SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin ku saabsan Dagaalada weli ka sii socda Muqdisho


Labadii habeen ee ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray dagaalo iyo duqeeymo u dhexeeyey Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo waliba Xisbul Islaam oo isku dhinac ah, waxayna dagaaladaani gaysteen khasaarooyin ugu jira naf iyo maal, iyadoo labadii habeen dagaalkii dhacay isbitaalada magaalada Muqdisho la gaarsiiyey ilaa iyo 80 qofood oo dhaawac ah, waxaana ku dhintay dad gaaraya 16 qofood.

Dagaaladaan oo dhacay waqti habeen ah ayaa waxaa adkaatay sida dadka dhaawaca ah loo gaarsiin lahaa Isbitaalada, iyadoo Ciidamada AMISOM isticmaaleen madaafiicdii ugu badneed oo ku dhacday xaafadaha Hodan, Wardhiigley, Hawl-Wadaag iyo Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo difaacanaya wadada Maka-Almukarama ayaa dadkii halkaa ka agdhawaa waxay bilaabeen in ay halkaasi isaga barakacaan si ay uga badbaadaan madaafiicda la isweydaarsanayo.

Duqeyntaan ayaa baryahaan dambe Magaalada Muqdisho waxay ku abuurtay cabsi aad u xoogan iyadoo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda maalmahan bilaabeen in ay bartilmaameedsadaan xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM. Dhinaca kale afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa beeniyey warar sheegayey in ciidamo AMISOM ah lagu sumeeyey Magaalada Muqdisho, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

16-Askari oo u dhashay dalka Burundi ayaa la dhigay isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi waxaana Isbitaalka ku geeriyooday sida la sheegay Saddex Askari, ilaa iyo haddana lama garanayo waxa ku dhacay Ciidamadaasi , balse afhayeenku waxa uu ku gaabsaday in askartaasi u dhinteen qaniinyada Cayayaan oo uusan tilmaamin waxa ay yihiin cayayaankaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version