SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Warar

Cuduro iyo Abaaro Ba’an oo laga soo sheegayo degaanada Warsheekh, Cadale iyo Ceel Macaan.

Waxaa Cuduro iyo abaaro xoogan laga soo sheegayaa degaano aad u fara badan oo ka tirsan nawaaxiga Degmada Warsheekh, Cadale,Balcad iyo Ceelmacaan halkaasi oo ay ku barakaceen dad aad u fara badan oo ka qaxay dagaalada aan dhamaadka lahayn oo ilaa iminka ka aloosan magaalada Muqdisho.

Tuulooyin dhowr ah oo ka tirarsan degaanada Balcad,Ceelmacaan,Cadalle iyo Warsheekh ayaa laga soo sheegayaa in halkasi ay ka dilaaceen cuduro faro kulul ku haaya sida cudurka shuban biyoodka iyo malaariyada.

Degaanadani ayaa waxaa soo foodsaartay Cunno yaraan taasi oo laga yaabo in dad badani ay u nuglaadaan in ay u dhintaan Cudurada ka dhasha nafaqa la'aanta.sidoo kale waxay dadka degaanka ka cabanayaan maciishada oo aad qaali u ah.

Abaarahani ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba ayadoona aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax gurmad iyo samafal ah u samaysay dadkaasi ayadoo hey’adaha gargaarka ay xilligani ku sugan yihiin degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.

ugu danbayntii dadka degaanka ayaa ka codsaday hay’adaha Samafalka inay kaalmo la soo gaaraan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada waxayna sheegeen hadii aan kaalmo lala soo gaarin dadkaa in xaaladu qatar isku badali doonto.

Maxamed Deeq Muuse (deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotamil.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version