ABSHIR BACADLOW MAAD AMMAANTAADII ERAYO KALA HARTID !!
Mahad dhammaanteed ALLAAH ayey u sugnaatay, Nabadgalyo iyo Naxariisna NABIGEENNA MUXAMMED SCW dushiisa ALLAHA yeelo, intaas ka dib:Shacabka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho muddo labaatan sano ku dhawaad ah ayay ku noolaayeen dhibaatooyin fara badan oo dagaallada iyo qaxu ugu horreeyaan. Haddaan wax ka xuso dhibaatooyinka bulshada Muqdisho u gaarka noqday oo isugu jiray dilka ,dhaca, qafaalashada, kufsiga iyo barakicinta waxaa fulinayay ciidammo lagu sheegay iney yihiin ciidanka dowladda, waliba ayagoo labbisan direyskii ciidammada ayey barqo cad rarteen Suuqii Bakaaraha sida uu qirtay R/wasaarihii waagaas. Waxaa kaloo taas ka sii yaab badneyd in ciidammada falkaas ku kacayay aysan is aqoon magacyo kala duwanna waa loogu yeeri jiray sida Ciidammada Booliiska (Mooryaanta C/qeybdiid), Ciidammada Millatariga (Mooryaanta ama Maryacalasta C/llaahi Yuusuf) Ciidammada Gobolka Banaadir (Mooryaanta Maxamed Dheere), Ciidammada Nabadsugidda (Mooryaanta ama Jirrida Darwiish) intaas oo dhan waxaa sii dheeraa wax loogu yeeri jiray Ciidammada Nabad-ilaaliyaash ee Xabashida iyo Afrikaanka oo xasuuq ba'an ka geystay Muqdisho.
Waxaana ALLAAH mahaddii ah ayadoo intaas oo Dubbe lagu garaacayo bulshada Muqdisho iney haddana is dhiibi waayeen una hoggaansami waayeen cadaadiskaas faraha badan ee la saaray, waxaana arrintaas is dhiibid la'aanta ah horseed ka ahaa wiilasha naftood hurayaasha ee Shabaabka (Xoogga Dalka).
Dadka ay tahay iney bulshada indho u noqdaan isla markaana odorosi kara dhibaatooyinka soo fool leh, dadkana uga digi kara waxaa ka mida Culumada iyo Abwaannada Hal-abuurka ah, balse nasiib darro ma dhicin oo ayagiibaa dhax dabaashay oo qeyb ka noqday dhibaatooyinkii lala tiicayay waana tan Soomaalidu tiraahdo ""Meeshii Cir laga filayay ayaa Ceeryaamo ka timid""
Bal waa yaabe aaway indheergaratadii la rabay iney bulshada uga digaan dhibaatooyinka ku soo fool leh? Bal iska daa iney dhibka ka digaane waxay qeyb ka qaateen sidii la isaga horkeeni lahaa shacabka iyo dagaalyahannada xaq u dirirka ah, waxaana tusaale cad u ah erayadii ad adkaa ee uu isticmaalay Abshir Bacadle ka dib dilkii ALLAHA u naxariistee Saciid Tahliil Axmed ayadoo aan wax baaris la sameyn ayuu af labadii yeeray asagoo ka hadlaya Idaacadaha Maxalliga ee Muqdisho. Waxaa Abshir Bacadle intaas u sii dheeraa wuxuu ku fogaaday ammaanta Sh.Shariif asagoo damcay hadduu awoodo inuu dadka u faruur xiro kuna qasbo taageerada Sh.Shariif.
Waxaa in la is weydiiyo mudan aaway Shareecadii uu Abshir Bacadle la qiireysnaa ee uu ku lafagaaray dagaalyahannada Xaq u dirirka ah? Wali Kooxda Jabuuti ma ku dhaqaaqeen wax la oran karo waxay muujinayaan ku dhaqan Shareeco Islaam? Jawaabta cid kasta oo waxgarad ah waa garaneysaa, bal iska daa iney Shareeco hirgaliyaane xataa iskuma ekeysiin kuwo hirgalidoona mustaqbalka, sababtuna waxay tahay dadka ay wax ku darsadeen ayaaba ah kuwo awalba qandaraas ku haystay la dagaallanka Islaamka iyo Muslimmiinta. Abshir Bacadle wax hadal ah kama soo saarin erayadii dhiillada iyo dagaal hurinta ahaa ee Cumar Xaashi, u yeerashadii Xabashida ee Aadan Madoobe iyo u qeyla dhaamintii Beesha Caalamka ee Sh.Sharriif balse bilcaksi wuxuu u tafaxeytay inuu Shabaabka ka faafiyo dacaayado rakhiis ah oo la mida kuwa ay faafiyaan kuwa cadaawaddu ku fogaatay ee suufiyada la baxday magaca Ahlusunna.
Abshir Bacadle markuu xerada Gaadiidka Booliiska ka shirbayay ee uu qiireysnaa, waxaa maankiisa aan ku soo dhicin nimanka uu shiribka ku marxabbeysiinayo iney yihiin kuwii shalay Xabashida dalka u xalaaleeyay oo qaar kale lagu barxay ayadoo aan la marsiin wixii ay mudnaayeen in la marsiiyo. Waliba wuxuu ammaan laga badbadiyay dusha uga tuuray horjoogaha Kooxda Jabuuti Sh.Shariif asagoo xataa ka sheegay meelo aan ku munaasib ahayn in laga sheego sida bannaanbixii lagu diiddanaa xarigga lagu soo rogay madaxweynaha dalka Suudaan Md.Cumar Xasan Al-bashiir, diinteennuna waa ka mamnuuc in madaxda la huwiyo ammaan xad-dhaaf ah oo laga badbadiyay, waxaana la is faray in madaxa carro looga shubo kuwa sidaa madaxda u ammaana.
Iska daa inuu bogaadiyee Abshir Bacadle marna kama hadlin xasilloonida ka jirta deegaannada ay maamulaan xaq u dirirku, asagoo waliba og dhowrka kiiloo mitir ee ay kooxda jabuuti joogaan in dadweynuhu aysan ku nabadgalin balse waxaa halhays u noqotay dadweynaha markay soo galayaan goobaha ay joogaan mooryaanta labbisan ""Bismillaahi Bismillaahi bal faataxada isugu kaaya dara"" Waxaas oo xaqiiqo ah ayuu Abshir Bacadle inta iska indhatiray ammaan la dabagalay dad aan mudneyn in la ammaano. Xataa wuxuu isweydiin waayay maxaa lagula dagaallamayay C/llaahi Yuusuf iyo Xabashidii uu watay? Maxaase maamulkiisii iska baddalay oo aan ka ahayn asagoo meesha ka maqan?
Waxaan ku soo koobayaa qoraalkeyga ha ogaadaan Abshir Bacadle iyo inta la midka ah ee ammaanta iyo carrabdhawga la daba taagan kooxdan ka sii sharbadatay rajiimkii ka horreeyay in aysan waxba u dhimi doonin niyadda adag ee xaq u dirirka. Waxaan abwaankana si gaara ugu jeedinayaa oo leeyahay waad kuftaye ka hilhilo, cid ammaan lagu bari taaro meesha ma joogtee anigoo kugu haysta ammaantii hore ee aad ku dagdagtay oo ku leh ""Abshir Bacadlow maad ammaantaadii erayo kala hartid""
M. Gacal
dulmidiid9@hotmail.com
W/Q: M.Gacal
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009 |