Xuduuda xaafadaha Camden iyo Islington
Sawiro
kaloo badan halkan ka eeg
Waxaa loogu bishaaraynayaa umadda muslimiinta
ah dhamaan, gaar ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed in laga furay xudduda Islington
iyo Camden masaajid cusub oo lagu magaacabo Islington Islamic Centre.
Masjidkan oo ku yaal wadada halka ay iska gooyaan York Way iyo Agger Grove
ayaa waxa uu u jiraa daqiiqada yar Caledonian Road station (Northern Line),
waxaa kale oo ku keeni kara Bus No 274 oo ka soo baxa Camden Town.

Sawiro
kaloo badan halkan ka eeg
Xafladihii furitaanka masidkan oo dhacay maalmihii khamiistii iyo Axadii aynu
soo dhaafnay ayaa waxaa ka qayb-galay culumo Soomaaliyeed oo badan iyo marti
sharaf aad u kala duwan kana socota ururada u adeega bulshada ee Soomaliyeed,
iyo muslimiin kale, maamulka dawlada hoose ee labada xaafadood, police-ka
labada xaafadood iyo xubno badan oo ka tirsan shacabka degen London.
Masjidkan cusub ayaa waxaa asaasay urur soomaliyeed oo lagua magacaabo Somali
Cultural Watch oo mudo dheer ku gudo jiray in uu ka hirgeliyo masjid ay ku
cibaadaystaan muslimiinta degen London, laguna haqabtiro baahida baaxada weyn
ee ay qabaan umada Soomaliyeed eek u nool magaadala London.
Waxaa furitaanka xaflada ka hadlay gudoomiyaha gudiga Shuurada ee Masaajidka
cusub Dr. C/qaadir Jasiira oo ka warbixiyey baahida umadda Soomaliyeed ee
Muslimiinta ahi u qabaan masaajid iyo xarun Islaami ah oo ay ku cibaadaystaan
waxna lagu baro dhalinyarta iyo caruurta Jaaliyada.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka hadlay
xafladii maalinta khamiista Dr. Daud Abdalla oo ah gudoomiye ku xigeenka
ururka (MCB) oo ah urur ay ku midoobeen ururada muslimiita ah ee dalkan UK.
Waxaa isna xafladaas ka hadlay duqa xaafada Camden Clr Ansari oo ah nin muslim
ah kana sheekeeyay sida uu ugu faraxsan yahay ka qayb galka furitaanka
xaruntan Islaamiga ah ee cusub.
Xafladdii maalintii Axada oo loogu talagalay
jaaliyada Soomaaliyeed ayaa waxaa furay gudoomiyaha gudiga fulinta ee
masaajidka Dr. C/risaaq Takar, waxaa kale oo xafladaas ka soo qayb-galay kana
jeediyey hadalo mushiim ah intooda badan culimo badan oo Soomali ah iyo Sheikh
reer Kuwayt ah oo furitaanka xaflada darted uga yimid Kuwayt, sheekhaas oo
lagu magacaabo Shiikh Walid Al-Durat ayaa hadal kooban oo qiimo leh kazoo
jeediyey xafladaas lana dardaarmay jaaliyada Soomaliyeed.
Culimadii Soomaliyeed ee xafladaas ka soo
qayb-gashay ayaa waxaa ka mid ahaa:
- Shiikh Xuseen Jaamac
- Shiikh C/xakiim Shiikh Cali Suufi
- Shiikh C/qaadir Muumin
- Shiikh C/risaaq Takar
- Shiikh Cali Mowliid
Xafladaas oo si wanaagsan u dhacday ayaa
lagu soo gaba-gabeeyay furitaanka dugsiga qur’aanka kariimka ah iyio
daraasaadka Islaamiga ah lagu baranayo oo laga furay xarunta cusub ee
Islington Islamic Centre.
Gudiga maamulka Islinton Islamic Centre ayaaau balan qaadaya umada Soomaliyeed
in ay ku dadaalayaan in ay wax ka qabtaan baahida jaaliyada khaas ahaan tan
caruurta iyo da’yarta, waxbarashada iyo horumarinta guud ee jaaliyada Insha
Allaah. Waxaana gudiga maamulku ka codsanayaa in ay lagu taageero hir-gelinta
yoolalka xarunta cusub oo dhamaan jaaliyada ka qayb-qaataan dhismaha
iyio horumarinta masaajidka cusub.
Jasaakullaahu Kheyran
Islington Islamic Centre
55-61 Brewery Road
London N7 9QH
Tel 0207-609 8472
www.islingtonic.org.uk
email: info@islingtonic.org.uk