SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shiikh Maxmed Idiris Iyo Shiikh Caa,id Al-qarani:- Culimo Dhacdooyinka La Socota.

 


Asad Cadaani Ibraahim.

asadlaska@hotmail.com

__________________________________________________________________________________

 

Ilaahay Ayey Mahad Oo Dhami U Sugnaatay, Nabigeennana Naxariis Iyo Nabad Galyo Korkiisa Ha Ahaato, Intaas Dabadeed.

Maqaalkan waxaa igu dhaliyey in aan qalinka iyo warqadda u qaato markii aan muddo akhrinayey maqaallo iyo fikrado ay soo bandhigeen labada Shiikh ee Sh. Maxmed Idiris iyo Sh. Caa,id Al-qarani , kuna soo kala bandhigeen saxaafadda Carabta iyo tan Soomaalida loogu akhriska badan yahay kuwaas oo ah webebka Soomaalida kuwa ugu miisaanka weyn oo uu ka mid yahay webka Somalitalk.com oo Shiikh Maxmed Idiris ku soo bandhigo maqaallo Joogta ah, iyo wargeyska caanka ah ee la yidhaado Asharqalawsat oo uu Shiikh Caa,id Al-qarani ku lee yahay maqaal maalin-le ah.

Runtii iyada oo aan Soomaalida culimada ugu caansan sida Shiikh Maxmed Idiris oo kale looga baran in ay wax ka baxsan Duruus iyo muxaadarooyin bulshada kula xidhiidhaan sida maqaalada oo kale ayaan muddo dheer marka aan arko sawirka Shiikh Maxmed Idiris iyo maqaal la socda odhan jiray ar-maanu Shiikh Maxmed Idiris ahayn qofka maqaalkan qoray ee sawirka iyo maqaalku si khaladd mad-baciya isu raaceen, waana wax ka dhacda saxaafadda had iyo jeer ama webebka in sawir iyo maqaal aan islahayn lays raaciyo, hasa yeeshee maqaaladii oo isa soo taray muddooyinkii ugu danbeeyey ayey marka naftaydu ku xasishay in maqaaladan uu qoray Shiikh Maxmed Idiris.

Waxaan isagana maqaallo badan oo uu lee yahay akhriyey Shiikh Caa,id Al-qarani oo si joogta ah ugu soo bandhiga wargayska caanka ah ee Asharqalawsat iyo webeb kale oo dunida carabta aad looga akhristo, Shiikh Caa,id oo Dunida Muslimka Caanka ah ,Shiikhan oo u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudiga, labada Shiikhba waxay had iyo jeer soo qaataan arrimo ay kala kulmeen safarro faro badan oo ay daafaha adduunka ku kala bixiyaan iyaga oo markaasi muxaadarooyin iyo shirarba halkaas kaga qayb gala, waxaana ka maqnayn maqaaladooda in ay ka hadlaan wixii markaa ka taagan dalalkooda iyo dhacdooyinka markaasi ku cusub adduunka.

Labadan Shiikh waxaan marka tusaalaha ugu soo qaatay iyada oo ay jiraan culimo kale oo waliba u badan Carabta oo iyagu maqaallo joogta ah qora , inkasta oo sidaan hore u soo xusay Soomaalida aan looga baran Culimo maqaallo ku soo bandhigta fikirkooda, amaba Buugaag ay allifaan oo sideedaba Culimada Soomaalida ay ku yartahay Hal abuurnimada buugaagta lagu allifo oo ay had iyo jeer uun bulshada u fasiraan Culimo hore wixii ay soo bandhigeen.

Waxaan markaa labadan caalim ugu soo qaatay tusaalaha labadooduba waa laba Shiikh oo Salafiyiin ah, isla markaana ku soo beegmay xilli dalalka muslimiinta ay ka jiraan fikrado badan oo qaarkood dhiigbadani ku daatay , ragga fikradahaas xanbaarsanina ay u arkaan in lagu gaadhi karo dawlad islaamiya oo dalalka Muslimiinta dhidibada loogaga taago sida ay iyagu arrimaha u arkaan.

Shiikh Maxmed Idiris wuxuu si hufan qoraalladiisa ugu soo bandhigay sida uu arko arrimaha Soomaaliya maanta ka aloosan ,isaga oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda waliba xagga dhallinta baraaruga islaamka wadda ku leh maqaam lagu ixtiraamo , wuxuuna aad isugu dayaa in arrimaha maanta Soomaaliya ka socda aan ismutuxin lagu abbaaarine ,xeeladaysi-na lagu daro, waxaad fikirkaas ka daalacan kartaa maqaaladii uu Shiikhu ku soo bandhigay fikirkiisa xilligii Shiikh Shariif la doortay isaga oo u arkayey in la taageero Shiikh Shariif , waxaadna ka dareemaysaa in uu si toos ah iyo si dadbanba ula hadlayo xarakooyinka iyagu u arkayey in muquunis arrimaha Soomaaliya lagu abaaro si loo helo dawlad islaamiya oo dalka Soomaaliya ka hana qaada.

Waxaadna dareemaysay muddooyinkii danbe in uu dawlada Shiikh Shariif ku dhaliilayey saansaanka ay la soo shir-tagtay , gaar ahaan sidii ay xukuumadda Shiikh Shariif u maaraysay arrinta xuduudda badda ee dalka Soomaaliya iyo dhacdooyinka xilligan ka taagan Muqdisho.
Waxaana in lays-dultaago mudan sida lagama maarmaanka ay maanta u tahay in la helo culimo dhacdooyinka adduunka ka jira la socda , Soomaalida dhexdeedna ku leh ixtiraam, isla markaasna saadaalinkara duruufaha ku hareeraysan dalka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ku geedaamaan shacabka Soomaliyeed , aragti cilmiyeysanna loogu eegi lahaa dhacdooyinka , iyada oo waxa ka jira adduunka lala kaashanayo lagana tagayn diinteena wanaagsan iyo dhaqankeena suuban , bulshadana loogu soo bandhigi lahaa, looguna jeexi lahaa waddada ugu haboon ee dal burburay iyo dad kala irdhoobay loo kab-kabi lahaa , laysuguna soo celin lahaa.

Arrimaha dhiiri galinta lahi wax weeye sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu baahan tahay Shiikh Aqoonyahan ah oo dhacdooyinka adduunka la socda iyo ururada Islaamiyiinta ah ee adduunka ka jira kuwooda guulaystayna u soo bandhiga shacabka ay ku yar tahay inta wax akhrida ama wax qortaa , waliba iyada oo la ogyahay guushaasi ay gaadheen qaarka mid ah ururada Islaamiyiinta ku astaysani in aysan ahayn tii loo baahnaa ee ay ku dhalan lahayd dawlada islaamiyad ahi ,ee ay tahay guushaasi (Maalaa yudraku kullahuu, Laa yutraku jullahuu) oo macnaheedu yahay wixii aan dhamaantii lawada heli Karin ama lawada gaadhi Karin, lagama wada tago, yacni waxa weeye haddii aad xilli xilliyada ka mid ah heli kartid in shareecadda Islaamka la daboqo 10% intaas aad heli kartid qaado, kuna dadaal in aad kor uga sii qaadid tiradaas, waxaaba dhici karta in aad dagaal dheer u gashid soo celinta waxyaalo yar yar oo aan buurnayn sida maanta ka jirta Turkiga oo kale oo uu maqaalkii ugu danbeeyey ku soo qaatay Shiikh Maxmed Idiris ,oo ah sida ururka Turkiga maanta ka taliya u soo samray ilaa uu maanta shacabiyad iyo taageero balaadhan ku hantay.

Turkigu waa tusaale nool oo maanta la soo qaadan karo, ururada muuqaalka islaamiyiinta lahi ee ka jira dalka Turkigu iyaga oo aan is dhiibin ayey xeeladaysteen oo marba wixii loo ogol yahay qaateen, marka loo baahan yahay in ay tanaasulaan tanaasuleen, iyaga oo u arka tanaasulkaas nasasho dagaal yahan, oo uu nasanayo muddo gaaban , haddana uu halkii dagaalkiisa ka sii wadayo.

Tusaale waxaa kuugu filan sida xisbigii la odhan jiray Rafah ee Najmudiin Arbakaan looga takhalusay, C/lla Guul waa madaxweynaha dalka Turkigee iyo Artugan waa raysal wasaaraha dalkaase labaduba waxay ka ahaayeen xubno xisbigii Najmudiin Arbakaan, markii xisbigaa la kala diray ,Najmudiin Arbakaanna laga fadhiisiyey siyaasaddii , ismay dhiibine waxay haddana aasaaseen xisbigii la odhan jiray Al-fadiila , isna waa laga kala diray.
Waxay haddana aasaaseen xisbigan Caddaaladda iyo Horumarinta, markaasaa loo diiday Ardugaan in uu iska soo sharaxo deegaankuu ka soo jeeday, wuu ka tagay goob kale ayuu iska soo sharaxay, markaas ayaa haddana muddo loo diiday in uu Raysal wasaare noqdo ,oo sxbkii C/lla Guul si kumeelgaadha ah u sii qabtay , intaas oo goobood waa laga soo kiciyey, ismana ay dhiibin ilaa maanta hawshoodii waa wadaan.

Taas macnaheedu waxa weeye ragg baa ku hawlgalay Turkiga oo Calmaaniyiin gacanta ku dhigeen ilaa dagaalkii koowaad ee aduunka dhamaadkiisii kana shaqeeyeen burburkii khilaafadii Islaamka raggaas oo leh Najmudiin Arbakaan, C/lla Guul, Ardugan, Cali Baabaa jaan una babac dhigeen iyada oo uu Najmudiin Arbakaan ku soo jiray siyaasada muddo Lixdan sanno ah.

Anniga oo aan doonayn in aan Sh. Maxmed Idiris ka carsha carsheeyo maqaalada Xiisaha badan ee uu inoo soo wado ayaan waxaan uga mahadinayaa sida qiimaha badan ee uu Shiikhu inoogu soo bandhigayo talooyinka wax ku oolka ah ee ay xanbaarsan yihiin maqaaladiisu, waxaanna ku boorinayaa Sh. Maxmed Idiris oo luqado badan wax ku qora in uu maqaaladan xiisaha badan saxaafadda kale ee la akhristana ku soo bandhigo gaar ahaan kuwa dunida Carabta oo aynu ugu baahi badanahay maanta in fikradaha dhaxalgalka ah ee aan dhinacna u xaglin ee xaqa ku adima lagu soo bandhigo ,si bulshooyinka inagu xeeran u fahmaan arrimaha Soomaaliya ka taagan.

Istanbuul iyo Casharada Siyaasadda Erdogaan! Akhri...

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 07, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version