Jaamacada Muqdisho oo Diiwaan galinta ardayda cusub ee sanadkan bilaabaysa
Bishaaro
Jaamacadda
Muqdisho oo looga bartay waxbarasho tayeysan, kuna qaabeysan halbeegga casriga
ah ee tacliinta sare, lehna aqoonsi caalami ah, kana mid ah 40-ka
Jaamacadood ee ugu horeeya Afrika, oo ay ka qalin jabisay dufcadii 9-aad
sanadka 2008/2009, iyada oo qaar ka mid ahi ay ka diyaariyeen darajada Master-ka
iyo PhD-da Jaamacado caalami ah.
Jaamacaddu
waxa kale oo ay dalkeena ka waddaa barnaamijyo waxbarsho sare (Post-Graduate)
iyo kuwo provisional ah oo ay kala kaashanayso Jaamacado caalami ah.
Hadaba,
Jaamacadda Muqdisho waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan ardayda soo dhameysatay
waxbarashada dugsiga sare in Jaamcaddu qaadaneyso arday cusub Sanad waxbarashadeedka
2009/2010.
Jaamacaddu
waxay ka kooban tahay 7- kuliyadood oo kala ah:
-
Faculty of Sharia & Law, oo ka kooban:
a) Sharia & Law.
- Faculty of Education, oo ka kooban:
a) Social Science. b)
Arabic Language.
c) Islamic Studies
d) Math & Physics e) Biology &
Chemistry.
3.
Faculty of Arts & Humanities, oo ka kooban:
a) History &
Civilization.
b) English Language & Literature.
c) Arabic
language & literature
d) Geography
4.
Faculty of Economics & Management Science, oo ka kooban:
a) Economics b) Business Administration
c) Accounting d) Public
Administration
5.
Faculty of Computer Science & Information Technology, oo ka kooban:
a) Computer Science.
b) Information
Technology.
- Faculty of Nursing, oo ah:
General Nursing.
- Faculty of Political Science &
Information, oo ka kooban:
a)Political Science.
b)
Journalism & Information.
Diinwaangalintu
waxay ka bilaabanaysaa Xarunta Maamulka Jaamacadda ee Km5 agagaarka Hotel
Saxafi2,
Maalinta Arbacada ah 15/07/2009, waxayna ku ektahay 14/08/2009.
Maalmaha
shaqada: Sabti ilaa Khamiis. Saacadaha shaqada: 8:00 AM ilaa 3:00 PM
Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala xiriir:
MAHADSANIDIIN
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 5, 2009
|