SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

HADAL UU JEEDIYEY ERGAYGA GAARKA AH EE QARAMADA MIDOOWAY U QAABILSAN ARRIMAHA SOOMAALIYAHA AHMEDOU OULD-ABDALLA. 

Shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midooway ee looga hadlayo Soomaaliya. 

29 July 2009.

Mudane Madaxweyne,

Wakiilada Joogtada ah,

Mudanayaal iyo Marwooyinba,

Waxaan ku faraxsanahay fursadatan aan warbixinta ku siinayo Golaha Amaanka.

In kastoo xaalada ay weli tahay mid jilicsan haddana waxaa jira arrimo horumar leh oo ka dhacaaya Soomaaliya sidaan horey ugu sheegay Golaha Amaanka  haddana arin ugub ah ayaa Soomaaliya laga hirgelinayaa.  Inkastoo caqabado badan jiraan, haddana Xukuumadu weli waa dagaalamaysaa waxayna iska caabinaysaa iskudayo fara badan oo la doonaayo in lagu afgembiyo awoodana si sharci darro ah looga qabsado.  Waxaa kale oo ay Xukuumadu la la dagaalamaysaa kana guuleysanaysaa 20-sanno oo arimaha Soomaaliya shaki laga qabay. 

Mudane Madaxweyne,

Waxaan rumaysanahay maanta in arintu ay isbedel samaynayso. Waxa cad in dadweynaha  iyo Odoy dhaqameedyaduba ay ka soo horjeedaan Qaska iyo kuwa ka dambeeyaba.  Sidaasi darted, waxaa si aad ah hadda loogu baahan yahay teegarada bulshada caalamka.  Haddaba, waxaan mar labaad rabaa inaan  ka mahadceliyo kaalmadii aan caadiga ahayn ee ay ku deeqeen Xubnaha Ururka Islaamka Aduunka, kan Jaamacada Carabta, Kan Ururka Midnimada Africa, Kan Ururka Midowga Yurub iyo Kan Ergada Reer Yurub, Kan Guddiga La Xiriirka ee ay ka mid yihiin Dawlada Mareykanka, Norwey, iyo Ururo Kale gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD.  Kuwaasoo si dhaqso leh kaalmo u diyaariyey ugana muujiyey dalka gudihiisa taaso waafaqsan   balanqaadkii shirweynihii BRUSSELLS bishii Abril si loo fududeeyo arinta deeqda ah, Xukuumada Soomaaliyeed waxay heshiis la gashay Hay’ad Caalami ah ee qaabilsan Xisaabaadka si loo xaqiijiyo in wixii hanti ah ee la helay si hufan loo isticmaalay.

Xukuumadu waxay talaabo weyn ka samaysay dhinaca tababarka, Qalabeynta iyo mushaarsiinta Ciidamadeedaba, Hase ahaatee, weli baahi weyn ayaa ka jirta dhinaca iskuduba-ridka iyo Ciidan ahaantuba, dhinaca kale geedi socodka Siyaasaduna horey ayuu u socdaa, heshiiskii lagu saxiixay Jabuuti ee bishii hore ee Augost ayaa weli u furan kuwa doonaaya in si nabadgelyo ku jirto   wax ka qabtaan arimaha Soomaaliya.  Dhowaan waxaa heshiis muhiim ah kala saxiixday Xukuumada iyo Kooxda aadka loo ixtiraamo ee AHLU SUINNAH WAL JAMEECA, kuwaasoo durbadiiba muujiyey natiijo, waxaa kale oo jira in qaarka mid ah mucaaradka Xukuumada lagu soo daray midka mid ah Madaxda Mucaaradkana wuxuu noqday Wasiiru Dawle,  Siyaaadan albaabkeedu furan yahay.  waa in ay weli sii socotaa 

Waxaan fahamsanahay in ay Xukuumadu ay soo dhaweyn doonto kuwa hadda mucaaradka ah ha ahaadeen kuwa Madaxda ah ama kuwa Xubnaha ka ah mucaaradkaba.  Soomaalidu waa inay nabada ka wadahadlaan dalkooda ugu wadahadalaan.  Kuwa ku guuldareysta inay ku soo biiraan geedi socodka Nabada waxay waayi doonaan fursada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska wadankooda, Xafiiskayga wuxuu mar walba diyaar u yahay inuu gacan ka geysto sii socoshada wadahadallka ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda ah.

Waxaa la gaaray waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada baahida iyo masaaliixda dadweynaha Soomaaliyeed ee caadiga ah, kuwaas oo loo diiday cunto si ay uga deeqtoomaan Gaajada badbaadona oga samaystaan cabsida, dhibaatada Ummadda haystaahi waa in ay ahaataa mid soo jiidata Quluubta dhamaan wadaniyiinta Soomaaliyeed, waana in ay ahaataa arinta ugu muhiimsan ee bulshada caalamka wax ka qabanaysa.  Dadkaan dhibeysan waxaa loo haystaa wadankoodii madaxfurasho, waxaana u haysta koox yar oo faa’idadooda gaar ah ee degdeg ah doonaaya.  Dhab ahaantii nabadgelyo la’aanta ayaaba noqotay hab lagu helo dhaqaale iyo awood.

Dadka Soomaaliyeed dhibaato aad u badan ayey u adkaysteen-Caruurtoodii ayaa hortooda lagu dilay, gacmaha looga jaray, lagu kalifay inay dalkooda ka cararaan marar farabadan, waxaana loogu xadgudbay Xuquuqul insaankooda si aanba xad lahayn, dhibaatada Ummaddan loo geysanaayo waa in ay dhamaataa si nolol caadi ugu noolaadaan wadankooda sida ka jirta wadamo badan oo Africaan ah.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan cambaareynayaa afduubka loogeysanaayo dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Ajaaniibta aan waxbageysanin kuwasoo loohaysto madax furasho waxaan a ku baaqayaa in loo siidaayo si shuruud la’aan ah, waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo kuwa aan Soomaalida ahaymba ee sida tooska iyo sida dadbanba gacanta ugu geysan kara sii deysmaada dadkan la ahaystaa inay gacan ka geystaan sii deysmada.  Falkan ka baxsa n beni’aadanimada ee afduubka ahi sinabada uma kaalmeynayaa  magaca iyo  muuqaalka Soomaaliyeed.  Sidoo kale waxaan cambaareynayaa boobka loo geystay xafiisyada Qaramada Midooway ee ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliyeed, sidoo kale iyo howlgalka lagu aamusinaayo Warbaahinta iyadoo la adeeganaayo cagajugleyn, Baad iyo dil lala beegsnaayo suxufiyiinta.

waa in si dhab ah wax looga qabtaa su’aasha ku saabsan helitaanka caddaalada, waa in ajendaha meel sare kaga qornaataa la dagaalanka dhaqanka ku fadhiya IMPUNITY (Dembi inta la galo haddana aan leys xisaabinin) iyo xadgudubyada kaleeto ee loo geysanaayo dadka rayidka ah.  Sidaasi dartteed, bulshada caalamku waa in ay ka kaalmeyso dadka Soomaaliyed sidi mustaqbalka arimahooda wax uga qaban lahaayeen, sababtaas darted ayuu  Xafiiskayga bisha soo socota u qabanqaabinayaa shir. Kooxda la socoshada arimaha dalka ee  saldhigeedu yahay Nairobi ayaa si aad ah isugu dayaaya inay sheegaan ama tilmaamaan kuwa laga yaabo in lagu  soo rogo cunaqabateynta.

Mudane Madaxweyne,

Guuldarooyibnkii horey u dhacay waa in ay naga niyad jebinin inaan talaabo horey u qaadno mustaqbalka si aan u kaalmeyno ama door ugu ciyaarno helida soo celinta nabadda.  Waqti dhow iyo midka fogba waxaa jira talaabooyin la taaban karo ee uu Golahani qaadi karo:

  • Maadaama ay Xukuumadu qaaday talaabooyin muhiim ah waxay weli usii baahan tahay taageero degdeg ah ee siyaasadeed iyo dhaqaalebo si xaalada wax looga qabto. Maamulada ka jira Puntland iyo Somaliland ayaa iyagu dhaqaale u baahan si ay u waarto degaanshaha meelahooda ka jirta.
  • Taageero deg deg ah ee la taaban karo waa in la siiyaa AMISOM. Ciidamada ururka Midowga Africa waxay muujiyen geesinimo taariikhi ah  iyo sida ay uga go’an tahay in ay u garab istaagaan Ummaadda Soomaaliyeed.  Waxay mudan yihiin inay helaan taageerada dhamaan Xubnaha Golaha Amaanka.
  • Taageero la siiyo go’aanada Urur Goboleedka IGAD,iyo kan Midowga Africa ee ku aadan arimaha Soomaaliya ayaa aad waxtar u leh, u dhowaanshaha ay u dhow yihiin wadanka, aqoonta ay u leeyihiin iyo sida ay u danaynayaan arimaha Soomaaliya darted, Wadamada IGAD xubnaha ka ah waa in loo aqoonsadaa inay ka ciyaaraan arimaha Soomaaliya door hogaamineed.
  • Waxaa la gaaray waqtigii Qaramada Midooway ay muujin lahayd inay ka dhab tahay in ay u guurto Soomaaliya. Waxaa aad u daahay joogitaankanaga ku meelgaarka ah ee Nairobi. Waxaan si dhab ah ugu howlgeli karnaa waxkaqabashada arimaha la xiriirta nabada iyo baahida beni’aadanimo ee degdega ahi keliya haddii aan u dhownahay dadka ay gaajada, nabadgelyo la’aanta iyo ku xadgudubyada kala gedisan wax u dhimeen.  Xafiiskayga iyo Hay’adaha kale ee muhiimka ah ee Qaramada Midooway oo ay ka mid yihiin kuwa qaabilsan arimaha Beni’aadanimada iyo Diblomasiyiinta iyo NGOyada kale ee danaynaya Soomaaliya waa in ay u guuraan Mogadishu.  Dhismaha goobo nabadeed (Green Zone) sida kuwa ka jira meelo kale oo aduunyada ah  ayaa fududeyn lahayd arintan.
  • Waa in la wadaa taageerada ku aadan wax ka qabashada burcad badeeda. Joogitaanka ay joogaan Maraakiibta Caalamiga ah Badaha Soomaaliyeed ayaa ah isbarbartaag Caalami ah oo loo muujinaayo Ummadda Soomaaliyed joogitaanka Maraakiibtaan oo ka socota wadamo fara badan ayaa aad wax u tartay. Maraakiibtani waa inay sii wadaan joogitaankooda, isla markaana waana in taageero loo fidiyaa dhismaha Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, sidoo kale su’aasha la xirirta in dhibaatada burcadbadeednimada wax looga qabto dhinaca dhulka gaar ahaan habkii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada waa in iyaduna si deg deg ah wax looga qabtaa.

Dhab ahaantii, Soomaaliya arinteedu waa mid adag –hase ahaatee dhibaato marwalba waa jireysaa waana inaynan noqon sababta kalifaysa inaan talaabo la qaadin-. Bulshada Caalamku waa inaysan gacmaha ka laaban waajibaadkeeda ka saran dadka, hadda waxaa loo baahan yahay talaabo waxtar leh, haddii aanan hadda la qaadin talaabadaas goorma ayaa la qaadayaa? Haddii Golaha Amaanka talaabo uusan qaadin yaa talaabo qaadaya?  “Waxaan aad u ognahay in guusha sheydaanku ay ku xiran tahay oo keliya in aan raga wanwanaagsan talaabo qaadin”.

Dhamaan dadka dunida waxay u ooman yihiin helitaanka Nabad, Amni iyo Sharaf –dadka Soomaaliyeedna kama gedisna dadka aan sheegayno- waxaana loo diiday Ummaddan baahidooda dhabta ah ah 20kii sano ee la soo dhaaftay.  Booqashadii Golaha Amaanka uu ku tagay Jabuuti sanadkii hore waxay aad kor ugu soo kicisay dareenka Wadamada Gobolka ka jira- iyagoo isleh  in Golaha Amaanka uu door ka qaato nabad ku soo celinta Soomaaliaya- arintan waxay  kor u qaadidaysaa magaca Qaramada Midooway ku leedahay wadamada Africa.  Hadda waxaan taaganahay wakhtigii talaabada la qaadi lahaa.

Waa mahadsan tahay.


Statement by the UN Special Representative for Somalia

Mr Ahmedou Ould-Abdallah

UN Security Council meeting on Somalia

29 July 2009

Mr President,

Permanent Representatives,

Ladies and Gentlemen

I am grateful for this opportunity to brief the Security Council.

While the situation remains fragile, there are positive developments in Somalia. As I told the Council previously, a new paradigm is being implemented.  Despite multiple constraints, the Government is resisting and repelling multiple attempts to overthrow it and seize power illegally by force. It is also overcoming the two decades of skepticism over Somalia.

Mr President

I believe that today we are at a turning point. It is clear that the population and its traditional leaders reject violence and those behind it. Therefore the support of the international community is even more crucial at this time. In that context I would like to recognize once again the extraordinary help provided by members of the Organization of Islamic Conference, the League of Arab States, the African Union, the European Union and the Commission, the Contact Group including the US, Norway and many others especially IGAD the sub-regional organization. They have mobilized quickly to provide critical assistance on the ground, as pledged during the Brussels Conference in April, chaired by the UN Secretary General. To facilitate this process, the Somali Government has employed the services of an international accounting firm to ensure transparency.

The Government has made significant progress in training, equipping and paying its security forces. However more needs to be done especially in the area of coordination and organization. At the same time, the political process is also moving forward. The Djibouti Agreement signed in August last year remains open to those who want to address the Somali situation through peaceful means. Recently an important agreement was signed between the Government and the well respected, religious group Ahlu Sunna-wa Al Jamma which has already shown results on the ground. There has also been the inclusion of some elements from an opposition group, and one of its leaders has become a  Minister of State. That open door policy should be continued.

My understanding is that the Government would welcome members of those currently in the opposition, whether leaders or simple members of the rank and file of their groups. Somalis should discuss peace among themselves in their own country. Those who fail to join the peace process will miss an opportunity to contribute to rebuilding the country. My office stands ready to assist and help the continued discussion among Somalis.

The time has come to focus on the needs and interests of the ordinary Somali citizens who are denied food to alleviate their hunger and protection against fear. Their suffering should strike at the heart of all Somali patriots and should be the main international concern. Their country has been taken hostage by a small group interested only in their own immediate profit. Indeed insecurity is becoming a source of revenue and power.

The Somali people have endured too much – they have seen their loved ones killed and maimed, been forced to flee their homes again and again and suffered endless abuses of their human rights. Their suffering must be ended to help them to live a normal life as in many other African countries.

Mr President

In this context, I condemn the abduction of all innocent Somalis and foreigners who are being held for ransom and call for their unconditional release. I appeal to all those, Somalis and non Somalis, who can help, directly or indirectly, to do so through telephone calls, emails and so on to help free the unfortunate hostages. It is impossible to see how such inhuman actions could help Somalis or the image of Somalia in any way. Likewise I condemn the looting of the UN offices in South Central Somalia as well as efforts to silence the media through intimidation, extortion and the targeted killing of journalists.

The question of justice must be seriously addressed. Fighting impunity and various abuses against civilians should remain high on the agenda. In this regard the international community should help the Somalis decide the way forward. This is why my office is organizing a meeting on this issue in the middle of next month. The Monitoring Group based in Nairobi is active in trying to identify those who might face sanctions.

Mr President

Past failures should not discourage us from taking future action to help stability. In the short and medium term, there are concrete steps that can be taken by this Council:

  • While the Government has made important strides, it still requires immediate support, political and financial, to improve the situation. The authorities in Puntland and Somaliland also need resources to ensure the stability endures.
  • Immediate and concrete support to AMISOM. The African Union troops have shown remarkable courage and dedication in solidarity with the Somali people. They deserve the backing of all Council members.
  • Support for IGAD, the sub regional organization, and the African Union in their decisions on Somalia will be most helpful. Due to their proximity, knowledge, and interest in Somalia, IGAD member states should be recognized as having a leading role on Somali issues.
  • The time has come for the United Nations to show it is serious about moving to Somalia. Our temporary presence in Nairobi has lasted for too long. We can only work effectively for peace with the Somalis and address pressing humanitarian needs if we are close to the victims of famine, violence and different abuses. My office and other leading UN agencies, including humanitarian ones, along with concerned diplomats and NGOs, should move to Mogadishu. The establishment of a Green Zone, similar to those elsewhere, will facilitate this process.
  • Continuing support against piracy. The international maritime presence has been a remarkable show of solidarity with Somalis among a large number of nations and has been effective. This maritime presence should continue while support for the establishment of the Somali coastguard is being provided. At the same time, the question of addressing the problems on land, particularly the issue of youth employment, must been taken up as a matter of urgency.

Somalia is indeed a difficult case to say the least - but challenges always exist and should not be a reason for inaction. The international community should never surrender its obligation towards the people. Effective action is needed now because if not now - then when? If the Council does not act, then who will act? We know all too well that “All that is necessary for the triumph of evil, is that good men do nothing.”

People all over the world strive for peace, security and dignity – the people of Somalia are no exception. They have been denied this modest aspiration for the past 20 years. Last year’s Security Council visit to Djibouti was a tremendous boost to the region – if the Council can help to restore stability to Somalia, it will go a long way towards elevating further the UN’s reputation in Africa. It seems to me that now is the time for action.

Thank you

Waxaa soo tebisey:

Susannah Price
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office - 254 20 7627132
Mobile - 254 733 902020
Email: Susannah.Price@unon.org

Faafin : SomaliTalk.com | July 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version