SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiiradda Caafimaadka Dowlada Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali "Muhiimada Ugu Weyna Waxay Tahay Ma ahan Wax Qabadkeeda ee …" xili ay la wareegeysey deeq ka timid dalka Turkiya

Deeq isugu jirta dawo iyo qalab Caafimaad oo ka timid dalka Turkiya ayaa lagu wareejiyey Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka DFKMG Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali 30/06/2009-ka.

Deeqdan ay la wareegtey Wasiiradda Caafimaadka DKMG Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali ayaa dowlada Turkiya usoo marsiisey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiya Amb, Hilaall Maxamed Aadan, iyadoo goobta xil wareejinta ay ka dhacaysey ee ZON Free ee dalka Jabuuti uu goob joog ka ahaa Wakiilka dalka Turkiya u fadhiya Soomaaliya, islamarkaana hadal kooban ka jeediyey halkaas.

Ambasador, Hilaall Maxamed Aadan oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri "waxaan ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlada Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali deeq dawo ah oo ka timid dalka Turkiya , islamarkaana ah tii ugu horeysey oo ay Soomaaliya ugu deeqdo dowlada Turkiya," ayuu yiri Amb; Hilaall Maxamed Aadan.


Ambasador Hilaall Maxamed Aadan oo deeq wareejin sameynaya.

Wasiiradda Caafimaadka Dowlada Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali waxay tiri "waxaan halkan kula wareegey mucaawino nooga timid dowlada Turkiya oo muujinaysa walaall-tinimada, qadarinta dowlada aanu nahay walaallaha iyo dareenka Gargaar ay la damacdey maanta, iyadoo noosoo marisey Safaarada Soomaaliya ee uu wakiilka ka yahay Ambasador Hilaall Maxamed Aadan" ayey ku sheegtey khudbadeeda Wasiiradda


bidix Amb Hilaall, dhexda Amb Muuse, midig Wasiirad Qamar.JPG

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey "tayadeeduna waa wax muuqda, waana wax Ummadda Soomaaliyeed wax weyn taridoona, qiima ahaan daawadan iyo qalabka caafimaad ee la socda waxay ku fadhidaa ku dhawaad $300,000, waxayna u badan tahay qalab iyo is-ticmaal dawo, waxaana ka haysanaa balan qaad intan ka badan, inaga ayaa nalaga rabaa baahideena inaan sheegno, sida ay naga balan qaadeen, muhiimada ugu weyna waxay tahay ma ahan wax qabadkeeda ee waqtiga ay na soo gaartey ayaa macne weyn inoo sameynaya, isla xiligana waxaan u direynaa dalka, waxaana sugeynaa duulimaadka diyaarada" ayey kusoo gebagebaysey Wasiiradda iyadoo u mahad celineysa Dowlada Turkiya iyo Wakiilkeeda Soomaaliya.


bidix marwada Ambasadorka, dhexda Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Amb Muuse, Dr. Qamar, Wakiilka Turkiya , midig siihayihi

Ambasador Hilaall Maxamed Aadan oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey xil wareejinta kadib Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti ayuu waxaa uu wareysigiisa iigu faah faahiyey mudadii ay ku qaadatey u gudbinta baahida Dowlada iyo xaaladaha kala duwan ee uu ku sugan yahay dalka, tirada daawada iyo waxa ay ka kooban tahay ayaa Isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri

"waxaa farxad ii ah inaan ku wareejiyo Wasaaradda Caafimaadka dowlada midnimada Qaran, deeq dawo ah oo dalka Turkiya usoo hibeeyey Shacabka Soomaaliya, dawaduna waxay gaareysaa 5-tan oo isugu jirta dawo iyo qalab caafimaadka ugu qaalisan, waxayna ku kala jiraan 425-kartoon"


Xildhibaan Yaasiin Bucul iyo Drs.Qamar

Amb, Hilaall mar uu ka hadlaayey noocyada qalabka ayaa wuxuu yiri "qalabku wuxuu isugu jiraa, laga bilaabo Aytamka koowaad ilaa 209, waxaana ka mid ah qalabka Sheybaarka, kan dawooyinka deg dega ah, sariiro iyo qayb dhaxanta laga huwado, waxayna igu qaadatey in aan dowlada Turkiya Wasiirkeeda Caafimaad ka qanciyo baahida aan u qabno dawoda mudo lix bilood, kadib Wasaaradd wasaaradda ayaana ula xiriirey dowlada Turkiya, si dowlada Soomaaliya loo caawiyo, waxaana ku rajo weynahay in deeqaha kale ee soo socda ay noqondoonaan in laga sii badiyo tirada daawada aan hada helney" ayuu ku soo gebagebeeyey Ambasadoorka.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version