SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaamacadda Muqdisho oo 350 Macalimiin tababar u soo gabgabeysay, shahaadooyina siisay

Macalimiin tiradoodu gaarayso 350 oo ka kala socday gobollada dalka gaar ahaan kuwa koonfureed ayay jaamacadda Muqdisho u soo gabagabeysay tababar u socday muddo hal todobaad ah, iyagoo la guddoonsiiyay shahaadooyinka.



Sawirada Halkan ka daawo

Xaflad lagu qabtay Khamiistii (16-kii July 2009) Hotel Shamoow ee magaalada Muqdisho ayaa lagu gudoonsiiyay macallimiintan oo wax ka dhiga dugsiyada hoose iyo dhexe ee aasaasiga ah isuguna jiray rag iyo dumar shahaadooyin muujinaya tababarkii ay qaateen oo ahaa habka waxbaridda ubadka iyo sidii loola dhaqmi lahaa.

Mas'uliyiinta Jaamacadda Muqdisho iyo xubno kale oo ka socday dalladaha waxbraashada ee dalka ayaa waxay halkaas ka jeediyeen hadallo kala duwan oo ay ku cabirayaan waxbarashada iyo qiimaha ay u leedahay bani'aadamka.

"Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horreysay oo ay tababar u qabato macalimiin Soomaaliyeed oo wax ka dhiga dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Somalia" ayuu yiri Aadan Axmed Xuseen oo ah madaxii tababarkan, isla markaana ah agaasimaha xafiiska guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho.

Aadan, wuxuu intaas ku daray, in dhawaan ay gobollo dalka ka mid ah ku qaban doonto Jaamacaddu tababar noocan oo kale ah, si loo kor loogu qaado aqoonta waxbarida ee Macallimiinta Soomaaliyeed.

"Intii tababarkan uu socday, waxay macallimiintu qaateen casharo u dhigma inta uu qaato arday muddo saddex ah dhiganayay jaamacadda Muqdisho kulliyadeeda waxbarashada" ayuu yiri hormuudka kulliyada Waxbarashada Jaamacadda Muqdisho Dr. C/llaahi Sheekh Abuubakar oo xafladda hadal kooban ka jeediyay.

Xubnihii kale ee xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha Daladda Waxbarashada FPENS Bashiir M. Yuusuf (Badal), Diiwaan-hayaha Guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) iyo xubno kale, waxayna dhammaantood ku nuuxnuuxsadeen ahmiyadda waxbarashada.

Qaar ka mid ah macallimiintii guddoomay tababarka dhameystay oo iyaguna hadlay ayaa waxay sheegeen inay aad uga faa'iideysteen tababarkii muddada sitimaanka ah u socday, ayna wax badan ka barteen.

"Waqtiga, duruusta iyo macallimiintu waxay ahaayeen kuwo isku dheellitiran, runtiina waxaan kaga mahadcelinaynaa Jaamacadda Muqdisho oo tababarkan soo agaasintay" ayuu yiri mid ka mid ah macallimiintii tababrka dhameystay.

Tababarkan oo sannadkiiba mar ay Jaamacadda Muqdisho u qabato macalimiinta wax ka dhiga gobollada dalka ayaa waxay iska kaashadeen fulintiisa Bankiga horumarinta Islaamka.

Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay (22-kii September 1997) ayaa waxaa ka qalin jabiyay 9-dufcadood oo bartay qaybaha kala duwan ee cilmiga, waxayna qaarkood ka yihiin macalimiin, iyadoo jaamacadda ay kaalinta 40-aad ka gashay Jaamacadaha Afrika, waxayna ka mid tahay lix urur oo kale.

C/naasir Yuusuf Macallin

E-mail: cnaasir114@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version