SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 1da LUULYO

Warbixin:- Maxaad ka taqaan 26 juun iyo 1da luuliyo?

Maalinta oo Jimco ah waxa ay ku beegnayd 26 juun sanadka 2009 oo ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee maalintii ay gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka xaroobeen gumaysgiii cadaa ayna iska qaadeen heeryadii gumaysiga ee ingiriiska maalintaasi ayaa waxaa hoos loo dhigey calankii gumaysigii ingiriiska waxaana hawada ka babadey calanka baluuga ah ee xidigta shanta geesood ah dhexda ku leh ee jamhuuriyada soomaaliya waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid aha maansaddii KAANA SIIB KANA SAAR oo uu ola jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.
 
26 juun oo ah maalin qiimo iyo qadarin iyo weynaynba ugu fadhida dhamaaba bah weynta soomaaliyeed ee ku hadasha afka soomaaliga meel walba oo ay joogaan waxana 26 juun laga xusey sanadkan gobolo iyo degmooyin aad u fara badan oo ka tirsan soomaaliya waxaana ka mid ahaa meelihii laga xusey magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Magaalooyinka laascaanood, Ceerigaabo, iyo dhamaan gobolada ay ka kooban yihiin gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya sida Hargaysa,Burco,Boorama,iyo Berbera waxaa kaloo maalintaasi qiimaha iyo qaayaha leh laga xusey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya inkastoo aan laga xusin sanadkan magaalo madaxda dalka soomaaliya ee moqdisho hadana waxaa laga xusey magaalooyinka kismaayo baladweyne iyo gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyinkiisa oo laga dhigey munaasabado lagu wayneenayo xuska 26 juun oo ah maalintii ay gobonimada qaateen gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya.

1da luuliyo waa maalin ayana qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii somaliweyn.

Isku soo wada duuboo xusus kala duwan oo lagu weyneenayo maalmahan aya waxa ay ka dhaceen gobolo iyo dagmooyin fara baadn oo ku yaala dalka soomaaliya iyadoo maanta ay qaban qaabo aad u xoogan ka socoto magaalada caasimada ah ee moqdisho caawana lagu xuso doono xarladaas lagu weyneynayo markii ay xornimada qaateen gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ayna midoobeen labada gobol ee koonfure iyo waqooyi ayaa waxa ay ka dhacaysaa xurunta madaxtooyada ee villa soomaaliya halkaas oo lagu wado in uu cabdulaahi yuusuf kasoo jeediyo khudbad aad u xasaasi ah cabdulaahi yusuf waxa uu ka mid yahay raga ugu waa weyn ee ku jira siyaasada soomaaliya noolaana markii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed ee dalka soomaaliya intaas ayayna faaladii iiga eg tahay.

 
 
W/D Yusuf Maxamed Ismail
E-mail  Yusufyare@hotmail.com
Bososo,Somalia
 

Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version