SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo 13 July 2009.

 
Dagaladii oo sii xoogaystay iyo ciidamada Xoreynta Ogadenya oo balaadhiyey howlagadoda. 

Kamaandoosta ciidanka jwxo oo hawgal qorshaysan ka fuliyey gudaha magaalada Shibaalo. 

Firxadkii ciidanka gumaysiga iyo Dabaqoodhiga oo iyagoo wareersan dharna qabi soo gaadhay maagaalooyinka ogadenya qaarkood. 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad rayid ah. 

Ururka dhalinyarada Ogadenya faraca wadanka Finland oo maamul cusub yeeshay. 

Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Maxaa Saldhig u ah guulaha ONLF) 

Gabay Cusub oo uu Abwaan Axmed Sheekh Cali (Heelaale) ka tiriyey dagaaladan cusub.

====================== 

Dagaladii oo sii xoogaystay iyo ciidamada Xoreynta Ogadenya oo balaadhiyey howlagadoda. 

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya ayaa iyagoo ka jawaabaya joogitaanka ciidanka gumaysiga ee sida doolka ah ku jooga ciida ogadenya iyo gabood falada cadowga Itoobiya u gaysanayo shacabka ayay weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadeen fadhiisimada ciidanka Woyaanaha, halkaas oo dhaawac aan ka soo kabasho lahayn naf iyo qalaba loogu gaystay. 

02-07-09 Tuulada Laas-Galool oo katirsan degmada Garasleey ee gobolka Nogob dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka sida ee jwxo iyo ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 18 askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale oo qaar kamid ah dhaawacoodu uu aad u liito. 

03-07-09 Degmada Iimayda Bari oo ka tirsan gobolka Shabeelle dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 6 askari waxaana loo gaystay dhaawac fara badan oo aan tiro rasmi ah weli laga helin 

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar mir ah ku qaaday 05-07-09 xerada ciidanka gumayisga ee magaalada Abaaqoroow ee gobolka Shabeelle waxaana halkaas loogu gaystay khasaar badan oo dhimasho ah iyo 2 askari oo laga dhaawacay. 

05-07-09 Deegaanka Malko Dhabar oo ka tirsan Gudhis dagaal kulul oo ka dhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 7 askari waxaana lagaga dhaawacay 11 kale. 

Isla 05-07-09 Duduma Cad oo katirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidamada saamalaluudka ah lagaga dilay 3 askari 2 kalena waa laga dhaawacay . 

07-07-09 Galagaabow oo ka tirsan gobolka Nogob weerar gaadmo ah oo ciidanka wadaniga xoreynta ogadenya ku qaadeen ciidan gumaysi oo halkaas ku sugnaa ayay kaga dileen 3 askari waxayna kaga dhaawaceen 4 kale 

N/hurayaal si gaar ah u tababaran kana mid ah kamaandoosta jwxo ayaa 06-07-09 howlgal milatari ka fuliyey gudaha magaalada Shilaabo,howgalkaas oo ay N/hurayaashaas fuliyeen ayay kaga jawaabayeen codsi marar badan uga yimid shacabka magaalada Shilaabo gudaheeda iyo nawaaxigeeda codsigaas oo ahaa in ciidanka xoreynta ogadenya ay talaabo ka qaadaan waxna ka qabtaan dhibaatooyinka iyo waxyeelaynta uu gudoomiye kuxigeenka magaalada iyo midka amniguba ay ku hayaan shacabka rayidka waxaana halkaas lagu dilay gudoomiye kuxigeenkii magaalada,masuulkii amniga iyo mid kamid ah ilaaladiisi halka uu dhaawac soo gaadhay mid kale oo kamid ahaa ilaaladiisa,Wararka naga soo gaadhay magaalada Shilaabo ayaa sheegaya in markii hore uu gudoomiye ku xigeenku dhaawacmay kadibna uu dhaawacaas u dhintay. 

Dagaaladii dhacay biloowgii bishan ee kahsaaraha ba,an loogu gaystay ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maleeshiyaadka dabaqoodhiga ah ayaa waxaa si is daba joog ah iskaga soo daba dhacaya khasaaraha oo intii hore kasii batay,qaar badan oo kamid ah ciidamada gumaysiga iyo maleshiyaadka dabaqoodhiga ah oo duurka ku firxaday ayaa si teel teel ah usoo galaya magaalooyinka ogadenya iyagoo aan wadanin wax hub iyo dhar toona qara kamid ah magaalooyinkii ay soo galeen iyagoo wareersan oo aan la xidhiidhnay ayaa naloo sheegay in xataa aysan dhimir ahana caadi ahayn. 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad rayid ah. 

Siyaasadda taliska Addis Ababa ee ku dhisan cududda ciidanka ayaa bilowgii sanadan kordhisay xasuuqii iyo dhacii shacabka aan wax galabsan ee Ogadenya. Waxaana dagaal dambiyeedka iyo gumaadadka shacab ugu wacan aar goosi iyo guul darada uu CWXO ku gaadhsiiyo goobta dagaalka. 

26-06-09 Meesha la yidhaahdo Qabaalaleey oo ka tirsan gobolka Shabeele waxay ciidamada gumaysigu xabsiga magaalada Godey u taxaabeen jidh-dil ba,an iyo kufsina ugu gaysteen: 
1-Dhuumaal Sahal Cabdi oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen qori ka qaateen. 

2-Yaroow Xuseen Kaad oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen 

3-Ibrahim Cabdullaahi oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen 

4-Cabdi Muxumed oo ay xabsi iyo jidh-dil isugu dareen 

5-Faadumo Sahal oo ay xabsi,jidh-dil iyo kufsi isugu dareen lug iyo gacana ka jabiyeen 

6-Abshiro Xassan oo ay xabsi,jidh-dil iyo kufsi isugu dareen 

7-Haybis Axmed Maydal oo ay xabsi,jidh-dil iyo kufsi isugu dareen 

07-07-09 Deegaanka Biayso oo ka tirsan Degmada Fiiq ee gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysigu xabsi iyo jidh-dil isugu dareen: Gaboobe Axmed Khaliif 

Degmada Dannood ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidheen 03-07-09 Ibrahim Maxamed. 

04-07-09 Garoonka oo ka tirsan Qoriile waxaa lagu xidhxidhay : 

1-Faadumo Cabdi Cawil 
2- Ifraax Sheekh Cabdiraxmaan 

Awbakaji oo ku taala galbeedka Fiiq waxay ciidamada gumaysigu xidhig iyo dhac isugu dareen: 

1-Daahir Muxumed Ismaaciil oo ka dhaceen 7 neef oo adhi ah kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen. 
2-Cabdullaahi Muxumed oo ka dhaceen 10 neef oo adhi ah kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen. 
3-Aw-Muuse Aw-Aaden oo ka dhaceen 3 neef oo adhi ah kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen. 

07-07-09 Magaalada Gabogabo duleedkeeda waxay ka qabteen ciidamada gumaysigu kadibna xabsiga u dhaadhicyeen Qorane Kaamil Muxumed. 

Isla 07-07-09 Waxay ciidamada cabudhintu ku xidheen Bubaale Kaad Dhagaqool oo markii dambana laga waayey xabsiga ilaa iyo hadana aan la ogayn meel uu ku sugan yahay. 

Ururka dhalinyarada Ogadenya ee qaarada yurub faraciisa wadanka Finland ayaa isugu yimid shir lagu badalayay maalmulkii hore oo xiligiisii dhamaaday laguna dooranayay maamul cusub oo hogaamiya faraca Finland,shirkaas oo ka dhacay caasimada Finland magaalada Helsink ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socday jaaliyada ogadenya ee wadanka Finland oo ay horkacayeen gudoomiyaha jaaliyada Mudane Cabdirashiid Colaad iyo ku xigeenkiisa Marwo Amino jwxo 

Waxaa kaloo martiqaadka jaaliyada lagu casuumay kasoo qaybgalka shirka ku weheliyey xubnaha kala ah: 
1. Axmed jamaal 
2. Xasan Kamal
3. iyo Cabdullahi Cabdi-shukri

Gudoomiyihii ururka dhalinyarada faraca Finland ee hada xilka kadagay mudane C/khaddar ayaa warbixin kooban ka bixiyey waxyaabihii uu ururku ku talaabsaday dhanka hurumarinta iyo gaabiskaba mudadii uu hogaanka uhayay,waxaa kaloo madasha shirka si gooni gooni ah uga hadlay maamulka jaaliyadda oo dhalinyarada talooyin u soo gudbiyay.

Warbixinadaas iyo talooyinkaa kadib ayaa la guda galay sidii loo dooran lahaa maamulka cusub ee howsha la wareegaya waxaana si aqlabiyad ah laiskugu raacay inay hogaamiyaan ururka dhaliyarada faraciisa Finland Xubno ka kooban 6 dhalinyaro ah oo isuigu jira gabdho iyo wiilal oo uu horkacayo Shaafi Maxamuud Macalin oo loo doortay Gudoomiyaha ururkaas dhalinayaro. 

Qaar badan oo kamid ah dhalinyaradii shirkaas kasoo qayb gashay ahaana xubno aan dhaarsanayn ayaa madasha shirka lagu dhaariyey waxayna dhalinyaradu codsadeen in loo qabto siminaaro lagu barayo taariikhda halgankooda iyo dhulkoodaba. 

Radio Xoriyo 13, July 2009 

Cabdinuur Sh. Maxamed 

Radioxorio@radioxoriyo.com 
Raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version