Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 July 2009.
Dagaalo iyo weeraro ay ciidanka jwxo ku jabiyeen ciidamada cadowga Itoobi ya
Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad
rayid ah.
Xoghayaha jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenya oo socdaal dagdag ah ku tagay U.S.A
Kulan Sadex geesood ah oo ay jaaliyadaha Skandanavian-ku ku yeesheen
Gotenbourg-Sweden iyo G/kuxigeenka 2aad ee jwxo oo ka qayb galay.
Barnaamij balaadhan oo aan kasoo diyaarinay kulankaas sadex geesoodka ah.
======================
Dagaalo iyo weeraro ay ciidanka jwxo ku jabiyeen ciidamada cadowga Itoobiya
Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya ayaa sii xoojiyey weeraradii ay ku
qaadayeen xeryaha iyo saldhigyada ciidamada gumaysiga itoobiya ee doolka ku
jooga ogadenya.
sida uu noogu soo waramay wariyaha Radio Xoriyo ee jida hore 23-06-09 Darisyada
oo katirsan degmada Sagag ee gobolka Nogob dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka
sida ee jwxo iyo ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa ciidanka wayaanaha lagaga
dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.
Isla 23-06-09 Tuulada Xaraareey oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay
waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 1 kale.
Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar ku qaaday 24-06-09
ciidan gumaysiga oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Balbalaadh oo ka tirsan
gobolka Nogob waxayna halkaas kaga dileen 3 wayaane waxayna kaga dhaawaceen isla
goobtaas 5 kale.
28-06-09 Qarjajabo oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidanka
cadowga lagaga dilay 9 askari halka 5 kalana lagaga dhaawacay
Ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta ogadenya ayaa weerar ku qaaday 30-06-09
ciidan gumaysiga oo ku sugnaa tuulada Herar Yareey oo u dhow magaalada Baabili
ee gobolka Jigjiga waxayna halkaas kaga dileen 2 wayaane waxayna kaga dhaawaceen
isla goobtaas 3 kale.
Isla 30-06-09 labo dagaal oo ka kala dhacay deegaanka Tabowga oo u dhow Garbo
iyo deegaanka Horo Khaliif oo ka tirsan degmada Sagag ayaa ciidamada gumaysiga
itoobiya lagaga dilay 6 askari halka lagaga dhaawacay 11 kale.
01-07-09 Safaari oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidanka
cadowga lagaga dilay 4 askari halka 4 kalana lagaga dhaawacay
Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa laba habeen oo isku xiga kuna
beegnayd 8/9-07-09 weeraro wir ah ku qaaday ciidan gumaysiga oo ku sugnaa
tuulada San-Madheedhle oo ka tirsan Galaalshe labadas weerar ayay ciidamada
wayaanaha ugu gaysteen khasaarooyin badan oo aanaan weli helin faahfaahintooda.
Laab oo ka tirsan gobolka Shabeele dagaal ka socday maalin dhan ayaa ciidamada
cadowga itoobiya lagaga gubay hal Uuraal iyo ciidankii saaraa oo
dhan,faafaahinta dhabta ah ee khasaraha loo gaystay ciidamada gumaysiga oo
aanaan weli helin ayay warar hordhaca ahi sheegayaa in khasaare balaadhan uu soo
gaadhay ciidanka gumaysiga.
13-07-09 Koora oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Jarar dagaal ka dhacay
waxaa ciidanka cadowga lagaga dilay 7 askari halka 12 kalana lagaga dhaawacay
Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad
rayid ah.
25/06/09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa ku xidh xidhay Degmada Qabri Bayax ee
Gobolka JIgjiga 30 qof oo shacab ah oo aanaan weli magacyadooda helin 30 kaas
qof ayaa lagu soow aramayaa inuu xidhxidhay gudoomiyihii dabaqoodhiga ee aagaas.
25-06-09 Deegaanka Hora Khaliifo ayay ciidamada dhaca loo keenay ogadenya 40
neef oo adhi ah kaga dhaceen Macalin Yuusuf kadib markuu halkaas ka dhacay
dagaal kulul oo ciidamada cadowga lagu jabiyey.
01-07-09 Tuulada Diana oo ka tirsan gobolka Shabeele waxay kufsi,dhac iyo xidhay
u gaysteen dad shacab ah oo aad ubadan kadib markii lagu jabiyey dagaalkii ka
dhacay Hilo Guduudo oo cadowga lagaga dilay 18 sargaal,dadkaas waxyeelada loo
gaystay ayaa waxaa kamid ah:
1. Weli Axmed Daahir
2. Xadiis Qorane
3. Cabdulahi Gacma Yare
4. Maxamed Cabdulahi Gacma Yare
5. Cabdi Cabdullahi Gacma Yare
6. Maxamed Xasan Cabdi
7. Ibrahim San Koor
8. Beddel Hudle (Guddomiyihii Tuulada)
9. Maxamed Guulaawe Cali
10. Cabdi Yare Sh Muuse
11. Ceebla Axmed Cabdulahi
12. Ruqiya Cabdulahi Gacma Yare
13. Axmed Qadaafe oo 40 adhi Jar ah laga dhacay kadibna xabsiga loo taxaabay.
11-07-09 Tuulada Dalaad oo ka tirsan gobolka Qorraxay waxay ciidamada gumaysigu
ku xidheen:
1. Xaashi Siyaad
2. Xuseen Mursal (Jalwo)
Labadaas nin ee shacabka ah ayaa markii dambe loo qaaday Q/Dhare ilaa iyo hadana
lama oga wuxuu xaalkoodu ku sugan yahay.
Xoghayaha jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenya oo socdaal dagdag ah ku tagay U.S.A
Xoghayaha arimaha dibada ee jwxo mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi ayaa socdaal
shaqo oo aan horay loo shaacinin ku tagay magaalada Washigton ee caasimada
wadanka Maraykanka halkaas oo ay baryahan dambe kusii qulqulayeen madaxda
ururada mucaaradka ku ah taliska Addis Ababa sida gudoomiyaha ururka OLF Daud
Ibssa,gudoomiyaha ururka Ginbot 7 Berhanu Naga oo hogaaminaya mucaaradka
Axmaarada iyo madaxda jabhadaha Sidaamo iyo Gambella
Socdaalka ay madaxda Mucaaradku ay kujogaan Washington DC, ayaana ilaa hada si
toosa ah loo shaacin ujeedadooda rasmiga ah balse warar hoose ayaa sheegaya in
ay kujiraan wadahadalo gaar- gaar ah oo ay la leeyihiin Xukuumada Cusub ee
Madaxwayne Obama iyo Congresskaba kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la shaacin wixii
kasoo baxay.
Madaxda ururada mucaaradka ee ku sugan Washington DC ayay wadahadalo u socdaan
ay kaga arinsanayaan qaabkii loo waji lahaa burburka kusoo fool leh itoobiya iyo
sidii nabad loogu wada noolaan lahaa geeska Africa,wadahaladaas ayaa ONLF kaalin
laxaad leh ka cayaaraysaa iyadoo xiligan xaadirka ay jabhada ONLF tahay mida ugu
xoog wayn xagga Millitariga Islamarkaasna Siyaasada dibada ee ONLF ay ku
talaabsatay horumar aad u weyn
Kulan Sadex geesood ah oo ka dhacay magaalada Gotenbourg-Sweden
Maalintii Sabtida ahayd 18-07-09 ayaa waxaa kulan sadex gooseed ah ku yeeshay
caaismada labaad ee dalka Swden Magaalada Gotenbourg jaaliyadaha wadamada la
isku yidhaahdo Skandanavian-ka oo kala ah: Norway, Sweden iyo Denmark
kulankaasoo uu kasoo qayb galay G/Kuxigeenka 2aad ee jwxo mudane C/qaadir
Cadaani oo warbixin dheer siiyay xubnihii ka soo qaybgalay shirka.
Waxaa shirka isugu yimid dad fara badan oo aad u danaynayay arimaha dalka iyo
halganka, waxayna ka bogteen warbixintii uu siiyay G/kuxigeenka 2aad iyo qaar
kamid ah masuuliyiinta jaliyadahaas oo ka hadlay qaabka wada shaqaynta
jaaliyadaha. Waxaa sidoo kale warbixino ka soo jeediyay shirka hooyooyinka
halganka oo ka hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa taageerada loo hayo
halganka, arintaasoo u ahayd kulanka gun dhig.
Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay masuulinyiinta wakiiladii ka socday
jaaliyadaha iyo gudoomiyaha jaaliyada sweden faraca Gotenbourg oo marti loo ahaa
mudane Jamaal.
Waxa kaloo goobta shirku ka dhacayay si kadis oo lama filaan ah ku yimid masuul
ka tirsan madaxda ururka mucaraadka ah ee wadanka Congo(Ex-Zaire) oo codsaday
inuu shirka ka qayb galo oo iska dhex fadhiyay inkastoo aanu fahmaynin afka
lagaga hadlayay shirka. Wuxuuna masuulkaasi markii dambe kulanka ka soo jediyey
hadal kooban oo ka tarjumayay siday u taageersan yihiin qadiyada Ogadenya iyo
inay Itoobiya ka hoos baxaan shacabka Ogadenya oo dowlad badax banana noqdaan.
Masuulkan ayaa u sharaxan siduu noo sheegay madaxweyna-nimada wadanka Congo
doorashada soo socota, wuxuuna ku amaanay jaaliyada Ogadeenya abaabulka iyo
sidaay uga war hayaan dhulkoodii hooyo, isagoo balan qaaday haduu ku guulaysto
doorashada soo socota inuu garab istaagayo shacabka Ogadenya ilaa ay xoriyadooda
ka hantaan.
shirku wuxu socday maalintaa sabtida ahayd oo dhan ilaa fiidkii 10.00 fiidnimo,
iyadoo ay go’aano dhaxagal ah isla meel dhigteen jaaliyadihii ka soo qaybgalay
shirka.
Radio Xoriyo
20 July 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo
internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM –
20:30 waqtiga
Faafin : SomaliTalk.com | July 21, 2009 |