SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 1da LUULYO

XUS XANUUN IYO MURUGA LEH 

SANAD GUURADDII 49KII  XORNIMADA IYO MIDEYNTA SOOMAALIYEED.

Qore: Dr. Cabdulqaadir Cali Bolay 
Email: bollay@hotmail.com 

Waxaan maanta faraxad ay  murug  ku dheehan  ii ah in aan halkaani hambalyo iyo bogaadin ba ugu diro dhammaan ummadda soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaan, maanta oo ah maalin weyn iyaddoo maanta ay ku beegan tahay  1da Luuliyo  oo ah maalintii xornimadda iyo israaca waqooyi iyo koonfur . Runtii dad fara badan baa u soo halgamay oo naftoodda qaaliga ah u soo huray xornimadda oo aan maanta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinaya haybadda iyo sharafta qaranimo ee dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaa dhab ah in xornimadda ay ku timid dhiigii shacabka soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray {Gobanimaddu waa geed ku baxa dhiiga dadweynaha}. Gobanimaddu waxaa lagu keenay halgan wada jira  iyo midnimo wadaniyad xambaarsan . Hadda ba maanta waxaa nasiib daro iyo muruga ba ah in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan soomaaliyeed oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba , kuwaasoo ogolaaday in dalka ku shubaan qashin isla markaasi na raali ka noqday in ay ka tanaasulaan qadiyaddii  soomaali weyn taasoo nasiib daro ku ah jiilka maanta soo koraya . Sidaasi darteed waxa waajib inaga saaraan inta aan nool nahay in aan shacabka u soo ban dhigno halgankii ay soo galeyn halyeyadii soomaaliyeed oo keenay xornimada maanta haysano .

Waxaan ayaan daro  ah in dawlad kasta oo la soo dhisa in ay burburto oo ay hor istaagaan kuwa aan marna ba ogeyleyn in ay dalka xasilooni dib ugu soo noqoto , waxayna shacabka soomaaliyeed maanta u horseedeen bubur hor leh oo ku saleysan arrimo diimeyd , taasoo ka fool xun tii hore oo ay salka ku heysay qabiil , rajadii shalay waxay noqotay mid bohol dheer ku dhacday , Ilaahay ka cabsadda ee ummadda ha la badbaadiyo , shacabka soomaaliyeed weligiis muslim ayuu ahaa ma ah in kuwa diin ku soo gabanaayo in ay baneystaan dhiiga dadweynaha  soomaaliyeed oo maalin walba lagu gumaado gudaha dalka , kuwa kale na ay ku dhibaateesan yihiin dibadda . waxaan ilaahay ka rajayneynaa in uu xaqa tuso kuwa maanta isku leynaaya diin, balse kuwa dagaalamaya waxay aniga ila tahay in ay yihiin kuwa camiil ah oo ku shaqeynaya dano ajnabi ah oo damacsan in ay soomaaliya ay marna mid noqonin {waa soomaalidii xorta ahay} oo ay u kala qaybsamaan iyo dagmooyin yar yar oo ay yeeshaan 5 madaxweyne, ujeeddada ka dambeysa na ay tahay in la aaso qadiyaddii loo soo dhintay oo ahayd soomaali weyn in maanta maalmaha ka mid ah in la gaari doono balse maanta la isku saliday soomaalida dhexdood .

Intaasi ka dib haddii aan si kooban u xuso June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur  ahna maalinta israaca labada gobol , waxaa  maanta xusid mudan maanta oo ah sannad guuradii 49aad ee xornimada soomaaliya  iyo mideynta  labada gobol waqooyi iyo koonfur , waa maalin weyn oo taariikhi ah   qiimo iyo qadarin ba  ugu fadhido ummadda soomaalyeed , waa maalin xusid mudan , runtii waa maalin aan la ilaabi karin , waa maalintii calankeyna la taagay waana maalinta gunnimadda aynu ka baxnay , sidaasi darteed waxaan dadweynaha  soomaaliyeed ee ku nool guddaha iyo dibadda ba  ku boorinayaa in ay xusaan meel kasta oo ay joogaan, maxaa yeelay caruurta maanta ku dhallatay dibaddaha ama ku soo barbaaray  fikrada kama haystaan qiimaha weyn ee ay maalintaani ku fadhido waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay in lagu baraarugo .

1da Luuliyo  waa maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimadda ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan culus ayaa loo soo galay runtii dad badan ayaa dhiigooda u soo huray sidaasi darteed waxay naga mudan yihiin dadkii naftooda u soo huray in aan xusno , xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu haysano , shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii  waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u ueediyeen ingriiska  iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah  oo ka kooban soomaali weyn,  qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed .

Haddii aan si kooban  u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi karin qoraalkani balse waxaan jaclahay in aan wax yar ka xus : ,

·        bishii September 1949kii   United Nation ka shirweynii ay yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeed  Dawladda Talyaaniga , iyadoo 4tii dawladoodoo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka in muddo 10 sano ah la gaarsiiyo xornimo .

·        Bishi April 1da Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.

·        12KII oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in  Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo micno weyn ku fadhiday , macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii  shirweynihii Berlin lagu qaybsaday soomaaliya .

·         1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.

·        29kii April  1956dii WAXA LA QABTAY DOORASHOOYIONKII  siyasadda lagana soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey  xisbiyadii tartamayeyt , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa ,    (a) Talyaani 4 kursi    (b) Carabta 4 kursi     (c) Pakistan 1 kursi   (d) Hindi 1 kursi  , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi  iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi .  Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan .

·        7dii Maajo 1956dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare ,  Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo  dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir

·        1959kii  CABDULAHI CIISE  uu  soo dhisay dawlad ka kooban  Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir .

·        12 April  1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed  oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi , khudbadii ugu horeysay  ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta  waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi  lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo “.

·        1da Luuliyo 1960kii oo ahayd maalintii xurnimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123  xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .

Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa  , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan , waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .

Sannadkii 1964tii  waxaa  na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein .

Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke , oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .

Nasiib daro waxaa  noqotay in 15kii Oktoober  1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .

Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka (Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed) oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare. Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed  (Somali Revolutionary Socialist Party) , ilaa iyo burburkii taasoo burburtay 26kii Janaayo 1991kii , ilaa iyo maanta weli la  la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta , waa musiibo ku habsatay shacabka soomaaliyeed oo sumcad iyo haybad ba ku lahayd adduunka hase yeeshee nasiib daro maanta ummadda soomaaliyeed ay noqdeen dad aan qiimo lahayn maxaa yeelay haddii aadan lahayd dawlad lagu qiimo runtii waxaad tahay qof aan qiimo lahayd , waxaan maalin walba aragnaa in dadkeyna lagu dilo gudaha iyo dibadda ba cid ka hadasha na aysan jirin.

Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen shacabka soomaaliyeed  . Geedi socodkii qaranimo waxaa salka u siibay waxma garad soomaali ku sheeg ah oo u adeegaya isticmaarka cusub kuwaasoo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo hogaanka u heysta ummadda soomaaliyeed .

Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com 

Sannad Guuradii 66aad ee Halgankii Xisbigii SYL. Haheyskii Xisbiga: Qabiil Qaran ma dhiso
 

Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version