Maamulka iyo maareynta wanaagsan
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Hordhac: Qormadaan waxaa ay ka koobnaan doontaa laba qaybood. Qaybta
kowaad oo aan halkaan kusoo bandhigi doono waxaa aan kaga faaloon doonaa
maamulka iyo maareynta wanaagsan. Waxaan si gaar ah u eegi doonaa qaabka
si wanaagsan loogu hogaamin karo; shirkad yar, mid weyn ama hayąd dowli
ah. Waxaan soo qaadan doonaa taariikh gaaban oo ku saabsan heerarkii
kala duwanaa ee uu soo maray nidaamka maamulka iyo maareynta. Taasoo aan
garab dhigi doono taariikhda islaamka iyo waxa ay ka qortay maamulka iyo
maareynta fiican. Dadka soomaalida ah oo lagu tiriyo dad aad ugu
fir-fircoon dhinaca ganacsiga ayaa waxaa lagama maarmaan ah iney wax
badan ka ogaadaan qaabka ama nidaamka wanaagsan ee loo maamuli karo
shirkad ama hayąd dowli ah. Shirkadu waxaa ay noqon kartaa mid yar oo ay
ka shaqeeyaan laba qof ama mid aad u weyn oo ay ka shaqeeyaan dad badan
Taaiikhda maamulka iyo maareynta oo kooban
Haddii aynu dib u raacno qaabkii ay wadamada reer galbeedku
shirkadaha u maareyn jireen, waxaa inoo soo baxaysa taariikh ay ku
dheehan tahay keligii talis iyo qof jeclaysi. Muddo haatan laga joogo
boqol ilaa laba boqol oo sano, waxaa shirkad walba u talin jirey qofka
ama dhowrka qof ee iska leh. Shirkada iyo shaqaalaheedaba waxaa loo
maamuli jirey sidii badeecad qofku iska leeyahay. Shaqaalaha shirkada
ama wersheduna waxaa ay ku khasbanaayeen iney si hargar laąan an u
fuliyaan amarka madaxda.Qofka shaqaalaha ah oo dhiibta fikirkiisa ama
dhaleeceeya madaxa shirkada, waxaa markiiba laga cayrin jirey shaqada.
Madaxda shirkaduhu waxaa ay dhiibi jireen awaamiir aad u qalafsan oo aan
mararka qaarkood la fulin karin. Shaki badan ayey ka qabeen in
shaqaaluhu hayshooda gudan karaan haddii aan lagu hayn ilaalin joogto
ah. Taas waxaa caddeyn u ah qaab-maamulkii uu dejiyey ninkii mareykanka
ahaa ee la oran jirey: fredrick Winslow Taylor. Ninkaas waxaa uu aad uga
hadli jirey wax badana ka qoray qaabka shirkadaha iyo wershedaha loo
maamulo. Taylor waxaa uu aaminsanaa in haddii aan shaqaalaha la ilaalin,
lana siin amaro qeexan aaney si habsami ah u gudaneynin hawshii loo
diray. Taylor waxaa uu qabey in Baniąadamku kolka uu shaqo gudanaayo la
yimaado calaamadahaan.
Qish dabiici ah: Taas oo macnaheedu yahay qofka shaqeynaaya oo aan is
dhibin, balse hadba taako qaada oo shaqada qabta hadba inta uu ka gaaro.
Qofka shaqaalaha ahi isma saaro wax dhib ah oo culus.
Qish qorsheysan: Shaqaalaha ama qof kasta oo bani ąadam ahi waa
xisaabtamaa. Mana jiro qof isa saaraaya masuuliyad iyo shaqo dheeraad
ah. Qofku waxaa uu marwalba eegayaa waxii isaga naftiisa dani ugu jirto.
Taylor isagoo cuskanaaya labada qodob ee aan soo sheegnay ayuu waxaa
uu soo saaray aalad-maamul oo lagaga hortago dhibaatada ay keeni karaan
qodobadaas. Taylor waxaa uu leeyahay haddii aan dadka shaqeynaaya la
ilaalin lana howl gelin ma aha kuwo kasoo baxaaya howshooda. Waxaa uu
dejiyey qaab-maamul oo salka ku haya ilaalin iyo amar. Waxaa ka mid ahaa
in lala socdo qofku kolka uu shaqada soo galo iyo kolka uu ka baxo.
Waxaa taylor shirkada u kala qaybiyey unugyo iyo waaxyo si ay u
sahlanaado maamulku. Waax walbana waxaa uu u sameeyey qof horjooge ah.
Halkaas waxaa kaaga cad in maamulka shirkada iyo hayądaha uu soo maray
heerar kala duwan.Ugu dameyna uu soo gaaray halka uu maanta maraayo.
Iyadoo ay maanta wadamada horay u maray ay qoreen buugaagta maamulka iyo
maareynta intooda badan, ayna ku faanaan iney meel fiican ka gaareen
maamulka wanaagsan. Walow muddo boqol sano ka hor ah ay u dhaqmi jireen
sida aan kor ku soo xusnay.
Islaamka iyo maamul wanaaga
Kolka aad dib u eegto taariikhda islaamka,kitaabka quraanka iyo
sunnadii rasuulkeena ( csw) waxaa kuu muuqanaya in maamul wanaagu ka mid
yahay waxyaalaha la faray qofka dad madax u noqonaaya. Madaxnimadu waxaa
ay noqon kartaa mid wadan, gobol, degmo, xaafad, waax, ama shirkad.
Muddo ka badan kun iyo afar boqol oo sano ayaa islaamku ka hadlay maamul
wanaaga iyo hogaaminta suuban. Waxyaalaha maanta ay hogaamiyayaasha
shirkadaha reer galbeedku cuskadaan, Sida: Hogaamin toosan ( good
leadership), wada tashi (Consultation and Joint Planning) iyo wada
shaqeynta ( teamwork), waxaa uu islaamku ka hadlay muddo ka badan 1400
oo sano. Tusaale ahaan ilaahay subxaanu watacaalaa waxaa uu quraanka
kariimka ku yiri: Waxaa laydin farayaa inaad kolka aad wax qabaneysaan
wada tashataan ( shuurah). Waxaa kaloo uu islaamku meelo badan kaga
hadlay muhimada ay leedahay in dadku iskaashado ( teamwork). Ummada
islaamka oo dhana waxaa lagu sheegay iney yihiin hal jir oo isku mid ah.
Rasuulka (csw) waxaa uu ahaa mid aad u dhegeysta oo qiimeeya qof walba,
ha yaraado ama ha weynaado.
Haddaba maanta waxaa nasiib daro ah in maamulkii fiicnaa ee aan reer
galbeedka kaga horeyney aan inagu ka tagnay oo qaadanay kii keligii
taliska ku saleysnaa ee ay iyagu ka tageen. Taasoo keentay in maamul
kasta oo fiican la yiraa waxaa iska leh oo keenay reer galbeedka, walow
ay xaqiiqdu tahay in maamul wanaaga uu asalkiisii ka soo jeedo diinta
islaamka.
MAHADSANIDIN
La soco qaybta labaad oo ku saabsan: shuruudaha iyo astaamaha laga
doonayo hogaamiyaha wanaagsan..
Qore: Cabdirisaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna,Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com