SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WADARAHA, NOLOSHA, IYO GEERIDA LABA CAYAYAAN

F. G. Qoraa reer Sweden ah ayaan hadda kahor u diray qaar ay ka mid ahaayeen farriimoha soo socda. 
 
Xagga da'da waxa aan ka daba dhow ahay halkii Salaan Carrabeey (aun)  uu ka lahaa,

Lixdan labayatoban baan kormaray waana la hubaa e... 
Lafta dhabar laxaadka i debciyo laafyihii gacanta 
Lubbidaydu xalay leyl ma ladin laaddadiyo taaha 
Waa taa lalleemadu indhaha araggu liitaaye: 
Liiqliiqad baan ahay sidii lula' dabeyleed e!
 
IN YAR HOGATUSAALEYN KU SAABSAN NOLOSHA AADMIGA 
============================== ================== 
 
Ma maqashay weliga cayayaan la yiraahdo: Duqsiga Maayo (Maajo ama May)? 

Webiga Hypanis[1] korkiisa ee Bosboruska Semeerya[2], xilliga fadhiisinka[3] jiilaal, waxa uu daadku xagga badda u soo qaada wax la moodo adab (kiisas) yaryar asii kaba sii weyn rucub canab, kuwaas oo dillaacoodu uu soo daynayo baalalley afar-lugoodle ah. Cayayaanka waxa uu noolaan oo duulduuli illaayo gabbalgaabka, laakiin se isla goorta ay cadceeddii ay hoos u sii dhacayso waa uu wiiqmayaa, gabbaldhaca ayuu geeryoon isaga oo hal maalin keliya noolaaday, dhacdadaas ayuu ka soo jeedaa magaca loogu yeera ba ee  EPHEMERON" (Aristotle: History of Animals) 
  
Cagdhigyo 
 
[1]  Hypanis: magac duug ah oo loo aqoon jiray webiga koofureed ee Buh ee mara koofurta dalka Ukraanya. 
[2] Bosboruska Semeerya: waa gacan isku xidha Badda Madow iyo Badda Marmaara. 
[3]  fadhiisinka cadceeddu: waa xilli ka mid labada xilli oo ay cadceeddu waqooyiga (Juun 21) ama koonfurta (Dis. 22)foogaanta ugu fog u jirto  dhulbareha (the equator).

 Waa maxay haddaba EPHEMERON \i-FEM-ah-roon\? Ephemeron waa erey Griik ah, ka soo jeeda ephemeros, "maalmeed; waaraya ama noolaan hal maalin," ka kooban: epi, "gude" + hemera, "maalin." -- maalin gudaheed. Waa wax nolol gaaban ama ba aan yeelanayn waaritaan la sheegi karo; ama waa sida qodobada, qormooyinka, maansooyinka, halkudhegyada, gaar ahaan waxyaabaha la daabaco  (kaararka boostada, wareegtooyinka, iidhehda iwm.), kuwaas oo loogu dawgalay in lagu fushado dano gaar ahaaneed waqti gaaban -- kumeelgaar ah; hayeeshee, misana, duul ayaa jira u kaydsada, haysta na waqtiyo dhaadheer -- sida Xildhibaanno kusheegyada DFKMS. 
 
Walaalkayow, xigmaddu duqsigaas maalinle oo kale miyaa? Maxaa se cayayaanka xumi loogu galladay (loo siiyay)  ayaan uu ciyoon ba nolosha kaga tagi karo? 
 
Afka caamada ba, walaalkayow, Ibraahinow, sow waalidkeennii ba ma oran jirin, "gabbalkaas sii dhacaya ayaan ahay"?  Eeg Aadmigu ba waxa uu isku jimeynayaa gabbalka. Waaberigii, dhalashadii dadka ayuu u dhigmayaa; barqadii, dhallinyaronimadii ayay u dhigmaysaa...galabgaabkii na, waa cutush gaboobay oo kale. Maxaa xigmad ah oo ay waayeelku haddaa ina barayaan? Aan kuu sheego. Waxa ay ila tahay, adiga oo aan waxba sii eegin geedka sanoobbirka, diidiinka, yaaqa, ... maroodiga (xayawaan iyo geedo jirsan cimri ka dheer cimriga Aadmiga); balbarbardhig, kuna dhereri noloshaada noolidaada -- cabbaarkaaga -- WAARITAANKA. Ma aragtaa hadda sida aynaan waxba kaga duwanayn duqsigii dhashay, noolaaday, ku na dhintay isla hal maalin gudaheed? Waxa runtaas jirta inaga indhsaabaya waa saacadaha iyo maalmaha dad-sammeega ihi -- habeentiriska (kaalandarka). Waa samaysyo (alaabey dad-sammee ah), kuwaas oo ah dhalanteed nagu maaweelin nolosheenna maalmeed. Uunku se waa hal wax oo is wada ah. Wax la yidhaahdo afar-ya-labaatan-saac kama jiraan. Uunku waa hal wax ee dhaca hal seben, hal cabbaar -- hal WAARITAAN. Haddee eeg. Haddii aan cimrigeenna barbardhigno waaritanka, waxa uu ku soo baxayaa waxba. Sida in ayaan weligeed ba, sitaahoo maraba,  aynaan soo ahaan ba. Baabah! 
 
Macallinkaygii, Al Ustaad Kindi (aun), ayaa igu barbaariyay maansooyin, maantadan la joogo, weli ugu wada dhaxalgasan suugaanta Carabta ba. Mid ka mid ah maansooyinkii Abul Calaa Al Mucarri ee iila qotada dheer, iila na sii qurux badan ayaa ina faraysa:

"Debci saantaada Waxan u maleyn carrada* guudkeedu ba waa jirarkii meytida, Dabaysha aal u dhexqaad, si aanad addoomadii Eebbe ugu dul kufin...!" 
 
*  Carrada, tolow, sow la ma moodo in uu u sii jeeday Soomaaliyada maanta? 
 
Tix i damqaysa ayaa gabyaagu ku soo gunaadayaaa maansadiisa yaabka leh! Liidku, magaciisu ba waa Aadane. Eeg hawraarta uu Al Mucarri inagu sii cawryayo: 
 
"Noloshu ba waa wada dhibaato waxse iga yaabiya kuwaa* weliba sii doonaya cimri dheeri!" 
 
* Ka warran awowgay Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf Yey? Noloshiisa oo idil waa wada dhibaato; dhaqankiisu na waa dhiibaato: misana, ... nolol ayuu sii doonayaa? Ari Boowow, muxuu ku  falahayaa? Dhib, la yeen.
 
Qoraaga Cabqariga ah 
================ 

 "Cabqarigu waa weylo-wade (cayayaan) oo kale. Maamlmaha korriimadiisa ugu  dambeysa waxa uu si weyn isukugu hawlayaa shaqooyin aan kala  go' ba lahayn. Guri ayuu dhisayaa (dundun yar), guri aan uu misana wax   kaga  negaan doonin. Intaas kuma ega. Duur iyo daleel ba waxa uu ka soo ururin oon. Waa quud uu ugu talogalayo in ay ku noolaadaan carruur aan arki doonin. Ugu dambeyn, goortii uu hooygoodii u  ebyo, goldaloolooyin na uu ka wada hubiyo, isaga oo buuraha iskala weyn u bareeyaa in uu doonto wedkii dili lahaa; waayo wuu gutay xilkii iyo kaalintii kaga aaddanayd noloshii ifka. Sidaas awgeed, noloshii ayuu uga haadaya iyada oo la mooddo in uu buubsan GEERIDI isaga dili lahayd ba. Halyeynimo waa taas oo kale! Waayo waxa uu ku kalsoon yahay, hagran la'aan, in uu "dhashiisii " dhaxal wanaagsan ugu reebay -- tiiyoo aan ay jirin cid kale ee isaga hawshaas gacan ku siisay. Cabqaranimo na, waa tan oo kale! Waa uu ku riyaaqsan yahay in hawshii adduunyada ka nasto; goorta, dabadii, gadaashii, ifka ay u soo wada baxayaan: isaga oo asii ku  niyadsan in 'dhashiisii' ay naftooda ku habi doonaan; hunguri iyaga awgood uu ugu sii hor dhigaaliyay." 
 
Dhoob Islaweyn 
============ 
 Aadmiga -- dhoobo ayaa laga abuuray, maaha? -- in lagu gallado indho, lagu na gallado ilmo (ilqabatooyin), maxaa u wacan? Waalid ayaa ba jira aan arkayn, u na naxeyn, ka na naxeyn dhibaatooyinka ilmohoodii ku haysta isla dhexdii guryohoodii? Yuu gurigiisii yahay se kaasi, sideeda ba? Waalidka noocaan ah, malaha naarta ayay ku noolaan doonaan! Kuwani, ilmohoodu waa agoon. Waaliid ifka ku dhintay. Waa meyti. May, waa ku geeri-gacan-dheer. Waxa aan maqlaa intaa, waalid ku nool, waalid iska quuta mustaqbalkii dhashoodii -- dhiigga iyo dhiggii ilmohoodii. Sow se wax  
lagayalaalugoodo, ma aha? Laga dhinto. In ay nool yihiin in ay dhintaan ayaa ba u dhaami lahayd.  
 
Eeg, weylo-wadehu, walow uu dhintay, walow aan uu jirin, walow aan uu la joogin; ogow waa meyd weli waxtarkiisii uu ka ag muuqdo agoontiisii! Cayayaan dhintay; hayeeshee wax badan dhaamo Aadami badan oo isaga uun nool. 
 
 Qoraaga Cabqariga ah 
================ 
 
Waa midka aan u waxqorin jiilkiisa uun; balse waa mid u qora, ay na fahmi 
doonaan jiilalka iman doono. Laga yaabee in aad is weydiisid: "Oo 
maxaan u qoraaya wax aan ay jiilkaygu fahmeynin?" Waa xil iyo kaaalin 
u gaar ah. Cabqarigu waa ka waxa u qora si aan loo fahmin ba: Ii 
sheeg yaa horey ka fahmay faylasuuf jiray ba? Iyo "Rasuulun mina 
Allaah yatluu suxufan mudhaharah!"? Waa facyaalka iman doona kuwa 
kaaga baahan hiilka, iyo kuwa ku fahmi doono ba. Waayo? Facaagu waa 
kuwo lagu wada barbaariyay dhaqanxumooyin caado looga dhigay. 
Caadooyin xunxun. Caadooyinku, ogooobay, ka ba xoog badan xataa 
DIINTA. Qabyaaladda Soomaalida, ka warran? Sidaas darteed abwaan kasta, falaysuuf kasta, garaad kasta, qoraa kasta waxa uu isku hawlay, sida badan, sidii uu u kasban lahaa jiilal iman lahaa dabadii -- sanado, qarniyo, iyo kumanaan sano... 
 
 DABUUB DHAMBAALKAYGAN 
======================= 
 Murtidu, haddaba, waxa ay ina bareysaa in aan hawshayada u fulinno, sitaahoo aan ahayn Diqsigii May oo kale; u na kaabnaa nolosha farcankeenna dambe, sitaahoo aan ahayn Weylo-wade oo kale. 
 
Dhan kale ka eeg. Weylo-wade. Cayayaankan waxa uu inooga sidaa farriin weyn xag kale. Waa shabah muujinaya Eebbeha naga maqan, may, e Eebbeha inala wada ag jooga asii aan inoo wada muuqan? Haddii aan nahay  dhoob-islaweyn, Ilmohii Aadam, waxa aan og nahay 'dhaska weylo-wade' ee ku dhex koraya dundumoda (buulka) yar, in ay yihiin jiil uu reebay cayayaan iyaga ka sii hor dhintay, mise? Ka warran haddii, jiilka iyaga ah, ay ku rumeystaan, ama nagula doodi lahaayeen in ay ifka iskood u yimmaaddeen -- bilaa waalid? Ma ka rumaysan lahayn? Waa maya! Ma shaki ayaa inooga jira kara haddaba jiritaanka Allaah? Bal daymo ugu noqo uumiyeha. Subxaana Allaah! Kani, wele-wadehu, tilmaan ugu filan, sida ay aniga ila tahay: addoon kasta ee Eebbe u noqon, kana baqahaya! 
 
Is weydii hadda? Maxay Ayaadaha Qur'aanku inoo farayaa, "A falam yarow ilaa maa beyna eydiihim, waamaa khalfahahum minassamaa'i wa ardl..." Dundunta yar ee weylo-wade, qofkii aan Jiritaanka Eebbe ka dhex helin; wallee, in aan uu weligii na carrada idilkeed na ku dhex arki doonin.  
 
Walaalkayow waan kugu soo buuqay. Laakiin se, dhimbil yar ayaan doonayay in aan noqdo; dhimbil, tii  shidi lahayd ololka weyn. 

Wayeel 

wayeel@operamail.com
 
feef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version