SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

7 sano kadib oo ciidamada Itoobiya xalay ay ka baxay Degmada Luuq….


Habeenkii xalay ahaa saqdii dhexe ayaa ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo halkaasi isaga baxeen kadib markii ay mudo 7 sano ah ku sugnaayeen halkaasi.

Ciidamad Itoobiya eek u sugnaa Degamada Luuq ayaa waxay ku biireen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ka tagay Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in ay gaareen Doolow Soomaaliya oo ay uga sii gudbi doonaan dhinaca wadanka Itoobiya.

Muddadii todobada sano ahayd eek u sugnaayeen Luuq ayaa waxaa la sheegay in ay halkaasi ka sameeyeen maamul iyaga taageersan, sidoo kale waxaa lagu waramay in ciidamada Itoobiya halkaasi ka gaystay falal isugu jira dil, xarig iyo dhac, dadweynuhu waxay ahaayeen kuwo ku noolaa cabsi iyo walwal.

Dadweyne daad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalada Luuq kuwaas oo ku faraxsanaa bixitaanka ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku sii jeedaan magaaladaasi si ay ula wareegaan.

Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo waxaa haatan ku sugan ciidamo ka tisan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo la filayo in ay dhawaan ka sameeyaan maamul Islaami ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay degmada Luuq soo galeen 2002-dii kadib markii ay halkaasi ka dareemeen wax ay ku sheegeen in ay ku soo badanayaan kooxo islaami ah, waxayna ciidamadaasi ay ahaayeen kuwo ay si aad ah uga cabanayeen bulshada halkaasi ku nool iyadoo bixintaanka ciidamada Itoobiya ee degamada Luuq ka dhigeyso in ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka baxeen Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS