SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Wasiiro iyo Saraakiil  ka tirsan Dowladda Federaalka

Maalmahan waxaa Khilaaf u dhexeeyey Madaxweyne Shiikh Shariif Iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka ka dib markii Ciidamada Dowlada ay qabteen Hub ku rarnaa Gaari Xamuul waxaana Hubkaas la qabtey xilli uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu ka maqnaa dalka , waxaana hubkaa Sheegtey in uu bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh Cabduqaadir Cali Cumar , isagoo sheegey in Hub loo wadey Goballada Dhexe Gaar ahaan Ciimadda Maxaakiimta , hase yeeshee Waxaa arrimahaas ka biya diidey Qaar ka mid Saraakiisha Amniga ee uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Gaashadhiga Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo isagu la sheegay in uu ku andacoodey in Hubkaas uu Sheikh Cabduqaadir Cali Cumar u wadey Kooxaha Dagaalka kula jira Dowladda Hase yeeshee wuxuu Cabduqaadir Cali Cumar  ku qanciyey in Saxiixa Hubkaas uu lahaa Madaxweyne Shiikh Shariif inta uusan dalka Ka bixin , waxaana lagu balamey in lagu kala Baxo marka uu yimaado Madaxweyne Shiikh Shariif

ACCESS
Consultancy firm
1-Specialized on Organizational Development (OD), 2-Emergency Preparedness & Response (EPARA), 3-Human rights issues and Participatory Planning, Monitoring and Evaluation 
E-Mail: accessmog@gmail.com
Phones: +2521-5553839 & +25250-990256

Markii uu madaxweynaha soo laabtey ayaa waxaa kulan deg deg ah isgu yimid Madaxweyne Shariif Iyo Saraakiishaas wuxuuna kulankaas uu qaatey Muddo Laba saacadood waxaana lagu waramey in madaxweyne uu u sheegay Saraakiishaas  in Hubkas uu isaga uu Bixiyey amarkiisa , kaasoo loo wadey Gobaladda Dhexe , inkastoo qaar ka mid saraakiishaas aysan ku qancin Hadalka madaxweyne haddana waxaa markii dambe la qaatey Hadalka Shiikh Shariif ee ahaa in saxiixa hubkaa uu isaga bixiyey

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in la isku afgartey in la sii waddo Dagaalada lagula jiro Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo iyagu ku soo siqanaaya Xarunta Madaxtooyada , waxana dagaaladda hadda ka sii socdaan Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo Cabdulcasiis waxayna warkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in mar kale dagaalo ka qarxeen Degmooyinkaas waxaana lagu waramey in dad gaaraya 10 ruux ay ku dhinteen Dagaladaas kuwaas oo la sheegey in ay u badan yihiin Dad raiyid ah  rasaasta ugu tagtey Guryahooda

Dagaaladaan dib uga bilowday (Sabti july 11) Magaaladda Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen Xilli Madax Xarakada Shabaab Mujaahidiin Shiikh Mukhtaar (Abuu Subey) uu ciidamada Dowladda uu u qabtey in Hubkooda ku soo wareejiyaan Mujaahidiinta kaasoo uu ku ekaa maalintii Jimcaha ahayd , sidoo kale waxaa Maalmahan Dowladda Federaalka soo gaarayay Hub ay ugu deeqdey Dowladda Mareykanka kaasoo lagu xoojinaayo Ciidamada Dowlada  waxaa kaloo la filayaa in Magaaladda Mumbasa uu dhawaan ku soo xirtey Markab sida Saanad kala duwan oo la sheegey in loogu deeqey Dowladda Federaalka waxaana lagu qiimeeyey Konton Miyan oo Doolar

War hadda Nasoo gaarey waxay sheegayaan in dagaaladii Maanta uu ku gaeeriyaado Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Dolada oo lagu magaaco Nuur  Xasan Cali Nuur Daqle waa sarkaakii afaraad  ee ka geeriyaada ciidamadda Dowladda tan iyo markii ay bilowdeen Dagaaladaan Dowlada  FKMG.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Xus Balaaran oo loo sameeyey Halyeygii Nabadda Cabduqaadir Yaxye

11-kii July 2005 waxay ku beegan tahay markii la diley Alla u Naxaristee Cabduqaadir Yaxye Shiikh Cali waxaana ka soo wareegtey Muddo Afar  Sanno ah  , Cabduqaadir wuxuu ahaa  Halyeygii nabadda iyo doodihii dadka taagta daran waxaana dilkaasi  uu xasuus ma hadho ah ku reebay bulshada weynta Soomaaliyeed, waxayna markii ay maqleen gurigiisa ku xoomay dadweyne aad u fara badan oo ilmeynayay kuwaas oo ka xumaa dilka C/qaadir Yaxye.

          C/Qaadir oo aasaasay Hay’adda CRD oo ah hay’ad inta badan ka shaqeysa dib u heshiisiinta iyo nabadda ayaa ka qayb-qaatay dhameynta khilaafyo ka oognaa gudaha dalka Soomaaliyeed, ha noqdaan kuwo kooxeed ama kuwo beeleed. Waxa uuna mar kasta isugu keeni jiray miiska wada badalka qaybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo ka codsan jiray in ay mar kasta ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya.

 C/Qaadir oo tiir dhexaad u ahaa hay’addaasi ayaa iyadu marnaba ka caajsin hawlaheedii kana niyad jabin dilka C/qaadir Yaxye, waxa uuna la mid noqday xubno fara badan oo Soomaaliyeed oo isku hawli jiray dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta waxaana ka mid ah Elman Cali Axmed iyo Istarliin Cabdi Caruush oo iyagu ay dileen kooxo iyagu ka soo horjeeda nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

          Dilka Marxuum  C/Qaadir oo ay haatan ka soo wareegtay mudo Saddex Sanno  ah ayaa waxaa xaflad lagu maamuusayo waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya, waxaana Garoonka Banaadir lagu dhigay Cayaar lagu xusayay C/Qaadir Yaxye, 

C/Qaadir oo hal-ku-dhigyadiisu ka mid ahaayeen “Carab iyo Ilko ayaa isugu dhow iyana waa is qaniinaan” “Wax nabad lagu waayey Colaad laguma keeno” “Nabad ayaa neecow leh” iyo ereyo kale oo fara badan, waxa uuna C/Qaadir Yaxye ka shaqeeyey filimo fara badan oo ka hadlayey dhibaatada ay leedahay Colaada iyo Faa’iidada Nabadda, waxa uuna mar kasta u soo bandhigi jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada si ay ugu cibro qaataan, maadaama mudo sanooyin ah ay dagaal iyo colaad ku jireen, waxaana filimaadaasi ka muuqday is barbardhig dhinaca Colaada iyo Nabadda, iyadoo dadkii daawaday ay aad u qushuuceen, waxayna C/Qaadir Yaxye ku amaaneen sida uu mar kasta ugu hawlan yahay sidii ay Soomaaliya nabad ku heli lahayd, waxayna dhamaan dadyowgii kala duwanaa ee ka qayb-qaatay munaasabadihii lagu xusayay C/qaadir codsadeen in Maxkamad cadaalad ah la soo taago kuwii ka dambeeyey dilka C/Qaadir Yaxye.

          Qoraalkaan ayaa ujeedada ka dambeysa waxay tahay si aan u dareensiiyo bulshada Soomaaliyeed waxqabadkii dadkii halyeeyada ahaa ee C/qaadir uu ka mid ahaa, waxa uuna Qalinkeygu u hiilin doonaa kuwa mar kasta u taagan Nabadda iyo dib u heshiisiinta oo uu ugu horeeyo C/Qaadir Yaxye iyo qaar kale oo la mid ah

Cabduqaadir Yaxye waxaa uu dhashey Sannad 1957 wuxuu ku dhashey Magaalada Muqdisho intii uu noolaa wuxuu ka soo shaqeeyey wasaaradii Beeraha  xilgii DowladiiMiltariga , wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Safaaradii Mareykanka ay ku lahayd Magaalada Muqdisho , waxaa kaloo ka mid ahaa shaqooyinkii uu soo qabtey isagoo ka soo shaqeeyey Xafiiskii Siyaasadda ee UNOSOM iyo weliba Midowga Yurub waxaa kaloo ka mid ahaa Hayadaha uu ka soo shaqeeyey Cabduqaadir Yaxye Hayadda DBG iyo Hayadda Caalamiga ah ee WSP

Cabduqaadir Yaxye wuxuu ka mid ahaa raggi dhidibada u aasey Hayadda  Cilmi Baarista iyo Wadatashiga ee CRD wxuu kaloo xubin ka ahaa Hayada Nabada ee Elman (Elman Peace Center )

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Geeridii Marxuum C/qaadir Yaxye oo ay 4 sano ka soo wareegatay iyadoo maanta Umadda Soomaaliyeed ay dhexda uga jiraan waxyaabo uu ka digi jiray intii uu noolaa

 

Afar sano ka hor xalay oo kale ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan gurigiisa ku dileen marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga CRD.

Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ka tegay xusuus aysan hilmaamin Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ah kaalintii uu ku lahaa u ololeynta nabadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha  Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga shaqeyn jiray sidii loo soo celin lahaa Nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.
            Hadallo uu ka jeediyay Shirar badan oo uu ka qeybgalay ayuu ka sheegay hadallo weli taagan oo ku aadan Dhibatada Soomaaliya ka jirta haddii ay ahaan lahayd dilalka, xaalufinta lagu hayo kheyraadka dalka iyo weliba sida uu dalka Soomaaliya dhul, cir iyo bad uu u noqday mid laga isaga tallaabiyo waxyaabo sharci darro ah.

Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayuu sheegay in ay lacag aad u badan Qaad uga bedeshaan Dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay Dowladda Itoobiya lacag aad u badan ugu bedesho dadka Soomaaliyeed hub, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka Soomaaliya noqday meel la isaga gudbiyo waxyaabo sharci darro ah oo ay daroogada ka mid tahay.

Runtii C/qaadir Yaxye waxaa uu ahaa Nin wax badan ku baraarujin jiray Dadka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay ogaadaan wixii dhibaato ugu jirto iyo wixii u faa’iido ah, wanaaggaas uu Umadda u sheegayay dartiis ayaana loo dilay, sida ay sheegeen Dad badan oo ka qeybgalay aaskiisii oo dhacay 11-kii July 2005.

Muxuu yiri C/qaadir Yaxye,
Maxaase laga yiri Geeridiisii?

“Magaalada hadda aan joogno ee Muqdisho dadka ayaa la dilayaa, Soomaalida dhaqan iyo caado uma lahayn in ninka wax dila uu dadka iska dhexmaro qof la hadlana aysan jirin, dadkiina dad nool oo sharaf, diin, dhaqan iyo caado leh waaye, waxba kama duwana marka dhurwaa intuu Ri’ iska qabsado iska dilo oo halkaas iska maro, Dadka waa ka sheekeynayaan dhibaatadaas waxba kama qabanayaan, dadkaas annaga ayaa ka mid ah, idinka ayaa ka mid ah, kuwa naga maqan ayaa ka mid ah, Dad badan oo Diinta iiga fiican ayaa idinku jira, Soomaaliya xaaladdeeda waxay taagan tahay Aleysa Minkum Rajulun Rashiidun, mala waayay hal nin oo fiican oo idinka mid ah”ayuu ka yiri C/qaadir Yaxye Dood wadaag looga hadlayay Xal-u-helidda Mushkiladda Soomaaliya, taasi oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda CRD.

Waxaa xusid mudan in ay sii socdaan waxyaabihii uu marxuum C/qaadir Yaxye ka digi jiray ee ay ugu horeeyeen dilalka dadka aan waxba galabsan loo geysanayo, kuwaasi oo kuwii ugu dambeeyay loo geystay Afhayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale, Guddoomiyihii Guddiga Taakuleynta Agoonta C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe oo isaguna ganacsade ahaa iyo Cusmaan Cali Axmed oo ahaa MAdaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay'adda UNDP.

Wuxuu ka hadlay C/qaadir Yaxye waxyaabo haddii ay sameyso ay ku guuleysan karto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaas xubnaheeda ay Muqdisho iyo Jowhar kala deganaayeen, wuxuuna sheegay in ay Dowladda guuleysan karto haddii ay la timaado cod dib u heshiisiineed, wuxuuna sheegay in haddii ay cod dib u heshiisiineed oo ka qaldamay Dowladdii Carta ay la timaado ay guuleysan karto, haddii ay la imaan weysana ay guul-darreysaneyso.

“Ma jiro qof doortay in uu noqdo reer hebel, Sidaas darteed waa qalad in qof loo waxyeeleeyo ama loo dilo waa reer hebel” sidaas  waxaa intii uu noolaa yiri C/qaadir Yaxye oo intaas ku daray in Soomaaliya ay u eedeysan tahay Shacabkeeda, Shacabkeedana ay u eedeysan yihiin amuur aysan iyagu ka arimin.

Marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali isagoo dhibaatada Soomaaliya ka fogaan karay ayuu go’aansaday in uu dhibataada la qeybsado dadka Soomaaliyeed, isagoo uu dhibkii la qeybsanaya ayaana la dilay.

Haddaba iyagoo xusuusanaya saaxibadii ay wada shaqeyn jireen ayay xus ugu sameeyeen Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga  CRD ee Magaalada Muqdisho, Sidoo kalena Hay’adda CRD ayaa iyadoo xusuusaneysa marxuum C/qaadir Yaxye ay waxay Kutubta Qur’aanka iyo kaalmooyin kale  gaarsiisay Masjidyo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kalena dayactir ku sameysay Dugsi wax lagu barto oo ku yaalla Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in Magaalooyin badan oo ka tirsan Caalamka maanta lagu qabanayo xusas loogu baroor-diiqayo marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo u ololeyn jiray Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1957, wuxuuna wax ku bartay isla Muqdisho, wuxuu ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Beeraha xiligii Dowladdii hore, Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ka soo shaqeeyay, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay howlgalkii rajo soo celinta ahaa ee UNOSOM II ay Soomaaliya ka waday, wuxuu la soo shaqeeyay Midowga Yurub, wuxuu xubin ka ahaa Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuu la soo shaqeeyay Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG), markii ugu dambeysayna wuxuu ka tirsanaa madaxda Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD.

 

 

Faafin : SomaliTalk.com | July 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version