SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beelaha Gugundhabe waxay cambaaraynayaan xasuuqa joogtada ah oo ay Ciidamada AMISOM

BEELAHA GUGUNDHABE HAWIYE.

Ujeedo: Warasaxaafadeed.




Kulan muhiim ah oo ay yeesheen beelaha gugundhabe Hawiye manta oo ay taariikhdu tahay 27/01/2009, oo ay kaga hadlayeen xaaladihii iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya ayey falanqeyn dheer ka dib ka soo saareen qodobadan soo socda:


in ku dhaqanka shareecada islaamka ay tahay furha xalka iyo nabadda Dalka Soomaaliya.

waxay beelaha gugundhabe si aad uga xun yihiin una cambaaraynayaan xasuuqa joogtada ah oo ay Ciidamada AMISOM u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee degan Gobalka Banaadir, gaar ahaan beegsiga goobaha ay shacabku ku badan yihiin, sida suuqa bakaaraha, taas oo ku tusinaysa cadaawada adage e ay u qabaan shacabka Gobalka Banaadir

waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka iyo rurka Midowga Africa in ay dalka ka saaraan Ciidamada AMISOM ayna joojiyaan Ciidamo shisheeye oo loo soo diro dalka Soomaaliya taas oo keeni karta dagaalo cusub oo ka dilaaca Dalka.


in uu sii soconayo Jihaadka looga soo horjeedo gaalada ku soo duushay dalka sida uu qabo kitaabka Allaah iyo sunnada Nebiga SCW.

in fderaal, 4,5 iyo qawaaniin ay dad dejisteen uusan midna maslaxad u aheyn bulshada Soomaaliyeed, loona noqdo kitaabka Allaah.

6.in ay ka waantoobaan maleeshiyaadkii ka haray TFG-da dhaca iyo isbaarooyinka ay weli ku sii hayaan shacabka Allane ka cabsadaan kuwa weli difaacaya isbaarooyinkaas.

Ugu dambeyn waxaan ku baaqyenaa in shacabka Soomaaliyeed ay ku xirnaadaan kitaabka Allaah iyo sunnada Nebiga SCW, meelna uga soo wada jeestaan cadowga doonaya in uu mar kale sii qeybiyo.



Wabilaahi Towfiiq..

warsaxaafadeedka oo qoraal ah




Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS