SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAFDIGII DOWLADA SOOMAALIYA OO LAGU SOO DHAWEEYAY HELSINKI FINLAND

Wafdiga dowlada Soomaaliya oo ka koobnaa Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Sh C\raxmaan Max,uud Faarax (janaqoow), xildhibaan ugaas Axmed Bile iyo Xildhibaan Daahir Max,ud Geelle ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Helsinki Vantaa Airport oo ku sugayeey qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland uguna soo dhaweeyay wafdiga si heer qaran ah.

Wafdigaan oo soo dagay Xalay 20.7.09 ayaa waxa eey maanta la kulmeen masuuliyiin kala duwan dalkan finland, oo ey ka midyihiin Baarlamaanka dalka finland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay xildhibaan Pekka Haavisto oo ah shaqsiga u qaabilsan dalkan finland iyo EU-da arimaha soomaaliya ahna nin si wanaagsan u daneeya xaalada soomaaliya.


Wafdiga iyo Baarlamaanka dalka Finland

Wafdiga dowlada soomaaliya iyo baarlamaanka dalkanka finland ayaa kawada hadlay arimo badan oo dhinacyo badan taabanaya iyo xaalada dalka hada uu marayo, sidoo kale waxa eey ka wada hadleen sidii dowlada finland taageero u ugu fidin laheyd dowlada soomaaliya.



Wafdiga iyo Baarlamaanka dalka Finland

Sidoo kale isla maanta kulan kale ayaa dhexmaray wafdiga wasiirka iyo wasaarada arimaha dibedda ee dalkan Finland. Waxaana kulankaas lagu soo qaatay arimo badan oo dhinacyo badan taabanaayey oo eey ka mid ahaayeen arimaha amniga dalka soomaaliya, sidii dowlada finland eey taageero dhaqaalo ugu fidin laheyd dowlada soomaaliya, iyo ka qeybqaadashada tababaro loo fidiyo wasaarada cadaalada soomaaliya shaqaalaheeda dhinaca sharciyada ah. kulankaan ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo arimihii laga wada hadlay la isku af-gartay dhamaantood.



Wafdiga iyo Wasaarada arimaha dibada Finland

Gudigan oo si aad ah uga faa,iideysanayay waqtigooda yar ee ay joogaan dalkan finland ayaa isla maanta la kulmay waxgarad iyo cuqaasha soomaaliyeed ee dagan finland, iyaga oo uga warbixin xaalada uu dalku marayo iyo hadafka dowlada qaran ee soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid horudhac ah kana dhacay xarunta ururka dhalinyarada ee Kanava ayaa waxaa si diiran isku bartay wafdiga iyo bulsha weynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan. Waxaana ka soo qaybgalay dad kooban oo matalaayey jaaliyada qaybheeda kala duwan. Dadka Ka soo qaybgalay kulankaa ayaa aad ugu farxay kulankan horudhaca ahaa ee ay la yeesheen wafdiga uu hor kacayey W.Cadaalda ee MR: abdirahman Janaqow.



Wafdigaan soo dhaweyntiisa ayaa waxaa xil weyn iska saaray heyadaha kala duwan ee soomaaliyeed ee ka jiran dalkan finland oo eey ugu horeysa golahamidnimada Soomaaliyeed ee SOMALILIITTO.



Ururka iskutaga soomaaliyeed waxa uu ku wargalinayaa bulsha weynta soomaaliyeed sidan:
Waxaa lagu wargelinayaa dadweynaha soomaaliyeed ku dhaqan Helsinki, Espoo iyo Vantaa in ay ka soo qaybgalaan kulanka jaaliyada iyo wafdiga oo dhicidoona talaadada 21.7.2009 saacadu markay tahay 17.15.
Goobtuna waa Marina Congres Center, Fennia 1 2.dabaqa labaad.
Osoite Katajanokanlaituri 6, 00160 Helsinki.



Ka soo qaybgal wacan.
Wixii faahfaahin ah waxaad kala xariiri kartaa:

Guddoomiyaha golahamidnimada Soomaaliyeed ama Somaliliitto Said K. Aden 0443449175 ama Xildhibaan Abdulkadir Deicisow. Tel. 0443633321


Warbixinta wafdiga oo tafatirin gadaal ayaan ka soo sheegi doonaa.


Waxaa soo diyaariyay
talaado@hotmail.com
Wariye Mustafa Indhoos

Faafin : SomaliTalk.com | July 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version


::: VIDEO:::

Video: Halkan ka daawo