SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Aasiya :Waa shan jir ku dhalatay labada xubin ee Ragga iyo Dumarka, waxayna u baahan tahay Qalliin deg deg ah.

Wiil Saaxiibkay ah oo Cameraman ah oo dhawaan booqday Degmada Afmadoow ee gobolka J/hoose ayaa halkaas waxa uu kula kulmay dhacdo ka yaabisay oo la xiriirta Gabar yar oo shan jir ah oo isku leh Xubnaha Taranka ee Ragga iyo Dumarka, waxa uuna ka soo qaaday dhowr sawir, waxayna Waalidiinta gabadha codsadeen in gabadhooda wax loo qabto maadaama aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin, ayna u baahan tahay qalliin deg deg ah.

Aabbaha dhalay gabadhaasi oo lagu magacaabo Max’ed Xasan ayaa ka sheekeeyey gabadhiisa Marxaladaha ay soo martay gabadhiisa, waxa uuna yiri “Gabadhayda waxaan markii hore ugu wanqalay Gabar ahaan, waxaana u bixiyey Aasiya, hase yeeshee mudo kadib ayaa waxaa soo baxay wax naga yaabiyey oo ah in gabadhii aan ku aragnay xubinta Ragga, taasina waxay nagu beertay walbahaar, marna marka ka dambeysayna way isa soo tareysay ilaa ay ka soo gaarto Shan sano, waana midda hadda keentay inaan u soo bandhigno Bulshada Soomaaliyeed, si ciddii kaalmo ka gaysan karta ay wax noogu qabtaan gabadheena Aasiya”, Aabbe Max’ed isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in gabadhooda  ay dhakhaatiir dhowr ah u geeyeen oo ay u sheegeen in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin ayna u baahan tahay qalliin dibadeed, waxa uuna hadalkiisa ku soo gebagabeeyey “Hadday fooli timaado Gudo qarsi dhamaa!!”, oo ula jeeday in markaan ay gabadhiisu u baahan tahay cid wax u qabata ee uusan xaalku joogay in la qarqariyo.

Dadka Soomaaliyeed oo iyagu mudooyinkaan dambe looga bartay in ay iscaawiyaan ayaa labada waalid ee Aasiya waxay si naxariis leh uga codsanayaan in ay gabadhooda la tacaalaan oo ay wax u qabtaan.

Haddaba, akhristayaal Sawirkan oo aan ku habooneen in la soo bandhigo, haddana ciddii danayneysa oo dooneysa in wax u qabato Gabadhaan yar, waxaan u ballanqaadeynaa in aan si qaas ah ugu soo direyno sawiradeeda (Insha-Allaah).

Wixii faahfaahin ah waxaa kala soo xiriiri kartaa cinwaanada oo hoos ku qoran.

Mobile:0025215511963.

Afmadow/J/hoose.

Ama

Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com .

Mobile:0025215532494. 

Faafin : SomaliTalk.com | July 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version