SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir lagu tilmaami karro shirweynihii ugu ballaarnaa oo ay Soomaali ku idishahay ayey jaaliyada Soomaali Galbeed ee K/Afrika ku qabatay magaalada Cape Town.

Ergooyin ka kala yimid gobolada dalka, marti sharaf ay ka mid yihiin madax ka socota Majlis Qadhaa ee dalkani, saxaafad iyo waliba waxgarad kale ayaa buuxdhaafiyey hoolka shirarka ee dhismaha hoyga jaamacada UWC ee Cape Town.

Wuxuu ahaa shir socday saacadihii ugu badnaa iyadoo aanan loo kala kicin muxaadarooyinka, khudbadaha, suugaanta gabayada iyo waliba filim ka sheekeynaya dhibaatada heysata shacabka Soomaali Galbeed oo ay soo duubeen warfidiyeeno madaxbanaan oo ajaaniib ah oo si saraaxad leh oga waramayay heerka dhibaatada dadka heysata.

Shirka waxaa lagu furey aayadaha Qur’aanka kariimka, waxaa ugu horeyn hadal qaatay Sheekh Axmed Sh. Maxamed (Sheekh Axmed Wali) oo kulanka ka akhriyey taariikhda halganka Soomaali Galbeed oo kooban illaa laga soo bilaabay halgankii Axmed Gurrey illaa kii Jeeshkii Nasrullaahi illaa kan maanta jirra.

Kadibna waxaa hadalka qaatay gudoomiye kuxigeenka hey’ada islaamka ugu saraysa dalkani (MJC ama Muslim Judicial Council) waxaa hadaladiisa ka mid ah “anaga islaamka dalkani ku nool waa 2% idinkuna waxaad tihiin 100% Soomaaliya, taasi waa nimco illaahay idinku mannaystey, waxaan soo marnay boqolaal sanno oo midabtakoor ah, waxaan ka qeyb qaadanay halgankii xoreynta dalka oo aan garab siiney dad aanan muslimiin ahayn taasina waxaan u yeelney danaheena, idinka waxaa la’idinkaga baahanyahay in aan la timaadaan qorshe kasta oo aad isku garabsan kartaan isagana dul qaadi kartaan gumeysiga” ayuu yiri Sheekha oo intaasi raaciyey in uu aad ula yaabay sida hoolka loossoo buuxiyey iyadoo isku aragti la yahay “balse taasi gaaladu garan maayaan”, ayuu yiri.

Marka aad hoolka gasho waxaa indhaha kaa cawiraya calanka xidigta shanta gees leh ee Soomaaliya, kan Soomaali galbeed iyo kan dalkani oo lagu xardhay goobta shirka, waxaan dareemeysaa shucuur ka duwan tii banaanka aad la joogtey, wuxuusa dareenkaaga sii kacayaa marka aad si dhug leh u daawatid cajalac muraara dilaac ah oo ka hadlaysa hooyo 3 caruur ah ay ka raaracaan oo leh “xalay maanan quudan” iyadoo illintu ka gobo’leeyneyso, waxaa kusii damqinaya marka uu cajalka kasoo muuqdo Cabdullaahi Lugbuur oo si jeesjees ah wariyaha ugu sheegaya in aysan dhibaato heysan dadka, wuxuu ku santeecsanyahay kursi jiicaya oo uu isku ligligayaa, ninkani wuxuu xiliga filimka la duubey ku magacoownaa madaxweynaha Soomaali Galbeed ee xabashidu gumeysato.

Marka uu shaashada kasoo muuqdo nin gabigiisba qalfoof ah oo aad aragtidiisa ka naxayso ayaad qalbiga ka hub aruursanaysaa adigoo markiiba damcaya in aad jihaadka horey u gasho

Waxaa sidoo kale khudbad lala qiiroodey jeediyey Sheekh Riyadh Walls oo ka mid ah culumada dalkani oo jinsiyadiisu tahay cadaan ama reer yurub, markaliya ayaa qosol jaanta la waray markii uu yiri “anigu waxaan heystaa baasaboorka Soomaaliga ah” kadibna waxa uu gacanta galiyey jeebka, balse wuxuu kasoo bixiyey gacantiisa oo farta u taagantahay kadibna ashahaatay, taasoo micnaheedu yahay in ashadaada darteed uu Soomaali ku yahay.

Waxaa hadalkii qaatay SheekhAxmed Cabdi Dhicisow oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn oo laakiin socdaal ku maraya dalkani, waxaa dadka damqay hadaladii runta ku salaysnaa ee uu yiri “waagii hore yuhuuda waxay ku doodi jirtey aragtida ah dad dhul weeysey, iyo dhul dad weeysey, oo ay ula jeedey dad dhul weeysey in ay yihiin yuhuuda, dhul dad weeysana uu yahay dhulka reer falastiin, hadda waxay u muuqataa in ay sidaasi nagu dhici doonto waxaan maqlay in nin aqoonyahan xabashi ah uu jaamacad dalkaasi ka sheegey in aysan xaq ahayn in dad 10 malyan ay heystaan xeebta afrika ugu dheer halka dad 70 malyan gaarayana aysan heysan wax bad ah” ayuu yiri

Marti sharaftii kale ee hadashay waxaa ka mid ahaa

Sh. Cabdullaahi Cabdi Ibraahim ---------(Imaamka Masjidka)
Sh. Cabdullaahi Ubax ---------(Odayaasha)
Injineer Xusseen Cumar --------------(gudoomiyaha Jaaliyada SASA ee gobolka Western Cape)
Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye ---------- Odayaasha
Cabdirishiid Caafi ----------------- Aqoonyahanada
Maxamed Raage ------------- Ardayda Soomaaliyeed
Cabdiqaadir Karkuus ------------- Waxgaradka
Cabdiwali Cabdiraxmaan ------------ Aqoonyahanada
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir ---------- Ururka Saxafiyiinta


Dhamaantood dadkani waxay si wada jir ah oga hadleen muhiimada ay leedahay midnimada iyo sii wadista halganka xoreynta Soomaalida dulman, mid kasta waxa uu ka sheekeeyey qibradiisa iyo waxyaalihii shaqsiyan uu ka yaqaano halganka soo jireenka ah.

Sh.Shaakir Sh. Cabdullaahi, gudoomiyaha sare ee jaaliyada Soomaali Galbeed ee Koonfur Afrika ayaa shirweynaha kusoo xiray khudbad mahadcelin ah oo uga mahadcelkinayo kazoo qeybgalayaasha, marti sharafta iyo dadkii ka hadlay.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo) Cape Town.
saxansoxo1@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 20, 2009 

jamacadJaamacadda Muqdisho oo 350 Macalimiin tababar u soo gabgabeysay, shahaadooyina siisay
Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay (22-kii September 1997) ayaa waxaa ka qalin jabiyay 9-dufcadood Akhri July 19

somMarkii ugu horeeysay oo lagahirgaliyay waxbarasho heer Jamacadeeda Gobalka Gal-gaduud.
Plasma University’ College of health science, ayaa noqday kulyadii caafimaad oo ugu horeeysay furo xarunta Gobalka Galgaduud ee Dhusamareb Akhri Jul 19


Wararkii ugu Dambeeyey iyo Faahfaahin ku saabsan la haystayaasha Saraakiisha Faransiiska - July 17

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version