Baaq Nabadeed Ka Yimid Odayaasha Reer Gabiley ee USA
Baaq Nabeed oo Ku Wajahan Colaada Ka Oogan Degaamada Awdal Iyo Gebiley
Anaga oo ku hadlayna magaca odayaasha, aqoonyahanada, culimo-awdiinka iyo wax
garadka kasoo jeeda gobolka Gabiley ee dalka S/land, kuna dhaqan dalka
Maraykanka waxa aanu ku baaqaynaa joojinta colaadaha ka aloosan xuduudaha u
dhexeeya labada gobol ee Awdal iyo Gabilay.
Waxa aanu ku boorinaynaa dhamaanba dadweynaha nabadda jecel in ay si hagrasho
la’aan ah uga shaqeeyaan deminta iyo joojinta colaadaha macno la’aanta ah ee
laga hurinayo dadka walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo xidhiidhka dhaqan iyo
dhiig-ba
Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaanba qurbo-jooga kasoo kala jeeda labada gobol ee
Gabiley iyo Awdal in ay ka geystaan taageero hiil iyo hooba leh siddii loo demin
lahaa colaadahan sida macno darada ah loogu daadinaya dhiigga dadka walaalaha
ah.
Ugu danbayn waxa aanu si adag u dhaleecaynaynaa dhamaanba shaqsiyaadka iyo
kooxaha danaha gaarka ah ka leh ee sida axmaq-nimada ah u hurinaya dabkan. Waxa
aanu ku hambalyaynaynaa, kuna bogaadinaynaa odayaasha, aqoonyahanada,
siyaasiyiinta iyo culimo-awdiinka kasoo kala jeeda labad gobol ee sida hagrasho
la’aanta ah ugu hawl-galay deminta dabka sida qaladka ah loo huriyay.
Waxa soo diray baaqan nabadeed anaga oo kala ah:
1. Yusuf Budle (Gudoomiyaha Udub-USA)
2. Dr. Hussien Ali Hanfi, MD
3. Sh. Sacad Muuse Rooble (Qudbi-samaan)
4. Cabdi Saleebaan (Gud. Ku xigeenka S/land Community of MN)
5. Macalin Abiib Xadi Jamac
6. Sh. Axmed Xaamud
7. Col. Yasin Maxamed Cabdalla
8. Ismaaciil Xuseen Qalinle
9. Cabdijaliil Cumar Muuse
10. Abdirisaq Sh. Abubakar
11. Inspector Mah Sheel Isaac
12. Ing. Abdirahman Sh. Ismail Sh. Hassan
13. Dr. Maxamuud Maxamed Nur (Dr. Abayo), MD
14. Mohamed Shirimiri Me’ad
15. Abdirahman Haji Abshir
16. Ibrahim Mohamed Mead
17. Axmed Xasan Dhidar
18. Bashir H.Cabdi Caamir
Allaa mahadleh
Somaliland Ha Noolaato.
YOSSEPH BUDLE <budle2000@gmail.com>
Faafin : SomaliTalk.com | July 16, 2009 |