SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dagaal xoogan oo Dhex Maray Nin Muslim ah iyo Shaydaan iska soo Dhigay Oday Duq ah Goorma ayay guusha raacdaa Qofka Muslimka ah?

Alle ka cabsi badan oo reer Banuu Israa'iil ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid dad, dadkaasow u sheegay inay jiraan beel cabudda geed oonan ka fogayn halka uu dagan yahay. Ninkii ayaa xanaaqay oo go'aan ku gaaray inuu geedka jaro si aanan loo caabudin. Faash ayuu qaatay, intii uu jidka kusii jiray ayaa waxaa ka hor yimid Shaydaan, kaasoo iska soo dhigay oday duq ah. Shaydaankii ayaa waydiiyay halka uu socdo. Wuxuu ku jawabay inuu u socdo inuu soo gooyo geed ay caabudaan dad aanan Ilaahay (sw) caabudin. Shaydaankii ayaa yiri: “Geedkan maxaa kaa galay, maad cibaadadaada iska wadatid”? Ninkii ayaa ku jawaaabay geedkaba in lagooyo iney cibaado tahay qudheeda. Kadib buuq ayaa dhex maray labadoodii. Gacan qaad ayaa halkii ka dhashay, taas oo keentay in dhulka la dhigto oday shaydaanka ahaa. Kadib ayuu ninka ka korkacay odaygii shaydaanka ahaa. Kadib ayuu oday Shaydaan yiri: “Ilaahay waajib kaaga ma-dhigin inaad geedka jarto, wax ajir ahna ku waayi maysid hadaadan jarin iminka. Hadii geedkan in la jaro ay tahay, Ilaahay ayaaba waajib oga dhigi lahaa Rusushii badnayd ee uu soo diray.” Hase yeeshee ninkii ayaa ku adkaystay inuu geedkaasi jaro. Dagaal kale ayaa dhex maray Ninkii Muslimka iyo oday shaydaankii. Waxaa mar labaad dhulka la dhigtay oday Shaydaan.

 Markii la-sii daayay ayuu oday Shaydaan yiri: “Aan heshiino. Maadaamo aad faqiir tahay, maalin walbo waxaan ku siinayaa 3 dirham oo dahab ah,Maalin walbo waxaan kuu hoos dhigayaa barkintaada ee Halkaas kala bax. Kadib wax ku qabso lacagtan, oo dadka baahan ee taqaanana wax kasii. Sidan ayaa dhaanto inaad geedka jarto. Hadii aad ajir heleyso adigana wax ku qabso, dadka baahanna wax ka sii. Ajir badan halkaas ayuu ku jiraaye.” Ninkii ayaa taladii oday Shaydaan qaatay. Labo maalin ayuu helay 3dirham oo dahabka ahayd. Maalintii sedexaad ayuu waayay. Markaas intuu xanaaqay ayuu faash soo qaatay si uu u jaro geedkii. Jidka wuxuu kula kulmay odaygii (Shaydaan), markaas ayaa la waydiiday halka uu u socdo, deedna wuxuu ku jawaabay inuu rabo inuu soo jaro geedkii. Dagaal ayaa ka dhexdhacay labadoodii, waxaana dhulka la dhigtay ninkii taqiga ahaa. Wuxuu la yaabay tabar darrada ku dhacday, kadibna wuxuu oday Shaydaan waydiiyay halka uu ka keenay xooga uu dhulka ku dhigtay. Oday Shaydaan ayaa ku jawaabay: “Maalintiihore xanaaqiiku haayey Ilaahay dartii ayuu ahaa, taas ayaana keentay inaad I lagdato, balse iminka xanaaqa ku hayo waa mid aduunyo iyo lacag raadis. Sidaasi darteed
ayaad ku tabar daraysatay.”

Fiiro Gaar ah: ninkii tii Ilaahay SW oo kaliya ay wado ayey Guusha raacdaa.

Tixraac:: "Ixyaa Culuumuddin" ee Imam Ghazzali


Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version