SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Hay’adda Sharmarke Peace Foundation oo u qabatey Tababar Suxufiyiin ka kala socotey qaybaha Warbaahinta

Waxaa Hotelka Central ee Magaalada Muqdsiho lagu soo gabagabeeyey tababar muddo saddex maalmood ah u socday suxfuyiin ka kala soctay qaybaha kala duwan ee warbaabhinta dalka, Muqdisho ka howlgala waxaa dhinaca dhaqaalaha bixiyay Hay’adda National Endowment for Democracy waxaana hirgeliyay hay’adda SHARMARKE PEACE FOUNDATION.
 

Sawirada halkan ka daawo


Tababarkan ayaa waxaa lagu baranayay casharro la xiriira sidii saxaafadda ay qayb uga qaadan lahayd nabadda, iyadoo ay casharro ka bixinayeen Ustaad Shariif Cali Maxamed, Yuusuf Cali Cismaan (Farey) iyo Shariif Macalin Max’ed.

Ustaad Shariif Cali ayaa isagu faahfaahin ka bixiyey casharo la xiriira Anshaxa Saxaafada iyo xuquuqda saxafiga iyo saxaafadda, wuxuuna si weyn ugu dheeraaday in dhibaato badan ay haystaan saxafiyiinta ka howlgala qaybaha kala duwan ee warbaainta.

Casharrada ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga ama Xeerka Saxaafadda Somalida, kaasoo soo maray heer kala duwan, waxaana Macallimiinta ay sheegeen in saxaafadda Somalida caalamku uu ku eedeeyo inay hurinayso dagaallada iyo xasillooni-darrida ka taagan Somalia.

Siminnaarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay sharciga Saxaafadda, iyadoo Yuusuf Cali Farey uu si guud ah mar ah ugu aqriyay saxafiyiinta tababarka ka qaybgalay sharciga guud ee saxaafadda.

Qodobbadii ugu muhiimsanaa ee lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa in Xarunta Warbaahineed laga doonayo inay yeelato sharci ama qaab shaqo oo dagsan iyo inay heshiisyo shaqo la saxiixato wariyeyaasha u shaqeynaya.

Sidoo kale, waxaa lagu soo qaaday tababarka qaabka loo furto warbaahinta madaxbanaan iyo shuruudaha laga doonayo Milkiilaha inuu u maro furashada xarunta warbaahinta, si ay u noqoto mid ka dhaqangasha calaamka.

Wariyeyaashaii tababarka qaadanayay ayaa waxaa laga dalbaday inay howlahooda saxaafadeed kor ugu qaadaan horumarinta nabadda, runta iyo weliba eex la’aan si ay u noqdaan suxufiyiin ka sharfan dhanka shacabkooda iyo dalkooda.

Ugu dambeyn Qamar Salaad Cumar oo ku hadlaysay afka ka qaybgalayaasha tababarkan oo ahaa 30-ruux ayaa sheegtay inay ka faa’iideysteen wax badan oo aysan horay u ogeyn, ayna ku dhaqmi doonaan wixii maanta ka dambeeya.

Sidoo kale waxaa loo mahadceliyay hay’adda siminaarka soo qabanqaabisay iyo macallimiintii tababarka bixinayay, iyadoo suxufiyiintu ay ballanqaadeen inay ku dabaqi doonaan Howshooda casharradii ay qaateen saddexdii casho ee lasoo dhaafay.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaarp@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version