SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Golaha saxafiyiinta Puntland oo maalmahan kulan ballaaran uga socday magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa maanta dhamaystiray dhismaha dalad guud oo ay ku midaysan yihiin oo lagu magacaabo Ururka Warbaahinta Puntland Media Association of Puntland (MAP).

Sawirada Halkan ka daawo...

Gole ka kooban 27 xubnood oo kala socda qaybaha kala duwan ee saxaafadda Puntland ayaa maantay waxay cod aqlabiyad ah oo qarsoodi ah ku doorteen Xooghaya guud ee daladda waxaana loo doortay Burhaan Axmed Daahir waxaana la tarmay Yacquub Maxamed C/lle.

Burhaan ayaa in badan ka soo shaqeeyay saxaafada wuxuuna xubin ka yahay ururo badan oo ay ka ka mid yihiin ururka saxaafada africa, ururka saxaafada bariga africa.
Burhaan oo aan isagu doonayn in uu noqdo masuulka daladan ayaa waxaa codsi u soo jeediyay inta badan wariyaashii goobta joogay ee codka bixinayay waxayna ka codsadeen in uu tartamo iyakoo aaminsan in wax badan ka qabankaro hawlaha muhiimka ah ee horyaal saxaafadda Puntland.

Buurhan oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wariyaashu ay isaga u arkaan in uu yahay nin ku haboon qabashada daladan sidaasdarteedna uu balan qaadayo in uu ka soo baxayo waajibaadka daladda uuna ku dadaalayo in saxaafadda Puntland ay noqoto mid la xurmeeyo ilaalisana waajibaadka iyo shuruucda saxaafada.

Madaxa Idaacadda Gaalkacayo oo lahaa qabanqaabada dhisitaanka daladan Xassan Maxamed Jaamac (Jidxun) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Burhaan uu noqdo Xoghayaha Guud ee dalada wuxuuna sheegay in uu marar badan ka codsaday in uu shaqadan haddii loo doorto uu aqbalo balse uu ka diiday.

Marwo Asli Qodax oo hay,adda Care u qaabilsan dhanka saxaafadda ayaa sheegtay in ay aad ugu farsan tahay in ay saxafiyiinta Puntland ay samaystaan dalad ay ku midaysan yihiin waxayna sheegtay in aysan iyadu saxafi ahayn balse ay jeceshahay saxaafada ayna u aragto dhagihii Ummadda sidsaasdarteedna ay ku faraxsan tahay dhismaha daladda.

Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/shakuur Mire Aadam oo kulan soo gabagabeeyay ayaa sheegay in dhismaha daladan ay ahayd wax loo baahnaa, wuxuuna saxafiyiinta ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaa madaxda dalada, sidoo kale wuxuu saxafiyiinta ka codsaday in ay ka dheeraadaan wax kasta oo lid ku ah danada dadka iyo dlka kana shaqeeyaan horumarka dalka.

Hirgalinta kulankan lagu dhisay daladda saxaafadda Puntland ee MAP ayaa waxaa iska kaashaday Idaacadda Gaalkacyo iyo Hay,adda Care International.
 

Waa markii labaad oo saxaafadda Puntland ay yeelato dalad guud,waxaana 2004 la dhisay dalad lagu magacaabijiray PUMANET taa soo islamarkiiba burburtay kadib markii hawlwadeenadii daladaasi ay shaqadii dalada ay ka doorbideen waxyaalo kale.

Sheekh Aduun + c/fataax
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS