SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taliyihii Ciidamada Maxaakiimta Dowlada Taageersan Ee Gobolka Hiiraan Oo Saaka Ku Wareegay Islaamiyiinta Kasoo Horjeeda Dowlada KMG

July 2, 2009

Taliyihii ciidamadii hore ee midowga maxaakiimta dowlada taageeray ee magaalada beledweyne ayaa saaka (july 2, 2009) isagoo wata ciidamo iyo gawaarida tiknikada iskaga baxay ciidanka dowlada KMG islamrkaana ku biiray xoogaga islaamiyiinta ee ururka xisbul islaam iyo xarakatul mujaahidiinul shabaab ee fadhigoodu yahay gobolka hiiraan

Sh. Ibraahim Yuusuf oo ahaa taliyihii maxkamadaha islaamiga Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa saaka isagoo ay gelibinayaan gawaarida tiknikada loo yaqaano iyo weliba ciidamo la sheegay inay badnaayeen ku wareegay xoogaga islaamiyiinta ee kasoo horjeeda dowlada FKMG taasoo loo aanaynayo khilaaf la sheegay inuu salka ku hayo ciidamada shisheeye ee kuwa Ethiopia ugu horeeyaan ee qaarkood yimaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi .

Sidoo kale sh,ibraahin oo saxaafada la hadlayey ayaa tilmaamay waxii maanta ka dambeeya inuu ku biiray xoogaga islaamiyiinta ee taageeraya shareecada islaamka islamrkaana uu doonayo inuu dagaal kala hor tago cadowga ethiopianka ee iminka ay ciidamadoodii ku sugan yihiin qaar ka tirsan gobolka hiiraan

Ku wareegista uu ku wareegay islaamiyiinta Taliyaha ciidamada maxaakiimta gobolka hiiraan ayaa kusoo beegmaysa xili ay dhowaanahanba ka wadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi dhaq dhaqaaqyo milatari ciidamada Ethiopia kuwaasoo dadka shacabka ah ku qasbayey inay hubka keenaan islamrkaana la sheegay inuu aad uga caraysnaa masuulkaasi oo uusan raali ka ahayn faragelinta ciidamada Ethiopianka ee ku sugan gobolka hiiraan .

Yaasiin maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version