SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 1da LUULYO

Mac-hadka Rima ee dalka Malaysia oo lagu qabtay Munaasabada 1-da Luulyo, (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Munaasabada 1-da Luulyo lagu qabtay Mac-hadka Rima ee dalka Malaysia.

Mac-hadka Rima waa Mac-hadka ugu badan ee Ardayda Soomaaliyadeed wax ka bartaan,

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Maamulka iyo Shaqaalaha ee Machadka Rima.

Iyadoo si habsami leh, loogu xusaayey Munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalinta ay Soomaaliya noqotay mid ka xurowday gumeystaayaashii ingiriiska iyo Talyaaniga. Xalfadaan ayaa waxaa lagu casuumay ardayda Mac-hadka Rima. Kuwaasoow gaaraayey in ka badan 400 oo qof.

Munaasabadaan ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa mid kamid ah Maamulka Rima, kaasow lagu magacaabo Mr Kelvin.

Waxaa kalow ka hadashay Miss Aru, oo ah Gabadha ugu sareysa Maamulka Mac-hadka Rima.

Waxayna tiri “Maanta waxaa aad ugu faraxsanahay anigoo Ardaydeeda kala qeyb qaadanaayo Munaasabada 1-da luulyo oo ah maalintii ay soomaaliya noqotay mid madax banaan.

Maanta waa maalin aan aad u faraxsanahay , waana maalin cajiib ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabadaan Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyadeed Maxamed Cismaaciil Jimcaale (Maxamed Qadar) wuxuuna yiri “Maanta waa maalin aad u weyn oo ah maalintii ay Soomaaliya noqotay wadan Madax banaan. ” Madax Banaanida waa Xur, xurnimadana waa Nabad.

Wuxuuna aad ugu mahad celiyey Dhalinyaradii Soomaaliyadeed ee wax badan ka soo shaqeenayey mac-hadkaan, Sida Maxamuud Beene Beene, Cumar Biikolo, iyo Cismaacil Mayow.

Waxaa kalow ka hadlay Munaasabadaan Yaasir Maxamed Axmed (Yaasir Baaffo)

Hadaladiisiina waxaa kamid ahaa” Marka hore waxa u mahad celinaayaa Maamulka Mac-hadka Rima

Wuxuu kalow yiri asagow la-dar daarmaayey Ardaydii ka soo qeyb gashay Munaasabadaan” Walaalaayow waxaa idin sheegaayaa inaad tihiin kuwii beri wadanka hogaamin lahaa, qof walbow waxaa ku saaran Mus’uuliyad weyn, qof walbow waxaa tahay qof Maanta Soomaaliya u soo maqan.

Waa markii ugu horeysay oo mac-hadka Rima lagu qabto Munaasabad noocaan oo kale ah.

Ardaydii ka soo qeyb gashay Munsaabadaan ay soo qaban qaabisay Mac-hadka Rima ayaa waxay ku reebtay Taariikh aan la’ilaawi Karin.

Ardayda wax ka barata Mac-hadkaan Rima ayaa waxay ka kala yimaadeen dhawr wadan sida, Soomaaliya, Tanzania, Nageria, Sudan, Libiya, Yeman, Iraq, Iran, iyo Bangladesh.Caawa ayaa lagu wadaa in Xaflad balaaran lagu qabto Jaamacadda loogu jecel yahay Jaamacadaha ka jira dalka Malaysia, oo lagu magacaabo UIA. Xafladaasow loogu magac daray Maalintii ay Soomaaliya Xurowday 1-da Luulyo.

Ugu danbeentii mac-hadka Rima ayaa wuxuu soo bandhigay Qadarinta uu u haayo Shacabka Soomaaliyadeed meel kastow oo ay caalamka ka joogaan.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: adde053@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia....

Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version