SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Liiska Xildhibaanada cusub ARS ay u qaybsatey 4.5-ka oo Dhameystiran

Magacyada Liiska Halkan Ka akhri ama Halkan

Liiskan waa magacyada Xildhibaanada cusub ARS ee lagu dhaarindoono 28/01/2009 caasimada dalka Jabuuti, Guriga Ummada ee caasimada dalka Jabuuti, inkastoo aan wali la shaacin xiliga doorashada Madaxweynaha hadana hore waxaa loo hadal hayey in 28/01/2009-da ay dhicidoonto.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta saxaafada la hadlaayey oo aan wax ka weydiiyey kulan isbarsho ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ayuu ka sheegey in doorashada Madaxweynaha ay tahay waxa ugu horeeya ee uu qabanayo Baarlamaanka KMG ee Dowlada TNG-ga cusub.

Shariif Xasan wuxuu keloo sheegey in xubnihii 75-ta aan wali la qaybin islamarkaana aan la soo xulin magacyadooda.

Waxaase ku jira liiskan cusub magacyo hore uga tirsanaan jirey Dowladii Carta iyo Xukuumada FKMG xubin ka mid ah oo hada xilka Wasiirnimada Haysa, arintan ayaa waxay qayb ka tahay waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay la yimaadaan Beelaha Soomaaliyeed ee mudada 19-ka Sano u dagaalamaya xilka qabashada jagada Madaxweynaha.

Magacyada Liiska Halkan Ka akhri ama Halkan

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

75-tii Xubnood ee Loo Qoondeeyey Ururada Bulshada oo Qarka u Saaran in Lagu Wareejiyo Ururka Al-Shabaab
-Xildhibaanno ka soo kicitimay Galkacyo oo Gaarey Jabuuti...
-30-kii xubnood ee Muqaawamada oo Lagu Celiyey Sh. Shariif
Akhri Warka oo dhan...

Xafiiska Qarammada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya
Axmadu Wallad Cabdalla oo soo dhaweeyey in Barlamaanka DFKMG u codeeyey kordhinta xubnihiisa. Akhri Jan 27

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS