SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan looga arinsanayey joojinta tahriibka oo maanta ka dhacay Boosaaso

Kulan balaaran oo looga hadlayey sidii loo joojinlahaa tahriibka ayaa maanta ka dhacay xarunta maamulka gobalka bari ee Magaalada Boosaaso.

Kulankaan waxaa soo agaasimay Ururka Taakulo oo ka jira Boosaaso asagoo gacan ka helaya Hay,adda qaxootiga aduunka ee UNHCR waxaana kasoo qabgalay madax farabadan oo ka tirsan maamulka Puntland gaar ahaana Gudoomiyaha gobalka bari Muuse geelle yuusuf iyo madax kalaba.

Gudoomiyaha gobalka bari oo halkaasi ka hadlay wuxuu sheegay in muskilada tahriibku tahay wax in badan soo taxnayd tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii soomaaliya haatana ay tahay mida ugu daran maadaama dagaalo qaraari ka soconayaan caasimadii soomaaliya ee Muqdisho islamarkaana dad aad ufarabadan ay dirirtaasi kasoo carareen haatana joogaan deegaanada puntland wuxuuna sheegay in dhamaan looga baahanyahay dadka puntland inay horjoogsadaan sidii dadkaasi aysan ugu dhamaan lahayn badda maadaama ay yihiin dad soomaaliyeed oo dhibaato haysato.

Waxaa sidoo kalle kulankaasi ka hadlay Barkhad cali saalax oo xilal badan kasoo qabtay maamuladii hore ee puntland kana mida waxgaradka puntland wuxuuna hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey ku sheegay in ay diyaar uyihiin dadka reer puntalnd inay ugurmadaan walaalahooda qaxootigaa balse aysan ka yeelidoonin inay badda isku biimeeyaan wuxuuna intaasi ku daray in horay dhul loogu deeqay dadkaasi xaaladoodana ay ka warqabeen haatana la socdaan.

Dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa ayaa isla gartay sida ay lagama maar amaan utahay in la joojiyo tahriibka islamarkaana ciidamada booliiska lagu gacansiiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen tahriibkaasi ayadoo la baaridoono guryaha ay dadkaasi geeyaana dadka wax tahriibiya.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya ayadoo maamulka degmada xaafuuna dhawaan sheegay inay deegaanka Hurdiya joogaan qaxooti soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 430 kuwaasoo uu sheegay maamulku inaysan uhayn dhaqaale loogu gurmado ayagoo ka codsadayna maamulka Puntland iyo Hay,addaha samafalka inay dadkaasi usoo gurmadaan si xaaladooda wax looga qabto.

Rabiile Gabanow rgabanow20@gmail.com

Cumar Cabdikariin 
Somalitalk Bosaso


Faafin : SomaliTalk.com | July 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version