SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Warar

Sh. Shariif oo Adis ababa kadagay safarkii Liibiya ka dib

Madaxwaynaha DFK Shariif Axmed  iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka dagay Dalka Itoobiya si ay xaalada cakiran ee dalka ugu sharxaan wadama Igad ay ka kooban tahay, waxay soo mareen Jabuuti sidoo kalena waxay tagi doonaan Kenya iyo Uganda, sidaa waxaa yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Siciid Yuusuf.

Sidoo kale Shariif Xasan Raysul wasaaraha Koowaad ee Dowlada Shiikh Shariif ayaa isna safarkaas sharxay isagoo ka gaabsaday inay Itoobiya Ciidamo kadalbanayaan, laakiin wuxuu cadeeyey inay siyaabo kale u kaalmayso. Shariif Xasan ayaa sidoo kale ka gaabsaday ku noqnoqo shada Dowlada Itoobiya uu ku tagay sadex goor labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Waraysiyadaas oo dhamaystiran hoos ka dhagayso

Shariif Xasan dhagayso                                    Yuusuf Siciid dhagayso 

 Al-Shabaab oo Dowlada u qabtay inay shancasho isku soo dhiibaan iyo Dowlada oo diiday

Dowlada oo digniin lasiiyey

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Dowlada siisay digniin shan maalmood inay isku soo dhiibaan, Wuxuu ugu baaqay Amiirka Xarakada Sh. Mukhtaar Abu Zubayr ‘ hadal uu sooduubay’ "Ciidamada Dowlada inay hubka dhigaan, Musuuliyiintana wuxuu ugu nasteexeeyey inay danahooda shakhsiga ah raacaan"

Abu Zubayr wuxuu ku goodiyey in maxkam Islaami ah la horkeeni doono masuuliyiinta Dowlada, Danbiyada ay shacabka ka galeen daraadeed iyo Ciidamada ajnabiga ah oo wadanka ay kusoo hogaamiyeen daraadeed. Wuxuu intaa ku daray Dowlada Soomaalidu u baahan tahay waa: "Dowlada ka dhalatay shacabka dhexdiisa kuna dhisan Cadaalada iyo walaal tinimo Islaami ah, wax gargaar ahna aan kasugayn Gaalada, Soomaalidana wuxuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan raadinta dowladaas"

Hadalka codka ah ee uu soo diray Amiirka Xarakatul Shabaab al- Mujaahidiin Sh. Mukhtaar Abu Zubayr dhagayso

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Oo Ugu Baaqay Ciidamada Dowlada Inay Hubka Kusoo Wareejiyaan 5-Cisho 

Amiirka Ururka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sh, Muqtaar Abuu- Subeyr oo habeenkii xalay ahaa idaacadaha muqdisho ka hadlayey isagoo cod fariin ah u soo diray ayaa ku hanjabay in ciidamada dowlada ay hubka iska soo wareejiyaan inta aan goobahooda loogu iman islamrkaana ugu baaqay inay haystaan mudo 5-cisho ah .

Abu subayr oo ka hadlay taariikhdii duulaankii wadanka afghanistaan iyo ciraaq ay ku qaaday xukuumada maraykanku ayaa ku tilmaamay in xiligan ay soo bateen muslimiinta raadinaya ku dhaqanka shareecada islaamka ee aaminsan in ALLE oo keliya aduunkan lagu caabudo taasina ay qaylo dhaan iyo cabsi ka keentay dowlada maraykanka .

Sidoo kale sh,subayr oo ku dheeraaday dagaaladii ay la galeen ciidamadii Ethiopia iyo sidii ay wadanka uga baxeen ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan goobaha ay dagaaladu iminka ka socdaan inay hubka kusoo wareejiyaan mujaahidiinta al-shabaab waa siduu hadalka u dhigaye isagoo cadeeyey inay madaxda dowladana ay maxkamada shareecada islaamka saari doonaan .

Maalmihii nasoo dhaafay ayay ahayd markii dagaalo aad loogu hoobtay ay ka dhacayeeyen degmooyinka shibis,kaaraan ,c/casiis iyo shangaani ,kuwaasoo u dhexeeyey ciidamada dowlada KMG Iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo weliba xoogaga islaamiyiinta ee AL-shabaab Iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac Ah islamrkaana ay inta badan degmooyinkaasi la wareegeen xoogaga islaamiyiinta ee alshabaab iyo xisbul islaam oo hada ka taliya .

Si kastaba ha ahaatee Hadalkan kasoo yeedhay amiirka xarakada mujaahdiinta alshabaab ayaa ka caraysiiyey qaar ka tirsan madaxda dowlada KMG ah ,taasoo uu jawaab kulul ka bixiyey wasiiru dowlada gaashaandhiga dowlada sh,yuusuf maxamed siyaad indhacade oo sheegay inaysan isu soo dhiibayn al-shabaab ee ay dagaal kala hortegi doonaan waa siduu hadalka u dhigaye .

Yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Ciidamada Dowlada oo Diiday isdhiibidaas

Sh. C/raxmaan Ciise Cadow oo ku hadlayey magaca Ciidamada maxkamadaha Islaamka ee ku biiray ciidmada Dowlada ayaa yiri " Ciidama xubka uma qaadin inay ku raali galiyaan Xarakada Al-Shabaab ama inay ka raadiyaan" wuxuu intaa ku daray Ciimada Dowladu hubkooda uma dhigayaan dalab ka yimid "Koox doonaysa inay xukun ku gaaraan dagaal iyo wada kasta oo xaaraan ah"

Intaa wuxuu ku daray Sh. C/raxmaan oo dalka dibadiisa jooga hadalka Al-shabaab "waa mid lagu dag dagay oo wax culays ah aan lahayn, mana ka shaqayn karo waaqica Soomaaliya"  Wuxuu xaqiijiyey inuusan wax saamayn ah ku yeelayan doonin ciidamada Dowlada.

Wararkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo labadii asbuuc ee lasoo dhaafay dagaalo xoogan ka dhaceen hareeraha Madaxtooyada, dagaaladaas oo dhexmaraya DFK iyo AMISOM oo isku dhinac ah, Xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin iyo Xibul Islaam oo isku dhinac ah. Dagaaladaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyo barakac fara badan oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Isha: Xigasho Aljazeera, BBC iyo Danannews

Faafin : SomaliTalk.com | July 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version