SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAR

Shiikh Shariif oo bixiyey Amarka Dagaalka saakey ka bilowdey Muqdisho  iyo Taangiyada AMISOM oo dagaalka ka qayb qaatay

Dagaal aad u qaraar ayaa weli ka sii socda qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Xarakooyinka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah wuxuu dagaalka xoogiisa saakey aroortii ka bilowdey Degmada Cabdi casiis kasoo markii dambe ku fidey Degmadda Karaan waxaana lagu waramey in dagaalkaan ay ka qaybqaadanayaan Taangiyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM inkastoo Saraakiisha Amisom ay dafireen kuna andacoodeen in aysan Fasax u heysan ka qayb galka dagaalka ka socda Magalada Muqdisho hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegey in ay arkeen Taagiyada Cidamada Amisom oo ka bar bar dagaalamaya kuwa Dowladda.

Gaadiid Gurmadka deg dega ah ayaa la sheegay in ay Isbitaaladda Muqdisaho Gaarsiiyeen Dad gaaraya ilaa 30 qof oo dhaawac kuwaas oo la sheegey in ay u badan yihiin Dad Rayid ah oo rasaasta ugu tagtey Guryahooda , waxaa kaloo la sheegay in Dagaaladaan ay ku dhinteen Ilaa 10 Qofood oo u badan Kooxihii Dagaalamayey Sidoo kale Afhayeen u hadley Xarakada Al-Shabab wuxuu sheegay in Fariisamadooda ay ku lahaayeen Waqooyiga Muqdisho la soo weerarey ka dibna ay iska caabiyeen , wuxuu kaloo sheegay in ay ciidamadooda ay ku sugan yihiin Goobahoodii ay ku lahaayeen Degmada Cabdi Casiis iyo Kaaraan.

Ciidamadda Dowlada ayaa la sheegay in ay guulo ka gaareen Dagaalka sida uu sheegay gudoomiye kuxigeenka arrimaha Nabadgelyada Gobolka Banaadir Cabdifitaax Shaaweeye , wuxuu kaloo sheeya in Ciidamada Dowladda ay gaareen Deegaanka Galgalato iyo Deegaano ka tirsan waqooyiga Muqdisho oo ay hore u joogeen Kooxaha Mucaaradka ,Sheegashada Dowlada Guulahaas ayaa la xaqiijin , sidoo kale Ma jiraan warar ka soo baxay dhinaca Kooxaha Mucaaradka ah.

Weli waxaa la maqlayaa Daryanka Madaafiicda ku hoobaneyso Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho iyadoo wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Madaafiic ay ku soo dhaceen Suuqa Bakaaraha iyo Deegaano ka tirsan Cali Kamiin waxaana la xaqiijiyey in Madaafiicdaas ay geysteen Khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac Ila iyo hadda lama garanayo waxa keeney in la duqeeyo Suuqa Bakaaraha?.
 
Labadii Bilood ee ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho ka jirey dagaalo ay ku dhinteen dad fara badan kuwa kale ay ku dhaawacmeen , waxay dagaaladaas sababeen in ay ku barakacaan Kumanaan qoys kuwaas oo haatan ku dhibaateysan Daafaha Magaalada Muqdisho mana muuqato Rajo ay ka qabaan in ay dib ugu soo laabtaan Guryahoodii waxayna markasta ayu dalbanayaan in labada dhinac ay gaaraan heshiis si loo dhameeyo Dhibaatada 
Sidoo kale waxaa Maalmahan Dowladda soo gaarayey Hub noocyadiisa kala waxaana Hubkii ugu dambeeyey uu uga yimid wadanka Mareykanka kasoo Dowladda loo soo marsiiyey Wadanka Uganda.

Dowladda Federaala ayaa soo bandhigtey Maydka qof ay ku sheegtey in uu u dhashey Wadanka Afganistaan kasoo ku dhintey Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho hase yeeshee Qofkaas ayaa noqdey Qof Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Waalidkii oo ku nool Wadanka Mareykanka waxay kaloo ay sheegeen in wiilkooda uu ka maqnaa Muddo dheer iyagoo sheegay in aysan garaneyn halkii ugu dambeeysey waxayna Magaciisa ku sheegeen Jamaal Baana 

Wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalada waxay sheegayaan in Ciidamada Dowlada ay gaareen Isbitaalka Keysaneey , waxaana halkaa Shir jaraaid ku Qabtey Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad oo sheegey in Madaweyne Shiikh Shariif uu Bixiyey Amarka Dagaalka ka dib markii uu indhacadde Sheegey in kooxaha ka soo horjeeda ay diideen wadahadal. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Dowladda oo guulo waaweyn ka sheegatay dagaalkii saaka

Dagaalo xoogan iyo duqeymo ayaa saaka ka dhacay goobaha ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaarid iyadoo dagaal dagaaladaasina ay guulo waaweyn ka sheegatay dowladda federaalka KMG Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa ka bilowday nawaaxiga hotelka Global illaa Baarfiyaat, waxaana wax ka yar saacad uu dagaalku u batay dhanka goobihii ay fadhiyeen kooxaha ka horjeeda dowladda iyadoo saacad kadibna ay la wareegeen ciidamada dowladda dhamaamba goobihii ay todobaadyadii ugu dambeeyey ku soo siqayeen mucaaridka.

Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaawey ayaa u sheegay warbaahinta in ciidanka dowladdu ay saaka ku kala kaceen kooxihii ka soo horjeeday, isagoo xusay inuu haatan taagan yahay degaanka Galgalato oo ay bil ka hor soo galeen kooxaha mucaaradku, wuxuuna xusay in meydad badan oo ay ka carareen ay bilqanyihiin goobahaasi.

Sidoo kale, waxa uu xusay inay ka qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanad isugu jirtay hub iyo Raashin fara badan ayna siiyeen shacabka ku dhaqan dagaanada dagaaladu ka soconayaan ee degmooyinka Kaaran, C/casiis iyo Shibis.

Dhanka kale, waxa uu qaar ka mid ah weriyeyaasha gudaha oo saaka gaaray goobaha dagaalada tusiyay Mr. Shaawey qaar ka mid ah meydadka dhalinyaro u dagaalameysay Al Shabaab oo iyagu ku lebisnaa Direyska ay caanka ku yihiin ee Cagaaran, wuxuuna tibaaxay inay ku sii socon doonaan dhamaamba goobaha ay ku sugan yihiin tan iyo inta ay ka sifeyn doonaan dalka. waa sida uu hadalka u dhigay e.

Maxamed Xuseen Ugaas
Ugaasyare114@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 12, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version