1da Luulyo Maanta iyo Mustaqbalka Dalka Soomaaliya
Dalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ku sugan yahay Xaalad Xukun deg-deg ah
kaddib markii uu gacan ka hadalka iyo Dagaaladu ay gaareen heerkii ugu xumaa
iyadoo weliba loo Dabaaldegayo maalintii Xorinimada ee Dalka Soomaaliya
Dagaaladdan ayaa waxay salka ku hayaan khilaafyo ay abuureen labada Dowladood ee
ay Soomaaliya Deriska la tahay ee Itoobiya iyo Ereteriya oo labadu u dhexeyo
Dagaal aad u qoto dheer , kaddib markii ay Hay'adda Qaramada Midoobay ay amartay
inay joojiyaan Dagaalka u dhexeeya labadan Dowladood ayaa waxay door bideen inay
kula soo galgashaan Dalka Soomaaliya oo uu Aafeeyey Dagaallo Sokeeye ay suuragal
tahay inay ku Dagaallami karaan isla markaana ku Badbaadin karaan Shacabkooda
iyo Dhulkooda ku burburin karaan Soomaaliya Dalkeeda, Dowladeeda ,Dadkeeda iyo
Diinteedaba.
Haddaba, Ciidamo shisheeye oo Dalka yimaadaa Xal iyo nabad ma soo celin karaan?
Su'aashan ayaa jawaabteedu waxay tahay mid aad u sahlan, Sababtuna ay tahay
waxaanu ognahay inay Ciidamo Shisheeye Soomaaliya yimaadeen dhowr jeer tan iyo
intii ay Soomaaliya ku sugnayd Dagaalladan sokeeye dhibaatooyinkii iyo xasilooni
darridii ay abuureena qof waliba wuu ogyahay iyadoo weliba ay dhaawac wayn ay
gaarsiiyeen Dalka dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo arimha Bulshada waxaase
Haboon inay Dowladda KMG ahi ee Soomaaliya ay raadiso Khubaro ku Xeel dheer Dib
u Heshiisiinta isla markaana ay Weydiisato Mucaaradka ka soo horjeeda inay
Badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay Miiska Wadahadalada isu
yimaadaan ,Sababtoo ah Dhibaatada inta badani waxay ku dhacaysaa Maati iyo Dad
Rayd ah oo aan waxba galabsan , intii uu Dagaalka socdayna Dad fara badan ayaa
ku dhintay ,Dhaawacmay ,Barakacay ,Dil ula kac ahina loo geystay welina Socda.
Markaan dib ugu noqono Taariikhdii gobonimo doonkii Soomaaliyeed waxay ahayd mid
u jeedadeedu ahayd in Dalka Gumeysiga laga saaro ,tan Maantay taagana waxaad
moodaa inay Lidi ku tahay oo Gumeysigii loo yeedhanayo maxaa u Sabab ah? is maan
dhaafka Siyaasadeed ee ka jira Dalka ayaa wuxuu abuurayaa in Kooxdii laga awood
roonaado ay u Qayla dhaansato Itoobiya ama Ereteriya oo labaduba dana gaar ahi
ka leh Dalka Soomaaliya " Amxaaro Arxan nooma aha , Ereteriyana Ehel nooma aha"
Soomaali waa inuu Caqligeeda u adeegaa waxay leedahay Culumaa'udiin, Aqoonyahano
,iyo waxgarad,Hooyooyin , Dhallinyaro oo diyaar u ah inay Shacabkooda wax u
qabtaan sidii (S.Y.L ) oo kale Xabadi Xal ma noqoto waxaa wanaagsan in Dowladda
iyo Kooxaha ka soo horjeedaa ay Shacabkooda Badbaadiyaan isla markaana ay Miiska
wada hadaladana ku soo noqdaan iyagoo Dib u eegaya Maslaxadda Qaranka iyo Dadka
Maatida ah ee ay Dhibaatada inteeda badani ay ku dhacayso maallin walba.
Munaasabaddan ku aadan Xornimadii Dalka Soomaaliya ahna Sanadguuradii 49aad ee
ka soo wareegatay maallintii midowga ee labada Gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta
Dalka Soomaaliya oo ahayd July,01, 1960kii ayaa waxay ku soo beegantay Xilli uu
Dagaal Culusi ka socdo Dalka Dowladduna ay Caalamka iyo Dowladaha Deriskaba
ahiba ay ka codsatay inay Ciidamo la soo gaaraan taasina laga yaabo inay keento
Dagaalo kale oo ku sii baaha Dhammaan Gobolada Dalka Soomaaliya oo dhan burbur
iyo Barakac fara badanina uu dhaliyo , Sababtoo ah waxaannu ognahay in Ciidamada
Shisheeye aysan kala jeclayn kan la jira iyo kan ka soo horjeeda ee ay
ujeedadoodu tahay inay Danahooda ka fushadaan Dalkan Qaniga ah ee Badaha ,
Macaadinta, Webiyada iyo Beeruhu ay is dhex jiifaan oo Shacabkii lahaana ay
Xabaddo isu haystaan iskuna Dilayaan Qabiil, iyo wax aan la garanayn oo uu
"Sheydaan"u adeegsaday una Qurxiyey in uu Qof Soomaali ah oo Qiimo leh uu Qof
kale oo Soomaali ah uu Qudha ka jaro.
Waxaan fursadan Qaaliga ah ee ku aadan Munaasabaddan Maallinta Xornimada ugu
Baaqayaa anigoo ku hadlaya Magaca Dhammaan Aqoonyahanada ku nool North America
in labada Dhibnac ee Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeedaa ay Xabadda si Shuruud
la'aan ahi u joojiyaan kuna soo noqdaan Miiska Wada hadalka si loo Badbaadiyo
Shacabka Soomaaliyeed oo ay Muddo 20 Sanno ahi Dagaalladu Aafeeyeen ,Qax,
Barakac, Dhaawac iyo Dhimasho ku sugan iyo kuwa ku kala firxaday Dunida
Daafaheeda oo ku sugan Xaalado kala gedisan oo aad ku khlafsan , Waxaannu mar
Labaad leenahay Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeedaa ha u turaan Maatida iyo
Carruurta Soomaaliyeed ee ka Barakacaysa Goobaha ay ku Dagaalamayaan Tanaasulna
ha ha isu sameeyaan si loo gaaro Maslaxad Caam ah oo nabad buuxda lagu gaaro.
Gabagabadii iyo faalladan ku saabsan Munaasabadda Maallinta Xornimda ayaa
waxaanu ku soo qeexnay Maanta iyo Mustaqbalka Dalka Soomaaliya haddii aan la
helin Midnimo iyo Qaranimadii oo aan Dib loo soo Celinin waxaad ogaataan in
Soomaaliya ay Gumeysayaashu u tashan doonaan ku dhex Dagaalamayaana ay u wada
Heshiin doonaan inay iyagu Qaybsadaan Itoobiya iyo Ereteriya oo kala Taageeraya
Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda , Waxaase inoo haboon inaannu Heshiino
Dalkeenana Dib u Xorayno reer Xamar ayaa waxay ku Maahmaahaan " Isma Hurtoow ha
is Halaynin" , Qori iyo Madfac inay isku keen dhiibaan Itoobiya iyo Ereteriya
Xal nooma noqonayso waa inuu Caqligeena inoo adeegaa Ummadeenana ka Badbaadinaa
Dhibaatadan mudada dheer soo jiitamaysay ee aan Xalka lahayn, Soomaaliyeed
Midnomo.
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somlihungerhivprojectus2004@yahoo.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009