo badan baa xiqdi u qaadday Imaamu Bukhaari
marka ducaaddaan waa la fahmi maraa laakiin khasab naguma ahan inaan wax
weyn ka dhigno hadal ducaadda qaarkeed nooga sheegaan halganka. Ilaahay
amarki dad badan oo cududaar heysta baa jihaadka ku jira iyagoon
Soomaaliya joogin halka kuwa ducaad sheeganaya ay dacaayad ka dhan ah
arrintaas wadaan. Marka soow adduunyo-gaddoon maaha?
Maansoyaqaankii sida C/hi Timocadde baa jihaad ka hadlaya halka
ducaaddeennu fariimmo nooga keenaan niman gaalo ah! Ama dhahaan “ WA
IN DAA’IFATAANI MINAL MU’MINIINAQTATALUU!” Goormaa waxa Zenawi soo
tababaray Muu’miniin noqdeen? Marka Ilaahoow yeysan farriin kale nooga
keenin Boobka (Pope) Kaatoolligga xukuma! Marka geed gabbal-daye ah oo
qorrax u jeeda ma kala jecla dayax maalin soo baxay. Marka dhagaha
shacabku wiilashaas Shareecada wax ku xukuma bey rabaan. Marka waxaan
kula talin lahaa ducaaddaas inaysan fatwo soo saarin oraneysa:
wiilashaas waa Khawaarij. Haddaad dhahdaanna idinkaa ku ceeboobaya.
F.G. Waxaa dhici karta in ducaadda qaarkood dhahaan: waxaan isku dirayaa
dadka iyo culumadaan! Waxaa dhici karta inay soo qaataan aayadda ah:
ARRA AYTALLADII YANHAA CABDAN IDAA SALLAA! Iyagoo leh: dadkii baan
masaajiddii iyo meelihii diinta lagu baranayey ka ceyrinayaa! Laakiin
arrintu saas maaha oo wiilasha halgamaya qabiil kuma raacine waxaannu ku
raacnay diin iyo halgan.
Lixdiisii Bilood ee Dambe oo
Shariifku Dib u soo Celinayo Ashahaado-la-dirirkii Akhri..