SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

U yeeritaanka Itoobiya waa dhamaadka DKMG-II  

Laba sano iyo bar ka hor (Juun 2006) ayaa barlamaan isku sheegii Embaghati oo uu horkacayay Shariif Xasan Sh Adan oo iminka ah Wasiirka maaliyada and raisal wasaare ku xigeenka DKMG-II oo horwadeenka ka yahay Sh Shariif Sh Axmed waxaa ay u wacdeen in Somaliya lala soo gaaro ciidan aan kala sooc lahayn, dhawaqaas waxaa durbaba dhegta u dhigtey Itoobiya, waxayna markiiba bilaabeen in la yiraahdo DKMG-I xubnaheeda anagaa idin ilaalineyo, ilaa laga gaaro in la bahdalo loona diido iney wixii ay rabaan ku hadli karaan, waxaana ka amar qaata la yiri Col Gabre. 

Maxkamadihii midoobey oo horawdeenka ka ahaa Sh Shariif ayaa taageerada shacabku siiyey gudaha iyo dibedana, waxaan meesha ku dhintey magacii qabiilka ee Somaliya in mudo ah la xanuunsanayd, taageero dhinac walba ah ayaa loo fidiyey, culimaa’udiin, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro, haween, duqow iyo ardayba waxay ka qeyb qaateen difaacii MM-da, DKMGna waxay ku soo ururtey Baydhabo oo labada daafood Itoobiya ka fadhiyeen, magaalada Baydhabo waxay gashay bandoow kaasoo socday ilaa Janaayo 2009. 

DKMG-da C/lahi Yusuf iyo Maxamed Cali Geedi garwadeenka ka ahaayeen waxay qeylo dhaan u direen Addis Ababa, markiibana waa loo jawaabey in laga fujiyo qaniinyada ay MM-da ku heysey, waxaana markiiba wadanka intiisa badan wada qabsadey Itoobiya laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Raas Kaambooni, taasoo Mareykanka, Ingriiska iyo Kenya gacan ku siinayeen. 

Si loo kala dhantaalo shacabkii qiirada u haayey in mar Somali aan qabiil la isku heysan arkaan ayaa maroor dilaac ku abuurmey, waxaa lakala furfurey xoogagii maxaakiimta, halka qaarna la diley, qaarna carareen, qaarna juqda u galay iney dagaal abaabulaan, balse Illaah nasrigiisa ayaa waafijyey waxa isku aruursadeen iney la dagaalamaan IToobiyaankii oo dhibaato baahsan shacabka ku hayeen, ilaa la gaaro in C/Lahi Yusuf iyo Geedi ay maalinkasta ay warka Gabre shacabka u gudbiyaan, waxaa si naxriis daro ah loo laayey shacab tiro badan, waxaa la bililiqeystey hanti faro badan, waxaa la kufsadey haween Soomaaliyeed oo tiro badan, midkii dhaqanaana lacag madax furasho ayaa lagu soo deyn jirey, waxaynta dhaqan rogeen ciidankii DKMG oo la baray cabida qamriga iyo istimaalida maandooriyalka ay ka mid yihiin xashiishka iwm. Baarlamankii DKMG qaarkiis waxaa la baray cabida qamriga si aysan u noqon kuwo ka fekara daruufta shacabkooda. 

Iyadoo la ogyahaya dhibaatada baahsan ee Itoobiyanka u geeysteen shacabka Somaliyeed dhinac walbo, iyadoo weli laga soo qufayo lafo ah shacabkii iyo culimadii ay ku xasuuqeen xeryaha ay degnaan jireen intii ay joogeen Somaliya. Ilaa hada waxaa lala’yahay boqolaal dhalinyaro Somali, weli qaar ku xiran xabsiyada Itoobiya.  

Dhibaatada baaxada iyadoo jirta oo islaamihii casaayga laga dejinin, meydadkii si wanaagsan loo aasin, guryihii burburey shacabkii ku soo noqon, dhaawacii mujaahidiinta isbitaalada yaalaan ayaa waxaa si jees-jees ah markale Adan Madoobe Itooiyanka dalka u dalbady iney markale soo galaan oo wadanka horey ugu sii wadaan wixii ay geysteen. Inta caqliga lihi mas’uul ha ahaado ama yuusan ahaanin wuu dareemi karaa hadalka Adan Madoobe dhaawaca uu u geystey shacabka Somaliya.  

Inta badan shacabka waxay rabaan in laga saaro AMISOM si kasta haloola tacaalee, loo awood sheegto ama sasab lagu saaro iska daaye in kuwii shacabka gumaadey markale lagu marti qaado, hadalada Adan Madoobe waa mid sii dheereyneysa xalka Somaliya, waana mid soo dedejineysa dhamaadka DKMG-II.  

Koleyto hadalkiisa waa mid la ogyhay Sh Shariif waayo labaduba waxay degen yihiin villa Somalia, midkasta AMISOM baa ilaalo ka heysa, waxaa kaloo sharci daro in baarlamaan tiradooda gaareysa 550 magacooda uu Adan Maboobe sidii uu rabo u isticmaalo, kana been sheego, 550 dhamaantood ma wada xuma waxaa ku jira kuwo dareensan waaqica ka jira Somaliya, balse ma ahan iney ka sii aamusnaadaan beenta iyo dhaawaca shacabka uu u geysanayo Adan Madoobe. Maalmo ka hor ayay ahayd oo uu isugu wacay xubnaha uu isagu afhayeenka u yahay waxaana yimid in ka yar 80, inta kale naftooda ayay la carareen ileyn meel xarbi ka socdo ayuu rabaa in ku tahlukeeyo 550 ruux oo runtii ku jira kuwo wadanka wax u tari kara oo aanan Amxaaro iyo gaalo raac la tusin karin. Balse iyaga ayay u taalaa iney war ka soo saaraan hadalka qabiixa ee uu Adan Madoobe ku Hadley doraad.  

Al-Shabab iyo Xibul Islaam dhalinyarooda iyo hogaankooda waa kuwa shaleyto Amxaaro dalka ka xoreeyey iyagoo kaashanaya Illaahooda iyo shacabkooda xalaasha ah, hadana labadiiba waa joogaan, maanta taageeradooda iney sii siyaado mooyaane iney naaqusto u maleyn mayo, waayo tan Kismayo, ama Marka ama Baydhabo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn uguna dadka badan marka laga reebo Muqdisho isku darkoodana ku nool in ka badan 5 milyoon, nabada iyo barwaaqada ay heystaan u maleyn mayo iney Amxaaro isbaaro ugu dhigato guryahooda iyo masaajidyadooda dhexdooda, intey Gabre ka amar qaadan lahayeen waxay ka jecel yihiin walaalkooda Somaliga ah.  

Waxaan aaminsahay in shacabka intiisa badan arkayaan cida wax ay ka qaldan yihiin laba jiho ee isku heysa siyaasada Somaliya iyo sida xalka loo gaari karo, Sh Shariif waxaa loo soo jeediyey inuu walaalihiis la hadlo uuna balan qaado inuu fulin doono balanka, sida inuu ciidanka AMISOM wadanka ka saaro, culimada Somaliyedna labadaba waxa u soo jeediyeen in xal qaataan, labaduba waxay midka midka ku daawaday sida uu wax u bilaabi karo ama u fulin karo baaqa culimaa’udiinka. Laakinse waxaa barbar socdey hadalo dahsoon oo ka qufmayay afka dowlada, waxaan u sii dheereyd jees-jees uu Sh Shariifka ugu booqdey Uganda iyo Burundi una balan qaaday iney ciidankooda ciidan kale ku soo daraan, taasi hadaysan ahayn inuu Shariifka ka baxay balankii uu culimada ka qaadey, aniga ma aqaano wax kale oo aan ku tilmaamo. 

Waxaa kaloo barbar socdey in arimaha Somaliya loo weeciyo arimo qabiil oo runtii ah shey adag oo aan si fudud looga farxalan karin, balse Illaah mahadii taas ma dhicin markii inta caqliga lahayd ay gacmaha ka taagteen, waxaa mucjiso dowlada rabata in shacabkeeda qabiil qabiil isku xasuuqaan.  

Waxaan xasuusinayaa inta caqliga wanaagsani oo wadanimada, islaaminimada, dad jecelyka ku dambeeyo ee DKMG-II ku jira aysan isku dhejinin xukunka oo dhiiga badan ku soo daatey, welina ka sii da’aya, hadii magac qabiil laguu siiyey ogow in qofkaa mudnaa uu baanankaas taaganan yahay oo laba sano iyo bar madfaca Amxaarada duudka u dhiganayey, inaad hadana ugu yeertaan waa argagixiso ma ahan wax Illaaheey raali ka noqon karo, shacakana ogolaanayo. Xasuusnaada in mansabka uu shacabka iska leehey balse aysan ahayn mid UN-ka idiin hibeeysey, daba socdida Walad Cabdalah waxaa ka qeymo badan inaad xaqa aad u hiilisaan, waayo maalinbaa imaan doonta oo la idin weydiin doona waxa gacantiina ku kasbateen dhib iyo dheef wixii aad geysateen, u wacida Amxaarada ama ku taageeridooba niyad ahaanba waa shey qofka Muslimka ka xaaraan ah.  

Cadaawada Itoobiyanka ma ahan mid hada bilaabatey waxay nagala dagaashey Islaaminimadeena, Jamacada Carabta aynu xubin ka nahay iyo kheyraadka Illaahey inagu maneystey, iyo dowrka aan ka qaadan jirney difaacida arimaha Islaamka iyo Africa, haba ugu horeysee qadiyada dhulka Falastiin oo Itoobiyanku markasta la safan yihiin Israaiil. 

Hadaba shaqsiga caqliga leh ayaa laga doonayaa inuu hurdada ka kaco oo arko heerka maanta dalkeena iyo dadkeena ku sugan yihiin, qatar inaga soo food leh kooxda uu Sh Shariif horwadeenka u yahay laga feejignaado, kolba hady ku dhaqaaqeen in iyadoo cid qori madaxa kaga heysa aysan jirin ay badii Somaliya u saxiixeen Kenya, waxaan ma marag ma doonta ah in arimo ka sii waa weyn laga filan karo, ee aan ka ahayn Amxaarooy in soo gaara. Shaqsiga caqliga lihi waa inuusan oo aanan baadilka ku taageerin, in badan baa wax dulmi ku jira la taageerey min isticmaarkii ilaa dowlad ku sheega Shariifka balse iminka in la isku dayo sidii wax u toosi lahaayeen taasoo ah in xaqa lagu taageero cida wadadeeda heysa kan dulmiga iyo cadowga shacabka ugu yeereyana la takooro, sida Adan Madoobe.  
 
Wabilahi Towfiiq. 

Ahmed Ibrahiim

Ahmedey1@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version