Muuqaallada hoggaamiyaha xun
Dhowr qof oo akhriyey qaybo ka mid ah buugga ‘Hoggaamiye’ ayaa iga
codsaday in aan wax ka bidhaamiyo muuqaallada iyo sifooyinka hoggaamiyaha xun.
Waxaan leenahay, hoggaamiyaha xummi wuxuu ka mid yahay
calaamadaha qiyaamaha. Aba-Hurayra (RC), wuxuu ka wariyey Rasuulka (SCW) xadiis
micnihiisu ahaa ‘marka awooddu gacanta u gasho dad aan ehel u ahayn, filo
qiyaamaha’. Hoggaamintu ma aha wax cidla iska taalla; ma aha wax lagu helo
baqtiyaanasiib; ma aha wax, sida neef ‘muquuno’ ah, qofka la iska siiyo; ma
aha ‘ku qabso ku qadi mayside’. Hoggaamintu waa ammaano, waa mas’uuliyad,
waa balanqaad la iskala xisaabtami doono adduun iyo aakhiro labadaba.
Hoggaamintu waa xirfad; waa aqoon; waa waaya’aragnimo; waa diyaargarow. Sida
ay mustaxiil u tahay, in dadku naftooda ku aamminaan, si uu qalliin wadnaha ama
maskaxda ah ugu sameeyo, dhakhtar aan waaya’aragnimo iyo sumcad wanaagsan
lahayni, ayay mustaxiil u tahay in ummad masiirkeed loogu aammino qof aan
hoggaamiye sax ah ahayn.
Sida VanVelsor (1996) iyo rag kale tilmaamaan,
hoggaamiyaha aan saxda ahayni waa mid: xirfaddiisu yartahay; garaadkiisu
hooseeyo; laguna yaqaan kalsooni darro, cuqdad, caajis iyo go’aan xummo.
Kellerman (2004) hoggaanka xun wuxuu u kala saaraa laba nooc: kuwo wax
qabadkoodu xun yahay iyo kuwo aan qiyam (value) iyo akhlaaq lahayn. Nooca hore,
waxaa sababa aqoon darro iyo ad-adayg. Nooca danbana waxa gundhig u ah: jahli,
khiyaamo iyo doqonimo. Hogan iyo Hogan (2002) sababta ugu weyn ee hoggaamiye ka
dhigta mid xun waxay ku tilmaamaan aqoon darro la xiriirta akhrinta, turjumida
iyo fahanka dhacdooyinka. Dotlich iyo Cairo (2003) waxay iyana taxaan waxyaabo
badan oo aasaas u noqon kara in hoggaamiye xumaado. Waxyaabahaasna waxay ku
daraan: kibir, degganansho la’aan dhanka caadifada ah, cabsi joogto ah oo ka
hor istaagta in uu go’aan gaaro, kalsooni xumo, is-buufin, is-cajabin, iyo in
uu ku mashquulo wax aan qiimo lahayn. Ibn-Khalduum, kitaabkiisa Al-Muqaddimah,
wuxuu ku doodaa in hoggaanku xumaado markuu fahmi waayo xarriga isku hayo isaga
iyo shacabka. Xarrigaas, oo Covey (2002) ugu yeero kalsooni, waa xabagta ama
koollada isku haysa hoggaamiyaha iyo shacabka.
Waxaan leenahay, sida Samatar iyo Samatar (2002) soo
bandhigaan, hoggaanka xumi, ma aha mid la soo bilowday dagaalka sokeeye, ee
wuxuu soo bilowday xilligii daakhiliyada. Laga soo bilaabo xilligaasna, qiyam
(value), aqoon iyo waaya’aragnimo kama mid ahayn waxyaabaha lagu xusho
hoggaamiyaha. Tusaale ahaan, sebenkii daakhiliyadii, Cismaan Yuusuf Keenadiid oo
wax ka bidhaaminaya dadkii qabtay hoggaanka ummadda waa tuu lahaa “Teersana
rag aan dhigan markii taladii loo dhiibay”. Xaaji Aadan Af-Qaloocna waa tuu
isna lahaa ‘Aqoon lala colloobiyo jahliga amarka loo dhiibay”. Faarax
(1990), buuggiisa Xeebtii Geerida, mar uu sawir ka bixinayey dadkii Maxamed
Siyaad Barre jaggooyinka muhiimka ah u dhiibi jiray wuxuu tilmaamay in dadkaasi
ahaayeen kuwo aqoon ahaan, maskax ahaan iyo akhlaaq ahaanba hooseeya. Cabdi
Muxumud Ammiin oo isna tilmaamaya kuwa maanta madaxnimada loo dhiibo waa tuu
lahaa “wasiir beeli keentow aqoon buuran maad lihid”.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa tixo aan ka soo qaadanayo
laba gabyaa oo caan ah. Kan hore, waa Xaaji Aadan Af-Qalooc. Xaajigu, isagoo ka
dardaarmaya dadka qabanaya mas’uuliyada ummadda wuxuu yiri “Mas’uuliyadu
waa adagtohoo waa ammuur culuse; ardaal iyo nimaan qaadi Karin looma aamino’e”.
Kan kalena waa Cali Axmed Raabeh. Cali oo isna nal ku shidaya dadka ummadda
masiirkeeda marooqsaday waa tuu lahaa “dabar looma dhiibteen kuwaad daba
xadrayseene”. Haddaba, aan dib isugu laabano oo iswaydiino “maxaa damman
inaka dhigay?”
Idanka Eebe, su’aalaha faraha badan ee ay I soo
waydiiyeen dadka akhriyey buugga ‘Hoggaamiye’ midba maalin ayaan wax yar ka
bidhaamin doonaa. Jawaabtan kooban, waxaad iyadoo aad u faah-faahsan ka daalacan
kartaa buugga ‘Hoggaamiye’. Si aan kuugu sheego meesha kuugu dhow ee aad ka
heli karto, fadlan la soo xiriir qoraaga.
Halkan
ka eeg qoraal ka hadlaya Buuga Hoggaamiye ..Akhri
Saciid Cali Shire
Buuh Publications LTD
Leicester, UK
t. 00 44 (0) 783 8236 171
e. saidshire@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 07, 2009 |