SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dibadbax ay ku dalbanayeen Barakacayaasha Afgooye ilaa iyo Xamar in la joogteeyo Biyaha ay siiyaan CED OXFAM-NOVIB oo ka dhacay deegaankaasi.

Sawirada Halkan ka daawo

Kumanaan barakacayaal ah ayaa maanta inta u haxeysa Afgooye ilaa iyo Xamar ka dhigay banaanbax balaaran oo ay ku dalbanayeen in la sii joogteeyo biyaha ay maalin walba ka helaan heydadaha CED OXFAM-NOVIB, waxayna Dibadbaxayaashu wateen Boorar ay ku qornaayeen erayo ay ka mid ahaayeen:

“Waa in naloo joogteeya biyaha ay na siiso Hey’adda CED, Biyo la’aan waa Nolol La’aan, Madfac ayaan ka soo orodnee, Biyo La’aan maan joogi karnaa, Hey’adda CED waa Hey’adda kaliya ee cawisa dadka barakacayaasha ah” iyo erayo kale oo fara badan.

Sawirada Halkan ka daawo


Hey’adda CED ayaa iyadu taakulaysa dadka soo barakacay, waxayna Hey’addu ka shaqeysaa ilaa iyo Shan Gobol oo kala ah : Banaadir, Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Gal gaduud iyo Mudug, waxayna dadka siiyaan kuwooda dhibaataysan Baco, Raashin, Biyo iyo in ay Musqulo u dhisto, iyadoo sidoo kale ay Hay’adda dib u dayactirto Ceelasha halaabay oo ay Hey’addu dib u qodo.

“Ma Ilaabi doono waxa ay noo qabato Hey’adda CED, waana ku faraxsanahay dadaalkeeda balaaran ee ay ugu adeegayso shacabka dhibaataysan” ayuu yiri Aadan Cadde oday lagu magacaabo oo ka mid ah barakacaayasha ku jira Kaamka lagu magacaabo Jimcaalle Kaam.

Dibadbaxaan ayay dadka barakacayaasha ah waxay ku marayeen Ceelasha ilaa Afgooye, iyagoo dadku ay ahaayeen kuwo ilaa halkaasi daadsan oo maanta u soo baxay inay caalamka u gudbiyaan Codsigooda la xiriira inaan Biyaha laga Jarin, iyagoo soo jeediyay in Hey’adda CED aysan joojin Biyaha ay dadkaasi barakacayaasha ah siinaysay Mudada 3-da sanno ah.

Hey’adda CED ayaa horay biyaha dadkaasi ugu gaarsiin jirtay iyadoo Booyado inta u Ijaarto Biyaha ugu dhaamin jirtay sidaasna ugu dhaamin jirtay biyaha, waxayna howshaan gashay markii ay aragtay bahida dadka ay u qabaan Biyaha.

Goobaha ay saakay barkacayaashu ka dhigeen banaanbaxa ayaa waxaa ka mid ah Carbiska Afgooye, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo Ceelasha Biyaha, iyadoo meel walba ay isugu soo baxeen dhamaan kaamamkii ku yiilay halkaasi, waxayna dadaku ka cabanayeen in laga jaro biyaha ay ka helaan Hey’adda CED.

Sidoo kale waxaa dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ah Marwo Sacdiyo Cali Guutaale oo ay walaalo yihiin Fanaanada Caanka ah ee Ruqiyo Cali Guutaale, waxayna sheegtay inaysan marnaba ilaabi doonin Hey’adda CED siada ay gacanta u siisay dadka Barakacayaasha ah.

“Hay’addu Biyo kaliya ma siiso dadka, ee waxay sidoo kale gaarsiisay Barakacayaasha iyo dadka dhibaataysan Raashin iyo inay u qodo Ceelasha duugmay ama halaabay” ayay tiri Haweenay lagu magacaabo Maymuun oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah, waxayna sheegtay inay Hey’adaasi tahay tan kaliya ee ay ka helaan kaalmada ugu badan oo ay helaan dadaka barakacaayasha ah.

Barakacayaasha ayaa ahaa kuwo ku qaylinaayay inaan la joojin Biyaha ay ka helaan Hey’adda CED (Center Four Education and Development), waxayna dalbanaayeen in Heyaddaasi ay howsheeda biyo qeybinta iyo raashin gaarsiinta dadka barakacayaasha ah loo daayo, iyagoo muujinaayay inay Hey’adaasi inay tahay mid ay dadka barakacayaasha ah ku kalsoon yihiin oo aan dhacayn wixii loogu soo dhiibay dadkaasi dhibaataysan.

Dhanka kale Shucuurta dadka barakacayaasha ah ee dhigaayay Dibadbaxaan ayaa ahaa kuwo ay ka muuqatay Qiiro weyn, iyagoo codsanaayay in laga ogolaado In Hey’adaasi howlaheeda loo daayo oo aan lagu faragelinin.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com
 

 

UNHCR: Warbixintii ugu dambaysay ee dadka ku barakacay Soomaaliya oo tiradoodu gaartey 137,000 qof -  (laga soo bilaabo June 1, 2009 ilaa 20 July 2009) Akhri

 

Faafin : SomaliTalk.com | July 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version