Barnaamijkii Radio Xoriyo 03 July 2009
Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga.
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo jidh-dil,xidhay iyo hoob hanti ugaystay dad rayid ah.
Sanadguuradii 49aad ee xoriyada Soomaaliya iyo jwxo oo u hambalyysay.
Ururka qiimaynta dowladaha hagaasay oo soo saaray qiimayntii sanadkan 2009
Wariyayaal faransiis ah oo wargays faransiis ah kusoo qoray warbixin ay kasoo diyaariyeen ciidanka xoreynta ogadenya intii ay la joogeen gudaha ogadenya.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Dhaqanla Halgamaaga).
======================
Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga.
Tuulada Daratoole ee gobolka Doollo iyo nawaxigeeda ayay ciidamada xoreynta ogadenya dhowr maalmood oo isku xigta ka fuliyeen falal isugu jira dhabagal iyo weerar cad oo ay ku qaadeen ciidamada gumaysiga itoobiya:
10/11/ -06-09 Tuulada Daratoole ee gobolka Doollo dhabagal ay cwxo ku filiyeen ciidamada gumaysiga itoobiya ayay kaga dileen 13 wayaane 20 kalana kaga dhaawaceen
Sidoo kale 14/23-06-09 dagaal iyo fal dhaba gal ah oo ka dhacay tuuladaas Daratoole ee gobolka Doolo waxaa ciidamada cadowga lagag dilay 10 askari halka dhaawucuna gaadhay 14 kale waxayna wararku shegayaan in 4 kamid ah ay u dhinteen dhaawacaas.
14-06-09 Meesha la yidhaahdo Addin-Libaax oo ka tirsan tuulada Siroow ee gobolka Doollo dagaal ka dhacay waxaa ciidamada nacabka ah lagaga dilay 7 wayaane waxaana lagag dhaawacy 9 kale.
13/26-06-09 Deegaanada Dhabba-rooble iyo Ugunbaa ka wada tirsan Nusdariiqa isku dhac iyo dagaal ku dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga itoobiya ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 11 waxaana lagaga dhaawacay 1 askari oo kale,dhaawaca soo gaadhay ciidanka gumaysiga ee lagu jabiyey Ugunbaa ayaan iyaga faahfaahin rasmi ah lagaga haynin isla habeenkaas taariikhdu ahayd 26-06-09 ayay cwxo waxay mireen magaalada Nusdariiq waloow aan faahfaahin rasmi ah laga helin khasaaraha la gaadhsiiyey ciidamada cadowga
Itoobiya.
18-06-09 Meesha la yidhaahdo Biyo-fadhiisiga oo ka tirsan Dhagaxmadoow dagaal ka dhacay waxaa ciidamada nacabka ah lagaga dilay 2 wayaane waxaana lagag dhaawacy 3 kale.
19-06-09 Deegaanka Dhaanfurka oo oo ka tirsan Magaalada Dannood dagaal ay iskaga hor yimaadeen ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya iyo ciidanka gumaysiga ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 2 askari halka 2 kalana lagaga dhaawacay.
21-06-09 Dhabagal gaadmo ah oo ay cwxo ku fuliyeen ciidamada cadowga itoobiya meesha la yidhaahdo Ceel-Maxidha ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagu gadhsiiyey khasaare badan waxaana ilaa iyo hada la hubaa in 2 wayaane lagaga dilay 3 kalana lagaga dhaawacay waloow ay warar kale sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badan yahay.
23-06-09 Dagaal kulu oo ay iskaga hor yimaadeen cwxo iyo kuwa gumaysiga itoobiya meesha la yidhaahdo Laanqayrta oo Gabo-Gabo katirsan ayaa ciidamada cadowga lagaadhsiiyey khasaaro u badan dhimasho waxaana lagaga dilay 20 askari waxase adkaatay in la helo tirada rasmiga ah ee ka dhaawacantay kadib markay dhaawacoodii la carareen.
23-06-09 Deegaanka Wanniiqle oo ka tirsan Tuulo-Wacdi dagaal ka dhacay waxaa ciidamada wayaanaha laga dilay 3 askari halka 4 kalana lagaga dhaawacay.
24-06-09 Ciidamada xoreynta ogadenya ayaa dagaal ku qaaday ciidan wayaane oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Mudulka Dhagaxmadoow waxayna kaga dileen 4 wayaane halka ay 3 kalana kaga dhaawaceen.
Isla 24-06-09 Magaalada Gabo-gabo fal ay ka fuliyeen cwxo ayay khasaare ba,an ugu gaysteen ciidanka cadowga itoobiya,khasaarahaas oo aan si rasmi ah loo elin ayay wararku tibaaxayaan in laga dareemey magaaladaas.
Sidoo kale 24/26-06-09 cwxo ayaa miray ciidamada cadowga itoobiya ee ka howlgala magaalada Dannood waxayna soo gaadhsiiyeen khasaare aad u balaadhan oo markuu waagu baryay dartii loo xidhxidhay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin,dadka magaalada ayaa soo sheegay in kahaasaraha soo gaadhay ciidamada cadogu habeenadaas uu ahaa mid aad u badnaa.
28-06-09 Meesha la yidhaahdo Kurtunle oo ka tirsan tuulada Qaloocan ee gobolka Doollo dagaal ka dhacay waxaa ciidamada nacabka ah lagaga dilay 5 wayaane waxaana lagag dhaawacy 7 kale.
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo jidh-dil,xidhay iyo hoob hanti ugaystay dad rayid ah.
23-06-09 Degmada Qabridahare ee gobolka Qoraxay waxay ciidamada gumaysigu ku jidh-dileen kadibna xabsiga u dhaadhiciyeen dadka kala ah:
1-Daahir Cabdi Barre Xassan
2-Bashiir Maxamed Macalin
23-06-09 waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen magaalada Dannood dad fara badan oo ay kamid ahaayeen:
1-Xaawo Xassan Qumboole.
2-Tiriig
25/27-06-09 ciidamada gumaysiga itoobiya ee ku sugan magaalada Gabo-gabo ayaa dhac hanti iyo xidhayba isugu daray dadka kala ah:
1-Waged Yuusuf Qani
2-Cabdiwahaab
3-Ina Maxamed Xiireey
4-Timacade Xirsi Faarax oo ay ka dhaceen Qirigiisii iyo rasaas fara badan oo uu xoolihii iyo hantidiisa ku waardiyeysanayay.
5-Xasannuur Macalin Cabdullaahi oo ay isna ka dhaceen lacag aad u badan oo aan cadadkeeda weli lasoo sheegin, qorigiisii iyo 120 xabo oo rasaas ah.
6-Ilma Shukri Makhtal oo iyagana laga dhacay hal qori oo ay lahayaeen.
7-Sheekh Cabdi Xukun oo ay isgana ciidamada cadowgu ka dhaceen 150 xabo oo rasaas ah.
Isla 25-06-09 waxay ciidamada nacabka ahi jidh-dileen kadibna ku xidheen magaalada Gunagado:
1-Shukri Cabdi Mahad
2-Kaligii doqon
3-Cabdinuur
25-06-09 Meesha la yidhaahdo Qudhac –Dhaban oo ka tirsan Farmadow waxay ciidamada cadowgu ku dileen:
1-Cabdiwahaab Gadh-iskadoon.
2-Kaldeeq Maxamed Xiireey
Sanadguuradii 49aad ee xoriyada Soomaaliya iyo jwxo oo u hambalyysay.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) ayaa tahniyad ku beegan sanad-guurada 49aad ee madaxbanaanida jamhuuriyada Soomaaliya udirtay dhammaan umadda Somaliyeed xukuumad iyo shacaba.
1dii Luulyo 1960 ayay ahayd habeenkii la saaray calanka jamhuuriyada soomaaliya kadib markii gumaysigii talyaaniga xoriyad laga qaatay,meelo kala duwan oo dunida dacaladeeda ah ayaa munaasabadaas lagu soo dhaweeyey damaashaad iyo farxad.
Gudoomiyaha JWXO, xubnaha Golaha dhexe, kaadirka jabhadda iyo dhammaan ba shacabka S/ogadenya ayaa shacabka jamhuuriyada soomaaliya la wadaagay xasuusta
maalintaas taariikhiga ah.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa tahniyadaas ku sheegtay in qaranimada Somaliya aanay ahayn shay gorgortan gali kara, xoog kastoo isku daya inuu dibadda uga soo duulo umadda Somaliyeedna uu la kulmi doono dhibaatadii ay la kulantay gumaysiga Itobiya ,waxayna jabhadu aaminsan tahay inay Somaliya oo qaran xoogan ah dib u soo noqon doonto iyo in heerkii hormuud-nimo ee Afrika ay Jamhuuriyadda Somaliya kaga jirtay mar labaad ku soo noqono.
Ururka qiimaynta dowladaha hagaasay oo soo saaray qiimayntii sanadkan 2009
Ururka lagu magac-aabo Fund for Peace oo sanad walba ku sameeya dowladaha caalamka qiimeyn ah dhanka horumarka iyo hoos udhaca (Hagaaska) ayaa soo saaray qiimeyntiisii sanadkan 2009.
Ururka oo qiimayntaas u adeegsada nidaam uu ku tilmaamay Conflict assessment System Tool (CAST). Ayaa sheegay inuu qiimeeyo dal walba nidaamkiisa bulsho, dhaqaale, siyaasi iyo ciidanba.
177 wadan oo kamid ah dowladaha caalamka ayuu ururku sanadkan 2009 qiimeyn ku sameeyey waxaana kamid ahaa dowladaha uu ururku ku tilmaamay inay dhinac walba si aad ah hoos ugu dhaceen ama hagaaseen xukuumada gumaysiga itoobiya,qiimayntaas uu ururku sameeyey ayay gashay xukuumada gumaysigu kaalinta 16aad halka ay jamhuuriyda soomaaliya-na gashay kaalinta koowaad,ururka qiimeynta dowladaha hagaasay ayaa ku tilmaamay farqiga u dhaxeeta itoobiya iyo Soomaaliya oo aysan dowladi ka jirin 20 kii sano ee ugu dambeysay inuu yahay mid aad u yar iyadoo ay isku celceliska dhibcaha ay heshay xukuumada gumaysigu 98.9 halka ay soomaaliyana ka heshay 114,7
Khabiir ku xeel dheer arimahan oo wax laga weydiiyey hagaaska Itoobiya ee uu urukaasi ku sheegay ayaa ku jawaabay: “.. waa arin xaqiiqa ah in nidaamka siyaasi ee dalka Itobiya uu yahay mid musuq-maasuq hadheeyay ilaa heer ay adeegayadii xukuumadu noqdeen kuwa hawlgab ah.
Wariyayaal faransiis ah oo wargays faransiis ah kusoo qoray warbixin ay kasoo diyaariyeen ciidanka xoreynta ogadenya intii ay la joogeen gudaha ogadenya.
Laba Suxufi oo u dhalatay Wadanka Faransiiska una shaqeeya Jariirada lagu magacaabo Rue des Pommiers news agency ayaa wax ka qortay Ogaadeeniya waraysi ay la yeelatay mid ka mid ah Dagaal yahanada Jabhada ONLF oo u dagaalanta Gobanimo Doonka Dhulka Soomlida Ogaadeeniya, Axmed oo ka mid ah Dagaalyanahada ayaa ka waramaya Sababa ku kalifay inuu Dagaalka Galo. wuxuuna Ciiwanka Saxaafadan ku soo baxay ahaa, Maxaan u Raacay Ciidamada ka soo Horjeeda Itoobiya.
Jariirada ayaa waxay sheegtay in Dhulka Soomalida Ogaadeeniya ay ka dhaceen Dhibaato badan oo aadanimo oo ay gaysteen Ciidamaa Itoobiya iyagoo kala saari waayay dadka Shacabka ah iyo ciidamada ONLF.
Axmed oo jira 35 sano ayaa sheegay inuu wax ka baran jirey Magaalada Diridhaba,kadib loo diiday Imtixaankii inuu ka qayb galo isagoo lagu eedeeyay inuu ka mid yahay Jabhada ONLF oo xiligaas uusan ka tirsanayn una sheegay in Dacwadan ay tahay Been Abuur. Axmed wuxuu sheegay inu xirnaa mudo 2 sano ah kadib la siidaayay, xiligaa uu xirnaana la garaaci jirey, koranatna lagu qaban jirey.
Axmed ayaa sheegay in dagaal dhacay ay ku dileen 9 ka mid ah Ciidamada Itoobiya kaas oo u ku sheegay inuu daqiiqada kali ah ahaa, dagaalkaas oo ahaa mid kadis ah kana dhacay goobta lagu magacaabo Baabile maalin kahor inta aan warysiga laga qaadin.
Wuxuu hadalka ku daray in Tuulada Galaalsha maalmo kahor ay Ciidamada Tigreegu ee Itoobiya ay gubeen dhamaan oo aysan waxba ka tagin, wuxuu sheegay in ay dumarka kufsadeen, caruurta xaata dileen, dadka aysan kala soocin dhamaan. Tiro ahaan dadka lagu dilay Ogadeeniya mudo 3 bilood ah ayuu ku qiysay 1500.
Axmed oo u baqaya Reerkiisa wuxuu sheegay in xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay inuu u direy dalka Kenya, oo ay halkaas ku jiraan xero Qaxooti. Sidoo kale Aabahii ay Dileen Ciidamada Itobiya.
Waxaa hadalada Axmed ka mid ahaa, GALAALSHE iyo Ogaadeeniyoo dhanba dadka shacabka ah waxay dha dhamiyeen, Argagax, Dil. Xarig cabsi iyo Kufsi loo gaystay Gabdhaha qaali ah ee ay jeclaayeen.
Ciidanka Jabhda oo dhalintu aad ooga soo buuxsamayso, aad ayay u caraysan yihiin dagaalka ayayna sugu la yihin balse mar walba si nidaamsan ayaan samaynaa si aan carada badan looga faidaysan, ayuu Axmed ku daray Hadalka.
Axmed Horaantii wuxuu sheegay in ONLF ay diyaar u ahayd inay xal nabad ku gaarto rabitaanka ummada Ogaadeeniya balse 1994 ay Ciidamada Itoobiya si qarsoon ku dileen madaxda ONLF , sidoo kale ay xiren dad badan, wadanka dhan ay qaseen.
Maxay Caalamku u aamusan yahay, Qaramada Midoobay muu ka hadlo Ogaadeeniya may yimaadaan si ay uu u arkaan Dhibtaada uu samaynayo Melez Zenawi, ayuu Axmed yiri,
Gabagadii Jariiradan ayaa ku tilmaamtay Ogaadeeniya inay degan yihin dad gaadhaya ilaa 4.5 Milyan oo Soomaali ah kuwaas oo doonayaa inay ka go,aan Itoobiya sababa oogu wayn ka dhigay, dhibaatada ummada Ogaadeeniya loo gaysto mar walba,
Radio Xoriyo
03 July 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin : SomaliTalk.com | July 4, 2009 |