SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xisbul Islaam “Mid ka mid ah gacanta ayaan ku heynaa labada nin ee Faransiiska, mana jiraan wax khilaaf ah oo naga dhexeeya Al-Shabaab”

Iyadoo dhawaan Wakaaladaha Wararka ay faafiyeen in labadii nin ee Faransiiska u dhashay ay gacanta u galeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa haddana warar aanu helnay Xisbul Islaam waxay sheegayaan in mid ka mid ah labadaasi nin ay gacanta ku hayaan Raggii horey u soo afduubtay labadaasi nin oo ka tirsanaa nabadsugida wadanka Farasiiska  waxaana dusha ka ilaalinaya ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam.

Ninka kale ee Faransiiska ah ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin, hase yeeshee saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam ayaa inoo sheegay in ninka ay gacanta ku hayaan Shabaabka dib loogu soo celin doono gacanta Xisbul Islaam sida ay sheegeen, waxay kaloo sheegeen in la wado waan waan lagu sii deynayo raggaasi, waxayna meesha ka saareen in aysan jirin wararka sheegaya in Al-Shabaab Al-mujaahidiin ay xoog ku wadatay mid ka mid ah ragga Faransiiska ah.

Xisbul Islaam ayaa sidoo kale inoo sheegay in ragga afduubtay labadaasi nin ay doonayaan in la siiyo lacag madax-furasho ah oo aan la sheegin cadaddeeda, waxayna Xisbul Islaam sheegeen in uusan wax khilaaf ah u dhexeynin iyaga iyo Al-Shabaab oo ku saabsan labadaasi nin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Xisbul Islaam ayaa la sheegay in uu dadaal ugu jiro sidii lagu sii deyn lahaa raggaasi kadib markii ay la soo xiriireen mas’uuliliyiin ka tirsan Dowladaha Faransiiska iyo Ereteriya.

Goobta lagu hayo raggaasi ayaa waxaa ku sugan ciidamo aad u xoogan, waxaana la diiday in saxaafaddu ay wax ka ogaato xaaladdooda caafimaad, kadib markii ay Warbaahintu codsaday in la soo tuso raggaasi, balse ay suurtageli-waysay.

Shirkii Golaha Wasiiradda ee Dowladda Federaalka ayaa hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar, waxa uuna iska fogeeyey in uu wax lug ah ku lahaa afduubka lagula kacay labadaasi sarkaal, waxaana si weyn u soo dhaweeyey xubnihii golaha Wasiiradda ee ka qaybgalay kullankaasi.

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 20, 2009 

jamacadJaamacadda Muqdisho oo 350 Macalimiin tababar u soo gabgabeysay, shahaadooyina siisay
Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay (22-kii September 1997) ayaa waxaa ka qalin jabiyay 9-dufcadood Akhri July 19

somMarkii ugu horeeysay oo lagahirgaliyay waxbarasho heer Jamacadeeda Gobalka Gal-gaduud.
Plasma University’ College of health science, ayaa noqday kulyadii caafimaad oo ugu horeeysay furo xarunta Gobalka Galgaduud ee Dhusamareb Akhri Jul 19


Wararkii ugu Dambeeyey iyo Faahfaahin ku saabsan la haystayaasha Saraakiisha Faransiiska - July 17

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version