SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

KHAWAARIJTA SHALEEY & KUWA MAANTA

Ereyga khawaarij oo asal ahaan ka soo jeeda luqadda carabiga ayaa dhowaanahan adeegsadaan qaar ka mid ah wadaaddada iyo weliba qaar ka mid ah siyaasiyiinta, iyagoo KHAWAARIJ ku sheega kuwa iyaga kaga soo horjeeda jamaacada iyo fikirka siyaasadeed ee ay dadkaasi xanbaarsan yihiin.

Haddaba, Dr. Ahmed Dahir Aweys oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaaliyeed, ayna walaalo yihiin madaxa ururka Xisbul-Islaam ee Sh. Xasan Dahir Aweys ayaa nagu soo booqday magaallada Odense, dalka Denmark, isagoo Jaaliyadda Soomaalida reer Odense u jeediyay muxaadaro ka hadlaysay Khawaarijta iyo tilmaamaha ay leeyihiin, sidoo kale muxaadarooyin kale oo ka hadlaya wuxuu Xukunka Islaamka ka qabo dhiigga daadanaya ee walaalaha dhexdooda ah.

VIDEO-ga DAAWO | Ama Halkan ka daawo

  • FG: La soco qaybta labaad ee Video

”Khawaarijtu waxay billowdeen waqtigii Rasuulka (scw), waa kuwo baxay (ka baxay jamaacada muslimiinta), waa kooxo bidco ah, waxay bannaysteen dhiigga muslimiinta, dhinaca kalena waxay nabad geliyaan mushrikiinta, khalqiga ayay ugu shar badan yihiin, waxay dileen in badan oo saxaabada ka mid ah, iyagoo falkaas denbiga ah ugu dhowaanaya Allah” ayuu ku bayaamiyay Dr. Ahmed Dahir Aweys muxaadaradiisa, isagoo nusuusta uu daliishanayay uu ka soo min-guuriyay kitaabka iyo sunnada iyo oraahyada salafka.

Khawaarijta waxaa lagu sheegaa inay yihiin:-

· Inay dadka ugu sharta badan yihiin
· Inay yihiin eeyda Ahlu-Naar
· Inay laayaan ahlul-islaam, waxayna badbaadiyaan gaalada
· In khawaarij la laayo ayaa ka fadli badan leynta gaalada
· In oraahdooda iyo falkooda is khilaafsan yihiin
· Waxay muujiyaan inay diinta u xammaasaysan yihiin, hase ahaatee magac inay helaan ayaa u qarsoon.
· Waxay diinta uga baxayaan diinta si degdeg ah.
· Ma lahan faham xeel-dheer oo ay diinta u leeyihiin
· Waa kuwo isla weyn oo isla wanaagsan.

Mowduucan la xiriira khawaarijta (kuwii baxay) ayaa wuxuu Dr. Ahmed Dahir Aweys kaga hadlayay 6 qaybood, kuwaasoo kala ah:-

Barashada Khawaarijta iyo taariikhda ay soo mareen.
Nusuusta ku soo aroortay khawaarijta.
Koobitaan iyo is-dul istaagid ku saabsan tilmaamahooda.
Aragtiyada ay culumada ka qaateen khawaarijta.
Waxay ku kala duwan yihiin Khawaarijtii hore iyo kuwa maanta
iyo ugu danbeyn waxa lagu daaweeyo aafadan khawaarijta.

Dr. Ahmed Dahir Aweys waa imaamka Masjidka Sunnah ee magaallada London. Wuxuu ka mid yahay culumadii dhexdhexaadinaysay madaxda DKMG iyo Xisbul-Islaam iyo Shabaab oo garab ah.
 

Ibraahim Saalax, Denmark
ibra88@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version