Xarakooyinka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dib ula wareeygey Goobihii ay
qabsadeen Ciidamada Dowladda
Iyadoo Maalintii shaley uu dhacay Dagaal qaraar oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowlada
iyo Xarakooyinka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah wuxuuna
dagaalkaas uu ahaa mid qaraar oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen Hubka culus
, oo mararka qaar ku dhacayey Goobo ay degan yihiin Dad Rayid ah waxaa la
xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa 40 qofood oo u badnaa kooxhii dagaalamayey ,
wuxuuna dagaalkaas uu keeney in Cidamada Dowlada La wareegaan in badan Degmada
Karaan ah , ka dib markii ay gacan ka heleen Ciidamada Amisom oo watey
Dabaabaadka dagaal
Ciidamada Amisom Gawaaridooda Dagaalka ayaa waxaa lagu waramey in ay dib ugu soo
Gurteen Xarunta Madaxtooyada kadibna waxaa dhacay in Ciidamada Dowladda ay
iyagan soo raacaan , taasi waxay keentey in Xarakooyinka Al-Shabaab iyo Xisbul
Islaam ay dib ula wareegaan Goobihii hore looga qabsadey ee Degmooyinka Kaaran
iyo Cabdicasiis , waxayna ciidamada Hadda ku sugan yihiin Agagaarka Baar Fiat oo
ay joogaan Ciidamada Dowlada , halka kooxaha ka soo horjeeda Dowladda waxay ku
sugan yihiin Agagaarka Hotel Global , waxaana mararka qaarkood dhacaya Rasaas
Goosgoos oo ay isweydaarsanayaan labada dhinac
Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa xaqiijiyey Goor dambe in ciidamadooda ay ka
qayb qaateen Dagaalkii shaley isagoo shaeegey in sababaha ay u galeen Dagaalkaa
uu ahaa markii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay ku soo dhawaadeen Xarunta
Madatooyada iyo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho , wuxuu kaloo sheegey in
Ciidamadooda markaan diyaar u yihiin in ay gaaraan Qaar ka mid Goboladda Dalka
oo ay ku sugan yihiin kooxaha mucaaradka , wuxuu kaloo uu sheegay in
ciidamadooda ay amar ka sugayaan Qaramada midoobey si ay dagaalka uga qaygalaan
dowladana taageero u siyaan
Dadkii ku harey Xaafadaha ay dagaalada ka dheceen ayaa waxaa lagu waramey in ay
halkaas isaga tageen ka dib markii uu dagaalka uu noqdey I jiid aan ku jiidee
waxay lagu waramey in ay ku biireen Barakacayaasha kale ee ku sugan Daafaha
Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku haystaan dhibaatooyin isugu jira Cunto
la’aan , Hoy la’aan iyo Daawo La’aan
Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ayaa shaley la gaarsiiyey Dhaawacyadii ugu
badnaa oo tiradooda gaareyso 120 qofood kuwaas haatan ku haysata Isbitaaladaas
Dawa la’aan aad u daran waxayna Isbitaalada codsanayaan in lala soo gaaro
Daawooyin iyo Qalab caafimaad
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 13, 2009 |