W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________________________________________
Cudurka AIDS-ka waa cudur dhawaan si rasmi ah u shaac
baxay, inkastoo mudo fog baaritaankiisa la soo bilaabay, haddana ilaa iyo
hadda wax daawo si qaas ah lagula tacaali karo qof qaba AIDS ma jirto
marka laga reebo Daawooyin Kaalmaati ah oo qofka Qaba Cudur sidaha HIV/AIDS
la siiyo mooyee, waxayna Dhakhaatiirta Adduunka isku raaceen in AIDS-ku yahay
cudur halis ah oo natiijadiisa dambe ku biyo shubato in qofku galo xaalad xun
oo ugu dambeyn uu u dhinto.
Cudurkan dhibaatada iyo xanuunka uu xambaarsan yahay marka
laga yimaado, qofka Qaba AIDS waxaa u sii dheer cudurka arxan daro uu kala
kulmo inta badan bulshada uu markaa ku ag nool yahay, kuwaas oo takoora ama ku
faquuqa cudurkaa uu qabo dartii, waxayna taasi keentaa in qofka uu haleelo
AIDS isku arko mid isla markaaba aan tirsaneyn oo naftu isaga jirto oo keliya,
waxayna Dhakhaatiiru sheegeen in middani saacidi karto in qofka Qaba AIDS-ka
uusanba mudo badan noolaan, haddii uu noolaadana uu ku noolaado darxumo isagoo
markaa la mid ah sidii qof mayd ah oo kale, waxaana dayacma dadaalo badan oo
loo sameyn lahaa qofkaasi.
Haddaba waxaa jira dad badan oo la nool cudurka AIDS-ka oo
intooda badan la takooray, qaarkood waxay ku dayacan yihiin dalka, intooda
badan waxay u badan yihiin dad aan laga war haynin oo waalidkood iska soo
raacdeeyey, dadkani way tuugsadaan iyagoo aan dadka u sheegin in ay qabaan
cudurka AIDS-ka, bal ha inoo sheekeyso Gabar qabta Cudurka AIDS-ka oo sidaa oo
kale la soo raacdeeyey, waxayna sheekadeeda ku bilaabeysaa.
“Waxaan ku noolaa nolol wanaagsan oo heer sare ah,
wax isaga kay qasnaa ma jirin, xaalkeygu waxa uu ahaa mid sidii aan
doonayay ku socday, wax ka baranayey iskuul ilaa aan gaaray dugsiga sare,
markii aan doonayey in aan Jaamacad isku diyaariyo ayuu nasiibkaygii xumaaday,
waxaan si lama filaan ah iigu dhacay cudurkaan AIDS-ka, waan xanuunsaday
markii aan baaritaan isku sameeyeyna waxaa la ii sheegay in aan AIDS qabo,
waan naxay, waxaase iga sii naxdin badnaa Waalidkay, inkastoo aan islahaa wax
bay fahmi doonaan oo waa dad waayo arag ah, haddana Waalidkay way iska kay
fogeeyeen oo waa ay I karaatiileen, waxayna dantu igu qasab tahay in sidaan
miciin bido oo aan wadooyinka iska dhacdhaco oo aan tuugsado, waxaan ahay oo
keliya Geeri Sugto, waxaana ii fiicnaan lahayd in aan iska rawaxo oo aan
dunnidaba ka hayaamo, laakiin weli waan dhiman la’ ahay”, haddaladaas
murugada xambaarsan gabadhaa oo keliya kuma hadaaqeen waxaase badan dadka ay
afkooda ka soo yeerayaan cabashada ku aadan in AIDS lala tagooray, markaan ila
akhri qof kale oo ka hadlaya Dhibaatada uu qabo kadib markii AIDS uu ku dhacay,
waxa uuna leeyahay
“Waxaan ahay nin haybad illaah siiyey oo lafweyn oo
xoog u dhashay, haddase waxaan u ekahay xabad Istakiin ah, sidaa waxaa ii
baabi’yey Cudurka AIDS-ka oo igu dhacay, kadib markii Isbitaal aan ku jiray
dhiig qaldan la iiga shubay, balse dadku waxay ii maleeyaan in aan wado xun ku
kasbaday Cudurkaan igu dhacay, sidee dadka wax u fahmsiiyaa?, ma garanayo,
balse waxaan ku dadaalaa in aan ku sabro musiibadda igu dhacday, waxaana la
darsay dhibaatooyin badan waa hore ayay dadkaygii iga dhaarteen oo naguma
abtirsatid ayaa la igu yiri, waan iska noolahay markii taydu dhamaato ayaana
dhimanayaa, waxaana dadka u sheegayaa in aysan wanaagsaneyn in la takooro
dadka Cudurkaan AIDS-ka, maxaa yeelay waxaa laga yabaa in adiga takooraya aad
ka hor dhiman kartid”.
Dadkaa la takooray ee eheladoodu wax la fahmi waayeen
marka laga soo gudbo, waxaa jira dad kale oo iyana la nool Cudurka AIDS-ka
balse gacan ka helay Ehelkooda kuwaas oo la dadaala qofkooda qaba
AIDS-ka, mar walba niyadda u dhisa una muujiyana in xag alle wax walba ka
qoran yihiin ee loo baahan yahay in lagu samro, qofka caynkaa waa sidee
noloshiisu, muxuuse kuwa kale ee la takooray uga duwan yihiin?. Bal markooda
ha inoo sheekeeyeen;
“Waxaan ahay wiil 20-jir ah oo la nool cudurka
AIDS-ka, runtii inkastoo aan iska dhigin dadka kale ee aan qabin cudurka,
hadda inta badan in aan qabo AIDS waa hilmaamaa, taana waxaa iigu wacan waa
marka hore in ehelkaygu ii sameeyaan wax kasta oo ay igu hilmaasiin karaan in
aan ka fekero AIDS ama aan isliido, ama aan nolosha ka quusto, waxaan tusaale
kuugu soo qaadan karaa in hadda ay mudo 10 sano ah ka soo wareegatay xiligii
la iga sheegay AIDS-ka, welina wax sidaa u balaaran oo dhibaato ah iskuma arko,
waxaan qaataa kaalmaati iyo waliba dhiiragelinta bulshada aan la noolahay”.
Cudurkaan AIDs-ka ayaa wadanka Soomaaliya ka jira
qaybo badan oo ka mid ah, dadka qaba cudurkaana isku si loolama dhaqmo marka
loo firiyo gobolada dalka, qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ma faquuqaan
dadka qaba cudurka, halka kuwo kalana aanba la maqashiin Karin qof qaba AIDS,
isku soo wada duuboo waxaa wanaagsan oo dadka Cilmu Nafsiga yaqaana sheegeen
in loo baahan yahay in aan la takoorin qofka qaba cudurka, waxay leeyihiin
dadkani iska daa qof qaba AIDS ee xitaa haddii la takooro qof caadi ah
waxayna qofkaasi noloshiisu noqoneysaa mid ciriiri ah oo uu tabo wax badan uu
u baahnaa.
Dowladda
Sheekh Shariif: Neef Gawracan Geedo kama Waabto! Akhri
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com