SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar dheeraad ah oo ku saabsan Rag Wariyayaal oo laga afduubtey Gudaha Hotel Saxafi ee Muqdisho

Waxaa saakey Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Fal afduub ah oo ay geystewen Ragg si aad ah u hubeysnaa oo soo galey Hotelka islamarkaana Qoryo ku qabtey Ilaaladdi hotelka kuwii ku sunaa Albaabka hore ee Hotelka iyo kuwii Gudaha , waxaa kaloo Qoryo lagu qabtey Raggii kale ee ku sugnaa Hotelka oo u badnaa dadka degan Hotelka

Ragga la afduubey ayaa waxay u dhasheen Wadanka faransiis sida aan ku heleyno wararka  waxayna Masuuliyiinta Hotelka ay sheegeen in Ragga ay ahaayenn wariyayaal u yimid Howlo shaqo gaar ahaan Xaaladda Magaaladda Muqdisho waxaa kaloo lagu waramey in ay  lahaayeen Ilaalo u gaar ahaa oo hotelka uu siiyey lamana garanayo sababaha keeney in ragaas la wato iyadoo Hotelka uu Deris la yahay Xarunta Dambi baarista ee CID wuxuu kaloo uu hotelka deris la yahay oo labada dhinac ka degen Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom

Agaasimaha Hotelka Mudane Gaafaa   oo u waramayey Ragga wararka dira ayaa sheegay in ragaasi uu Hotelka u diwaangeliyey in ay yihiin Wariyayaal isagoo sheegay in ay u dhasheen Wadanka faransiiska

Daqiiqadu yar ka dib mar aan soo gaarey Hotelka ayaa waxaa la ii sheegay in Ragga wax afduubtey ay ahaayeen rag si aad ah u hubeysnaa oo watey laba gaari waxay kaloo ii sheegeen ragaas la afduubtey loola dhaqaaqey dhinaca Xaafadda taleex , waxaana kaloo lagu waramey in ragaas wax afduubtey mid ka mid gawaaridii ay wateen uu ku ciladoobey Xaafadda taleex , waxay raggii wax afduubtey la sheegay in ragii ay wateen inta gawaaridii ka dejiyeen ula dhaqaaqeyi dhinaca degmada Hodan waxaana lo arkayey iyagoo lala lugeynaya  Xaafadaha dhexdooda ayna la socdeen raggii wax afduubtey

Ragga afduubka sameeyey ayaa waxaa lagu waramey in ay ka mid ahaayeen Ciidamada Maxaakiimta eek u biirey Dowladda waxana la sheegay in ay wateen  gaari kuwa dagaalka ah

Afduubkaan ayaa waxaa uu dhabar jab ku yahay Dowladda federaalka maadama Meesha wax laga Afduubtey ay tahay Goob ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom Waxaana dhabarka dambe ee Hotelka Ka furan Xafiisyada Dhowr Wasaaradood oo si weyn loo Ilaaliyo, warar ayaa sheegay in ragga la afduubtey aysan ahayn Wariyayaal ee ay ahaayeeen ragg Marti u ahaa Dowladda Federaalka waa haddii aysan noqon Wariyayaal sidoo kale Wasaaradda Warfaainta ayaa iyadu Diwaangelisa wixii wariyayaal ah ee shisheeye ah haddi ay imaanayaan Magaalada Muqdisho ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca Dowladda   

Hotelka Saxafi ayaa waxaa Degan Xildhibaano , iyo Wasiiro ka  tirsan Dowlada Federaalka iyana waxay leeyihiin Ragg Ilaalo ah hadaba wixii faahfaahin ah dib ayaa idiin la socodsiin doonaa ee la xiriira Afduubka Ragaas iyadoo dad shisheeya ay weli gacanta ugu jiraa rag huibeysan kuwaas oo la afduubtey sannadkii hore

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version